Wasiirka arrimaha dibadda isku tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Cabdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa ka sheegay Shirka looga hadlaayo burcad-badeeda oo maalintii labaad ka socda Dubai inay dowladiisa bixineyso 1- Million oo dollarka mareykanka taas oo wax lagu caawinayo in la dhiso Ciidamadda badda Soomaaliya iyo kuwa ilaaliya Xeebaha Soomaaliya.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shirkii labaad oo looga hadlaayo burcad-badeeda Soomaalida ku qabtay Dalkeeda kaas oo ay ka qeyb galayaan ilaa 50-dowladood iyo hay'addo Caalami ah, kuwaas oo ka arrinsanaya sida xal loogu heli karo Kooxaha burcad-badeeda Soomaalida.
Waxaa shirka Maalintii koobaad lagu soo bandhigay lacagta ay heleen burcad-badeeda Sanadkii hore iyo Maraakiibta ay qabsadeen waxaana goobta shirka laga muujiyay in burcad-badeeda Soomaalida ay heleen lacag aad u badan.
Dowladda Imaaraadka Carabta oo shirka marti galisay ayaa sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay ay ku deeqday Kaalmada la siinaayo Soomaaliya lacag ka badan 25-milyan oo Dollarka Mareykanka, taas oo diirada lagu saaray arrimaha bini'aadinimada gaar ahaan Caafimaadka.
Sidoo kale shir waxa lagu soo bandhigay in adduun lacag oo gaaraya ilaa 160-Milyan oo dollarka Mareykanka ay u heleen madaxfurasho Kooxaha burcad-badeeda Soomaalida, taas oo ka badan labadii sano ee ka horeeyay 2010 iyo 2009.
Tan iyo 2007-dii ayaa la sheegay 62-badmareen ay ku dhinteen gacanta burcad-badeeda, kuwaas oo u dhintay iyagoo la soo badbaadinaayo ama ay gaajo u dhinteen, sida laga sheegay shirka ka socda Dubai.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment