Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya C/ Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in maalmahan ay socdeen kulamo ay yeelanayeen Odayaasha dhaqanka isaga oo sheegay in dhammaan Odayaasha ka qeyb galaya shirka ee 135 ay joogaan waxaana uu tilmaamay in wajiga koowaad ee shirka laga gudbay loona gudbay wajiga labaad ee shirka.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaalida ee ka imaanaya dhammaan gobollada dalka Soomaaliya hadda ay soo dhameystirmeen islamarkaana ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho shirkana ay ka qeyb galaan.
Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in dhammaan Odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya Shirka ka socda Muqdisho ay joogaan inkastoo iminkana ay ku celiyeen in Odayasha dhammaan ay xaadir yihiin.
C/Samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax waxa uu hadalkiisa intaa raaciyey in Shirka Odoyaasha dhaqanka ay ka qeyb galayaan oo ay goobta xaadir ku yihiin Odoyaal dhaqameed ka soo jeeda Maamulka Somaliland sida uu sheegay.
Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaalida ee ku shiraya gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga fadhiya inay soo xulaan ergada ansixinaysa dastuurka inkastoo la dhaafay waqtigii loogu talo galay in lagu soo xulo ergada ansixinaysa dastuurka waqti dheeri ah loogu daray.
garable,com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment