C/laahi Cali Caanood oo ah taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada dowladda oo isaga oo ku sugan sida uu sheegay Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe qadka tillifoonka ugu waramay garable.com ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in si nabad galyo ah ay kula wareegeen gacan ku haynta Degmada Balcad.
Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM si nabad galyo ah ay gudaha u galeen Degmada Balcad iyo sidoo kale deegaanka Golaleey.
Isaga oo hadalkiisa sii wata C/laahi Cali Caanood oo ah taliyaha Gaaska koowaad ee ciidamada dowladda ayuu sheegay in hada ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin deegaanka Golaleey oo ka tirsan Gobalka shabeelaha dhexe Balcadna ay sii dhaafeen.
C/laahi Cali Caanood oo ah taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada dowladda ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha labaad ee dagaalka uu yahay la wareegitaanka Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo ay iminka maamulaan Ururka AL-Shabaab.
Wuxuu sheegay in la wareegitaanka Degmada Balcad ay maanta kusoo aaday iyadoo lagu guda jiro todobaadka dabaaldaga xuriyada Soomaaliya.
Ilaa hada majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka AL-Shabaab oo ku aadan la wareegitaanka Degmada Balcad oo saraakiisha dowladda ay sheegeen iyo sidoo kale deegaanka Golaleey oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment