“Dacwadda Islaamka iyo fidinteedu waa xil saaran qof kasta oo Muslim ah, loogana baahanyahay inuu si daacadnimo iyo howlkarnimo ah u guto, muslimiinta guud ahaan waxaan ugu yeereynaa midnimo iyo inay xarigga Ilaahay wada qabsadaan si ay liibaan adduun iyo aakhiro u gaaraan, waxaan Muslimiinta guud ahaan, gaar ahaanna Ummadda Soomaaliyeed uga digaynaa khatarta iyo cirib xumada ay leedahay khilaafka iyo kala qeybsanaanta, heer kasta iyo qola kastaba ha noqotee, Ummadda Soomaaliyeed dastuurkeedu waa shareecada Islaamka oo waqti kasta iyo meel kastaba ku haboon, liibaan iyo horumar, cisi iyo sharafna lagu gaaraayo, dastuur kasta oo meel aan iyada aheyn laga keenayna waa halaag iyo cirib xumo” ayaa lagu yiri bayaanka Imaamyada.
Sidoo kale waxaa bayaanka lagu yiri “Culimada Soomaaliyeed xil weyn ayaa ka saaraan diinta iyo dalka iyo badbaadintooda, waxaana looga baahanyahay inay xilkooda si geesinima leh u gutaan, meelna uga soo wada jeestaan ka hortagga khataraha kala duwan ee ku socda, Ummadda Soomaaliyeed waxay u baahantahay 20-sano oo burbura ka dib, dowlad ku dhisan shareecada islaamka, kala dambeyn soona celisa amaanka, waxaan ugu yeereeynaa dadka isku haya Soomaaliya ee magacyada kala duwan wata inay heshiiyaan si ay u dhamaato faragelinta shisheeye iyo colaadu, sidoo kale waxaan ugu yeeraynaa dowladaha deriska ah sida Itoobiya iyo Kenya inay faraha kala baxaan arrimaha dalka Soomaaliya, ummadda Soomaaliyeedna loo daayo inay ka tashadaan danahooda”.
Ugu dambeyntii bayaanka ka soo baxay Imaamyada Masaajidyada dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu yii “Xarakada Al-shabaab waxaan u soo jeedineeynaa inay u soo noqdaan manhajka toosan iyo culimadadooda si looga wada shaqeeyo xaqiijinta manhajka Alle, loona dabo qabto inta ka hartay ummaddii Soomaaliyeed, waxaan uga digaynaa wiilasha, gabdhaha iyo da’yarta dibadda iyo gudaha joogo inay ku kadsoomaan dacaayadda Shabaab oo aan la daadin dhiig xaaraan ah, sidoo kale ururka la baxay Ahlu suna Waljamaaca waxaan ugu baaqaynaa inay joojiyaan kana waan toobaan, xad gudubyada ka dhanka ah diinta iyo ehelkeeda, waxaana ugu dardaarmeynaa jaaliyadaha dibadda in qoysku yahay laf dhabarta bulshada, lana doonayo in laga ilaaliyo khilaafka iyo burburka si loo barbaariyo ubad suuban oo fayow, sidoo kalena waxaan ugu baaqeeynaa doowladda Mareykanka inay joojiso dhibaatada iyo midabtakoorka iyo dabagalka xaqdarrada ah ee lagu hayo muslimiinta Mareyk
anka
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment