Friday, 15 June 2012

Xog Sir Ah Wasiiro Xukuumada Ka Tirsan Oo Lagu Wada In Xilka Laga Qaado

Madaxweyne-Sharii

Dhaq dhaqaaq aad u xoogan ayaa Madaxtoooyada Soomaaliya caawa laga dareemayaa ka dib Markii Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya uu bilaabay kulamo gooni gooni ah oo uu la yeelanayo La taliye-yaashiisa, xubno wasiiro ah, iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya.
Kulamadaan oo ku soo beegmay saacado ka dib xilli Maanta uu Madaxweynaha Kulan Balaaran la qaatay Golaha Wasiirada Dolwada KMG, ayaa lagu micneeyay mid Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu ku doonayo in uu xilka kaga qaado xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladiisa.
Illaa iyo hada waxaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha ay Miiska u saaran yihiin illaa iyo 3-wasiir oo uu doonayo in uu xilka ka qaado, iyadoona aan faah faahin rasmi ah laga helin saacada iyo xilliga rasmiga ah oo uu doonayo in uu xilka ka xayuubiyo xubnahaan ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladiisa.
Mas’uul Muhiim ah oo xilligaan ku sugan Xarunta Madaxtooyada oo codsaday in Magaciisa aan lasoo xigan ayaa xaqiijiyay in Wasiirada Miiska u saaran Madaxweynaha ay yihiin, 1)- Wasiirka Warfaafinta C/qaadir Jahweyn, 2)- Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil, 3)- Wasiirka Iskaashiga Caalamiga C/laahi Goodax Barre.
Wasiirka Warfaafinta iyo Madaxweynaha Dowlada KMG ayaa Khilaafkooda ahaa mid soo jiray tan iyo waxii ka danbeeyay Qaraxii 4-tii April ka dhacay Xarunta Tiyaatarka Qaranka, iyadoona dhowr jeer oo horey ay usoo shaacbsaxday in Madaxweynaha uu doonayo in uu xilka ka qaado Jahweyn balse aan taasi dhicin.
Wasiirka Dastuurta Mr Xoosh iyo madaxweynaha ayaa khilaafkooda lagu micneeyay mid salka ku haya Arrimaha Dastuurka iyadoona khilaafka ugu xoogan uu ka dhashay sida wararka sheegayaan ka dib markii wasiiro laga dareemay in uu u jan jeeray dano gaar ah oo Maamulka Puntland gaar ahaan C/raxmaan Faroole ka damacsan yahay Qodobo ka mid ah Dastuurka.
Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxweynaha ayaa la sheegay in ay isku hayaan Qorshooyin dhowr ah iyo safaro dhowr ah oo uu wasiirka la socod siinin Madaxweynaha, taasina ay soo da dajisay in is faham waa labada dhinac ah uu yimaado

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment