Mid ka mid ah wararkii ugu yaabka badnaa ee loogu hadal haynta badnaa ayaa ka soo yeeray wadanka Shiinaha ka dib markii la shaaciyey in dhawaan la bilaabi doono dhismaha dunida ugu dheer oo dalkaasi laga dhisayo kaasi oo 90 maalmood oo kaliya lagu taagi doono.
Hala yaabin oo ha is oran sidee arintan ku noqon kartaa macquul, ogow meeshu waa Shiinaha, wax walba oo bini’aadam qaban karo waa ay ka fududahay in la sameeyo.
Shirkad laga leeyahay wadanka Shiinaha ayaa daboolka ka qaaday dhimsha dunida ugu dheer oo dalkaasi ay ka dhisayso kaasi oo loo bixiyey ‘Sky City’ waxaana laga dhisi doonaa magaalada Chang see gobolka Hunan.
Dhismanan dhirirkiisu wuxuu noqonayaa 838 mitir, iyadoo dhismaha haatan dunida ugu dheer ee Burj Khalifa ee ku yaal magaalada Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta uu dhirirkiisu yahay 828 mitir.
Dhisamahan wuxuu ka koobnaan doonaa 220 dabaq oo is dulsaaran, waxaana ku baxaysa 628 milyan oo doolarka Mareykanka sida ay shaacisay shirkada Broad Sustainable Building (BSB) oo sheegtey in dhismaha dhirirkaasi leh, ee ay ku baxayso malaayiintaasi doolar ay ku dhameystiri doonto mudo 3 bilood ah.
Dhismaha Burj Khalifa ee Dubai waxaa lagu wadey dhisme shan sano, waxayna noqonaysaa la yaab iyo dhacdo sheeko reebta in dhismahan Sky City lagu dhameyn doono 90 maalmood oo kaliya.
Dawlada dhexe ee dalka Shiinaha iyo maamulka gobolka Changsa, waxay siiyeen shirkada naqshadan soo bandhigtey ruqsada dhismahaasi ay ku dhisayso, sida uu sheegay maamulaha fulinta shirkada BSB oo xusey in dhismahaasi la bilaabayo hawshiisa bisha November ee soo socota isla amrkaana la dhameystiri doono bisha January ee sanadka dambe ee 2013.
Shirkada BSB horey bishii June ee sanadkii 2010 waxay ku sameysey taariikh la yaab leh ka dib markii ay dhistey dabaq ka kooban 15 biyaano mudo lix maalmood oo kaliya ama 260 saacadood.
Dhismahan wuxuu ka koobnaan doonaa 70 kun oo qol ilaa 110 kun oo deegaan, waxaana uu yeelan doonaa 104 wiish ama elevators oo loogu tala galay inay u kala dhex gooshaan qaybaha uu ka kooban yahay dhismahan, iyadoo sidoo kale dhismahan. garable.com muxudin diini fiidow

·

|
No comments:
Post a Comment