Tuesday, 19 June 2012

Saxiixayaasha Road Map-ka oo dhisaya Guddiyo kala duwan oo la sheegay inay qaban doonaan

Kooxda lixda ah ee la baxday saxiixayaasha Road Map-ka ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu shir uga furmayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaas oo loogahadlayo dhismaha Guddiyaal kala duwan oo ay sheegeen inay qabanayaan dhismaha iyo hagaajinta Road Map-ka.
Sida warku sheegayo shirkan ayaa waxaa lagu dhisayaa Guddi loo bixiyey Guddiga farsamada oo ay sheegeen in Odayaasha dhaqanka uu kala talinayo qaabka ay u soo xulayaan ergooyinka ansixinta dastuurka iyo soo xulista xubnaha cusub ee Baarklamaanka bedelaya kan haatan jooga.
Sidoo kale saxiixayaasha Road Map-ka ayaa la sheegay in shirkooda ay ku dhisayaan Guddi qaabilsan qiimeynta xubnaha ka mid noqonaya Baarlamanka cusub ee soo socda, taas oo ay si weyn uga horyimaadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo sheegay inaan la aqbali karin in koox keliya ay ku takrifasho amaba ay maamusho qorshaha Road Map-ka.
Shikan oo ah kii labaad muddo bil gudaheed ah ay sheegeen saxiixayaasha Road Map-ka ayaa u muuqda inuu si cad uga horimaanayo hadal uu dhawaan sheegay Ra’isul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali {Gaas} kaas oo ahaa inuu dhamaaday doorkii saxiixayaashu ay ku lahaayeen Road Map-ku haddana ay usha agtaalo Odayaasha dhaqanka oo uu sheegay in looga baahanyahay inay si cadaalad ah u soo xulaan ergooyinka ansixinaya dastuurka qabyo qoraalka ah iyo soo xuliska Baarlamaanka cusub ee soo socda.
Si kasta oo ay ahaataba Guddiyan ayaa haddii hirgalaan waxay keeni karaan in qaar ka mid ah xubnaha ay beelahooda u soo doortan inay ka mid noqdaan ergooyinka amaba xubnaha Baarlamaanka in dib loogu celiyo beelahahooda oo laga dalbado inay soo bedelaan, waxaana la sheegayin shuruudaha laga doonayo xubnaha Baarlamaanka cusub ay noqdaan kuwo aan dalka dembi ka gelin, isla markaasna leh aqoon iyo karti

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment