Sunday, 3 June 2012

HOGGAAMIYAASHA CAALAMKA OO KU BAAQAY IN LA TAAGEERO SOOMAALIYA



[wabarimedia.com]Kaddib markii uu soo afmeermay Shirkii Istanbul 2 ee ka dhacay dalka Turkiga ayaa hoggaamiyaasha Adduunka waxa ay ku baaqeen in la taageero Soomaaliya.
Guddoomiyaha Midowga Africa Jean Ping oo khudbad ka jeedinayay Shirkii Istanbul ayaa sheegay Soomaaliya inay hadda u baahan tahay kaalmo si ay dhowrka bilood ee u hartay dowladda Soomaaliya u dhameysato wax yaabaha u harsan.

Mr. Ping ayaa yiri "Soomaaliya waxa ay u baahan tahay xilligan in la saacido si ay u sameysato Dastuur cusub oo dadka oo dhan ay u dhan yihiin oo ah mid xaq ah oo ka dhabeynaya hanaanka nabadda."

Wuxu yiri:- "dowladda Turkiga waxa ay badbaadisay nafaf badan, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ra'iisal wasaaraha Turkig Recep Tayyip Erdoğa."

Madaxweynaha Uganda Yoweri K. Museveni ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ilaawi doonin kaalmada ay u fidisay Soomaaliya, wuxuuna yiri dadka Soomaaliyeed waa dad isku kalsoon oo raba in ay noqdaan dal iskiis wax u qabsan kara.

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza oo isna hadal ka jeediyay shirkii Istanbul ayaa sheegay in dalkiisa uu caawin doono Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto, " In la kaameeyo Soomaaliya waa tallaabo aad u wanaagsan,”, waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo horumar leh oo ka soo baxay Shirkii Istanbul.

Sidoo kale Madaxweynaha Djibouti Ismaacil Cumar Geelle ayaa sheegay shirkii Istanbul wax yaabaha ka soo baxay ay ahaayeen tallabo lagu farxi karo, wuxuu sheegay iyadoo aan lahayn maalgalin in qoxootiga Soomaaliya ka imaaneysa aysan awood u lahayn.

Waxa ay dowladda Djibouti taageersantahay howlaha hadda ay ka wado Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeynka Nigeria Mohammed Namadi Sambo ayaa sheegay shirkii Istanbul in uu ahaa mid xoojinayaa nabadda Soomaaliya.

Ra'iisal Wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in ay rajeynayaan nabad buuxda oo ka dhalata Soomaaliya.

Ra'iisal Wasaaraha Yemen Maxammed Basindawa ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay sii wadaan taageerada Soomaaliya, maxaa yeelay ayuu yiri waxaa hadda dalka Soomaaliya ka dilaacay kooxo burcad-badeed ah, Sidoo kale Talyaaniga ayaa sheegay in uu diyaar la yahay in uu caawiyo Soomaaliya, waxaana ay si gaar ah u shaaciyeen in ay gargaar siin doonaan sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Giulio Terzi.

Ra'iisal wasaare ku xigeen Luxembourg ahana wasiirka arirmaha dibadda Jean Asselborn ayaa rajeeyay in dalka ku yaala geeska Africa uu xoogeysan doono iyadoo baarlamaan cusub iyo dastuur uu yeelanayo kuwaas oo Soomaali ay u dhantahay.

Xoghayaha arrimaha dibadda UK William Hague, oo sidoo kale ka qeyb galay shirkii Istanbul ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho uu soo hagaagayo, seddax wasiir oo dalkiisa ka socda ayaa booqday Muqdisho sanadkan ayuu sheegay.

"Waxaa dhammaan indhaha ku hayaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida sida ay uga dhabayn karaan in si nabadgalyo leh ay awooda ku wareejiyaan marka uu dhamaado xilliga KMG ah bisha August ee soo socota." sida uu ku sheegay war-murtiyeed uu soo saaray May 31 ee aynu soo dhaafnay

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment