Sunday, 20 May 2012

KHUBARO KA SOCDA MAGAALADA ISTANBUUL EE DALKA TURKIGA OO SOO GAARAY MUQDISHO



Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo wareysi siiyay Warbaahinta Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka warbixiyay wafdi ka socda Magaalada istanbuul ee dalka Turkiga oo soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wuxuu sheegay in markii ay Muqdisho yimaadeen wafuudan heerka caalami ah ay kulan la qaateen guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayna ka wada hadleen sidii Muqdisho dib u dhis loogu samayn lahaa iyo sidii loo midayn lahaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbuul.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in wafuudani ka timid dalka Turkiga ee injineerada ah lagu soo wareejiyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in injineerada ka yimid dalka Turkiga ay la kulmeen injineerada gobolka Banaadir islamarkaana ay kormeereen dhismooyinka magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu guddoomiyaha ka yahay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dadaal dheeri ah wuxuu ugu jiraa dib u dhiska iyo soo celinta bilicdii ay lahayd magaalada Muqdisho iyadoo hadda maamulka gobolka Banaadir uu ku howlan yahay dayactirka wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

garable.com

muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment