Friday, 25 May 2012

Wadada isku xirta afgooye iyo Muqdisho oo wali xiran iyo qudar la,an ka jirta suuqyada Muqdisho


Wararka naga soo gaaraya wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waxaa saakay xiran Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, taasoo saamayn ku yeeshay shacabka ku nool Caasimada Magaalada Muqdisho oo qudaartii, Hilibkii iyo Caanihii kaga imaan jiray dhanka Sh/hoose.
Saakay oo Jimco ah ma jiraan wax gawaari ah oo  ka dhex shaqeynaya Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay dadka iyo gaadiidka isticmaala wadadaasi diideen inay isticmaalaan.
Shacabka Muqdisho oo ku xirnaa Qudaarta, Caanaha iyo Hilibka oo dhanka Sh/hoose kaga imaan jiray ayaa maantay helin dhammaan Adeegyadaasi oo ay u baahnaayeen, iyadoo sarakac laga dareemayo suuqyada Muqdisho qiimaha Qudaarta, Hilibka iyo waliba Caanaha.
Lama oga xiliga Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya dib  u furayaan wadadaasi isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, taasoo shalay si caadi ah u shaqeynayay, dadkii barakacayaashana u saamaxday inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.
Si kastaba shalay ayay ahayd markii iska hor’imaad sababay dhimasho iyo Dhaawac Ex koontarool Afgooye ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG Soomaaliya.
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment