Thursday, 3 May 2012

Maamulka Somaliland oo digniin u jeediyay siyaasiyiinta ka soo jeeda ee ka qeybgaya ansixinta dastuurkaSoomaaliya

Shir laba geesood ahaa oo ay mas’uuliyiinta maamulka Somaliland iyo 85-ka tirsan Salaaddiinta dhaqanka ee beelaha deegaanada Somaliland ay shalay ku yeesheen magaalada Hargeysa ayaa waxay uga digeen salaadiinta reer Somaliland inay ka qeybgalaan ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil {Saylici} oo furay ayaa sheegay in shirka loogu yeeray shirka is xog wareysiga Xukuumadda iyo Salaaddiinta ee Siyaasadaha arrimaha dibadda iyo gudaha ee Somaliland, wuxuuna ka digay in Somaliland dad ka soo jeeda ay ka qeybgalaan ansixinta dastuurka cusub ee ay yeelaneyso Soomaaliya.
 “Waxa shirka la iskula qaatay inuu dembiile qaran yahay nin kasta oo siyaasi ah ama Madaxdhaqmeed ah oo isagoo leh Somaliland baan matalayaa ka qeybgala shirka Dastuurka Soomaaliya lagu ansixinayo ee Muqdisho lagu qabanayo, nin kasta oo ama siyaasi ha ahaado ama Suldaan ha ahaadee ka qeybgalaa waa dembiile, waxaana u sheegnay in shirkaasi aan laga qeybgelin oo uusan na metelin annagu” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland C/raxmaan Saylici.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici oo isna hadlay ayaa sheegay in maamulka uu walaac ka qabo in dad ku hadlaya magaca deegaanada Somaliland ay ka qeybgalaan shirarka ka dhacaya Muqdisho ee lagu ansixinayo dastuurka cusub iyo doorashada soo socota ee isbedelka dawlada KMG Soomaaliya, Wuxuuna ku baaqay inaan shirarkaasi la aadin.
Suldaan Axmed Daahir, Suldaan Barre X. Xuseen Carraale iyo Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo iyaguna ka mid ahaa dadki ka qeybgalay shirka ayaa si isku mid ah u sheegay inay Xukuumadda iyo Salaaddiintu isla qaateen in shirka ansixinta dastuurka Soomaaliya aan laga qeybgalin, isla markaasna aan la ogoleyn in Ururada siyaasadda ee ka jira Somaliland ka qeybgalaan shir kasta oo ay Soomaaliya yeelaneyso, gaar ahaan shirka ay uga magacdareen ansixinta dastuurka Soomaaliya.

No comments:

Post a Comment