Ilo xog ogaal ah oo ku sugan Magaalada Istanbul ayaa Shabakadda Caalamiga ah ee [wabarimedia.com] u sheegay in ay diyaarad gaar ah odayaashan dhaqanka kasoo qaadi doono magaalada Istanbul ee Caasimada Dalka Turkiga, taas oo la rajaynayo in ay keeni doonta magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.
Tirada odayaasha dhaqanka oo gaadhaysaa Ilaa 150 oday-dhaqameed ayaa ka qayb galay shirkii Istanbul oo qaybtiisii koowaad, isagoona shirkaasi lagaga hadlayey arrimaha hormarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya. Sidoo kale waxaa shirkaas ka qayb galay Ururada Bulshada, Aqoonyahano Soomaaliyeed, iyo Wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.
Odayaasha dhaqanka ayaa maanta dib ugu soo laaban doono Magaalada Muqdisho, waxa ayna ahaayeen odayaashani kuwo shirkaasi kaga doodayey soo magacaabista ergada anisixineysa dastuurka cusub ee la rabo in loo sameeyo Dalka Soomaaliya.
Ilaa hada ma cadda marka ay dib ugu soo laabtaan gudaha dalka in ay sii wadi doonaan kulankooda iyo in kale, iyadoona wakhtiga Dowladda KMG ah uu ku egyahay 20-August ee sanadkan ayaa inta ka horeysa waxaa laga doonayaa in la sameeyo Dastuur cusub, Baarlamaanka cusub iyo Dowladd cusub.
Isku soo wada duuboo saacadaha soo socda ayaa la rajaynayaa in odayaashu kasoo dagaan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyagoona qayb ka ahaan doona soo xulista ergada ansixin doonta Dastuurka Dalka.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment