Shirkan oo ay ka qeybgalayaan diblumaasiyiin ka socota dalalka Midowga Yurub, gaar ahaan dalalka Norway iyo Ingiriiska oo shirka martigelinaysa ayaa waxyabaha sida gaar ah looga hadlayo waxaa ka mid ah aragtiyada ay labada dhinac ka qabaan kala aragti duwanaanshiyahooda ku aadan midnimada Soomaaliya iyo xiriirka dhexmari kara labada dhinac mustqablka dambe, inkastoo kulanka ka hor ay labada dhinac bixiyeen hadalo aad u kala fog.
Shirkan oo ay ka qeybgalayaan 10-xubnood oo ka kala socda labada dhinac, ayna kala hogaaminayaan wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG C/samad Macalin Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland Maxammed C/laahi Cumar ayaa la sheegay in labada dhinacay isku dayayaan inay ka fogaadaan marka hore khilaaf keeni kara in shirka lagu kala kaco, iyagoo doorbidaya in wadahaladu ka bilowdaan xiriirka iskaashi ee labada dhinac dhexmari kara mustaqbalka dambe.
Xubnaha ka socda dowladda KMG ah ayaa iyaguna sheegay in qorshahoodu yahay sidii ay labada dhinac heshiis uga gaari lahaayeen is-faham waaga muddada dheer soo jirtay ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya ayaa dhinaca kale Somaliland waxay dedaal xoog leh ugu jirtaa in shirka ay ka helaan fursado ay aqoonnsi ku heli karaan, waxaana shirkani uu qeyb ka yahay qodobadii ka soo baxay shirkii Ingiisiiska ee dhinacyada Soomaalida loogu qabtay dalka Ingiriiska bishii Febaraayo ee la soo dhaafay.
Dhinaca kale xubno ka tirsan dowladd Ingiriiska oo iyadu qaban qaabisay kulanka ayaa sheegay in aanay doonaynin iny wax faragalin ah ku sameeyaan wadahadalada labada dhinac Balse ay u taala xubnaha labada dhinac kala matalaya wixii ay madasaha ka soo saaraan, mar wax laga weydiiyay mas’uul kan ka tirsan dowladda Ingiriiska hadii ay ismari waayaan waxa ay yeelayaan ayaa waxa uu sheegay inaysan iyagu sidaasi u malaynaynin ee ay ka fili doonaan sida uu yiri natiijo wanaagsan oo isu soo dhaweysa moawqifka labada dhinac Maadaama ayuu yiri Bisha August 20 keeda dalka Soomaaliya laga filayo waji cusub oo looga baxo KMG ka.
Warar kale ayaa sheegaya in ajandayaasha shika la soo hordhigay labada dhinac ay ka mid yihiin iskaashiga ay labada dhinac ka yeelan karaan arrimaha Amaanka, Dhaqaalaha, ladagaalanka Burcad badeedka, ka hortaga waxay ugu yeereen Xagjirnimada, ilaalinta Xuquuqul insaanka iyo Ku dhaqanka habka Maamul wanaaga, waxaana la sheegay in hddii qodobada ay ka wadahadlayayaan labada dhinac ay isku fahmaan in Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo}) ay ku kulmaan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta
garable.com
muxudin di ini fiidow
No comments:
Post a Comment