Wasiirka arrimaha dibbadda Talyaaniga : "Ku meel gaarnimadu Soomaaliya dhibaato ayay ku haysaa marka waa in la sameeyaa dadaal kasta oo ku meel gaarnimada looga saari karo waayo hadda Soomaaliya waxay u baahan tahay inay yeelato dawlad dhexe"War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda Talyaaniga ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in lasoo afjaro xaalada KMG ee ay Soomaaliya ku jirto loona gudbo xaalad dalku ku yeelanayo dawlad dhexe.
War saxaafadeedkaan oo lagu qoray wakaalada wararka ANSA ee Talyaaniga wararka u faafisa ayaa waxaa lagu xusay in Soomaaliya ay muddo dheer ku jirto marxalad adag iyo ku meel gaarnimo is biirsaday waxaana ay sheegtay inay taageerayaan dadaal kasta oo suurta gal ka dhigi kara in Soomaaliya laga saaro xaalada ku meel gaar ah.
Wasiirka arrimaha dibbadda Talyaaniga Giulio Terzi ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee ANSA inay laga maarmaan tahay in in Soomaaliya ka baxdo ku merel gaarnimada ay ku jirto taasoo uu ku sheegay inay tahay caqabad taagan sida wasiirku u yiri.
"Ku meel gaarnimadu Soomaaliya dhibaato ayay ku haysaa marka waa in la sameeyaa dadaal kasta oo ku meel gaarnimada looga saari karo waayo hadda Soomaaliya waxay u baahan tahay inay yeelato dawlad dhexe" ayuu yiri wasiirka arrimaha dibbadda Talyaaniga Giulio Terzi.
Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga waxaa uu soo dhaweeyay shirkii ka dhacay magaalada Istanbul ee arrimaha Soomaaliya ku saabsanaa waxaana uu tilmaamay inay ka soo baxay qodobo muhiim u ah aayaha Soomaaliya.
Talyaanigu waxaa uu ka mid yahay wadamada reer Yurub ee taageera dawlada KMG ee Soomaaliya
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment