Friday, 25 May 2012

Xaalada afhayeenka shabaab shekh Cali dheere oo laga dayrinayo dhaawac soo gaaray, magaalada kmismaayo oo lagu dabiibayo, Xog Hoose


Afhayeenka shabaab sheikh Cali Maxamuud Raage ayaa la sheegay in uu dhawac ka soo garay dagaal daraad ka dhacay Duleedka Muqdisho ee Degmada dayniile, oo uu deegaan ahaan ka soo jeedo.
Cali dheere ayaa la sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray xaga sare gaar ahaan, waxaa la sheegay in xabad uga dhacday xabadka iyo garabka midig.
Afhayeenka shabaab oo ka mid ahaa saraakiishii Hogaaminaysay dagaalka ay amisom kula waabariisatay maalmo ka hor Dayniile, ayaa la sheegay in dhaawaciisa uu haatan yahay mid culus.
Dhaawaca Cali dheere oo waxba looga qaban waayay deegaanada ku dhaw halka uu dagaalka ka socdo, waxaana la sheegay in la Geeyay isbitaal caalami ah oo ku yaala magaala Xeebeedka Kismaayo, oo ay joogaan taqaadiir cadaan ah.
Sida uu Bogan Nuxur.com u sheegay mid ka mid ag gacan yarayaasha wadaadka ay Maraykanka doon doonaan ee Xasan daahir, ayaa Bogan u sheegay in dhaawaca Cali dheere uu yahay mid Culus oo halis ah.
Sidoo kale dhaawaca afhayeenka shabaab ayaa imanaya Xili dagaalo kulul oo xasaasi uu ka socdo hareeraha Muqdisho, taas oo looga bartay in uu ka hadlo taasi oo shaki badan dhalin karta hadalka cali dheere oo la waayay.
Afhayeenka ayaa lagu yaqanaa nin aan ganban Xiliyadan oo kale ay tahay, mid uu ka soo muuqan jiray saxaafada M uqdisho.
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment