Sunday, 3 June 2012

Ramtane Lamamra : "Caqabada hadda na haysata waxaa ay tahay inaan wajahayno agab yari marka waxaan ka dalbanaynaa walaaleeh Q,M inay kaalmo la garaan ciidamadeena Soomaaliya


Ramtane Lamamra : "Caqabada hadda na haysata waxaa ay tahay inaan wajahayno agab yari marka waxaan ka dalbanaynaa walaaleeh Q,M inay kaalmo la garaan ciidamadeena Soomaaliya.Gudoomiyaha golaha ammaanka iyo nabadgalyada ururka Midawga Africa Ramtane Lamamra oo ka hadlayay shir ka dhacay magaaladda Addis-Ababa oo ay yeesheen wasiiradda gaashaandhiga iyo taliytasha ciidamada wadamada ay Soomaaliya ciidamada ka joogaan ayaa sheegay in ciidamada AMISOm ee Soomaaliya jooga ay xilligaan haysato xaalad uu ku yar yahay sanada ciidan ee ay haystaan isla markaana ay u baahan yihiin in lagu taageero qalab military oo ay ku howl galaan. Hadal uu jeediyay Ramtane Lamamra ayaa waxaa uu ku sheegay in ciidamada AMISOM oo markii hore ku ekaa magaalada Muqdisho oo kaliya ay hadda isku fidiyeen dhul hor leh oo ka baxsan magaalada waxaana uu tilmaamay in hadda ciidamadooda uu ku yaryahay agabka dagaalka ee ay haystaan.
Q,M ayuu ugu baaqay inay taageero deg deg ah oo dhanka qalabka ay la gaarto ciidamada AMISOM waxaana uu tilmaamay inay iyana muhiim tahay in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM si buu yiri ay u suurto gasho in hawlgalku sii socdo.
"Caqabada hadda na haysata waxaa ay tahay inaan wajahayno agab yari marka waxaan ka dalbanaynaa walaaleeh Q,M inay kaalmo la garaan ciidamadeena Soomaaliya" ayuu yiri Ramtane Lamamra oo madax ka ah golaha amaanka iyo nabad galyada Midawga Africa.
Sidoo kale Lamamra ayaa waxaa uu sheegay inay jiran qorshayaal hor leh oo ay ku doonayaan in howlgalkooda ku gaarsiiyaan dalka oo dhan oo ay ka saaraan dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab.
Ciidamada AMISOM oo markii hore ku ekaa magaalada Muqdisho ayaa hadda gaaray deegaano kale oo ay Afgooye ka mid tahay iyagoo dagaalo kula jira dagaalyahanada Al-Shabab

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment