Wednesday, 4 July 2012

Tarsan oo si aan horey loo arag uga soo horjeestay Dastuurka Cusub (Aqriso waxa uu ku mucaaraday)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku baaqay in laga hortago dastuurka cusub ee qabyo qoraalka ah oo uu sheegay iney ku jiraan qodobo badan oo wax u dhimaya masiirka ummada Somaliyed qaar kalena laga tegayTarsan ayaa sheegay in dastuurka cusub ee la qorsheynayo ansixintiisa aysan ku xusneyn magaalada Muqdisho iney tahay caasimadii dalka uuna arintaas shaki gelinayo, sidaas awgeedna ay tahay iney in lagu baraarugo lagana hortago.
Muqdisho waa caasimadii dalka, waa muraayadii Qaranka waa hooyadii magaalooyinka dad yar oo kooban ma bedeli karaan awoodna uma laha mana aqbaleyno dastuur xaqiraya oo aan qoreynin iney tahay caasimada, dastuurka la soo bandhigayna ma qorayo arintaas waa inaan diidnaa kana hor tagnaa” ayuu yiri Tarsan oo ka hadlayey munaasabad shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa uga digay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho iney ansixinta dastuurka u soo xulaan dad aan wax garad aheyn.

“Odayaasha waxaan leeyahay ka fiirsada dadka aad u soo xuleysaan ansixinta dastuurka, waan ognahay dad lacag iidin kala daba ordaya oo idin leh hebel ii qor, hadaad keentaan nin aan magaciida qori karin masiirka iyo qaranimada umadda aan wax ka garaneynin beri ceebta ka timaada idinkaa qaadi doona taariikhduna meel xun baad ka geleysaan” ayuu yiri Tarsan.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment