Monday, 17 September 2012

HADALKII KA SOO YEEREY ONGERI OO SI KULUL LOOGU JAWAABEY


Hadalkii maanta kasoo yeeray Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Sam Ongeri ayaa waxaa naqdiyey xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Kenya oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Afeey.
Wasiirul qaarijiyaha Kenya Ongeri ayaa hadal uu maanta siiyey wargeyska Dialy Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ku sheegay in qaraxyadi ka dhacay todobaadki hore HHotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho mid uu ka danbeeyey madaxweynihi hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaan Afeey oo ka mid ahaa wafdigi Kenya ee maalintaasi ku sugnaa hotelka uu qaraxa ka dhacay ayaa hadal uu caawa siiyey wargeyska Dialy Nation isaga oo ku sugan magaalada Brusseles ee dalka Belgium ku sheegay in warka Sam Ongeri uu yahay mid aanan laga fiirsan oo aad u liita.

Wuxuu ku tilmaamay warkaasi mid lagu qasayo dowlada cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo intaasi sii raaciyey in ay tahay afganbi diblamaasi oo aanan geed loogu soo gaban.

“Waa afganbi dibalamaasi oo cad iyo in lagu qaso dowlada cusub ee Soomaaliya, waad ogtihiin in Al Shabaab ay mar hore sheegatay qaraxaasi, dhamaanteen waan ognahay in falkaasi uu yahay nooc ay kasoo shaqeeyeen danbiilayaal, laakin inuu Ongeri yiraahdo Sheekh Sharif ayaa ka danbeeyey isaga oo daliishanaya inuu hotelka yimid qaraxa in yar kadib runtii taasi waa mas,uuliyada darro,” ayuu yiriMr Affey.

Xildhibaan Affey oo laga soo doorto gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ee ay Soomaalida dagto, sidoo kalana mar ahaa safiirka Kenya ee Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Sheikh Sharrif uu u yimid hotelka qaraxa kadib isaga oo ka walaacsanaa weeraradaasi.

“(Sheikh Sharrif) wuxuu noogu yimid hotelka marki uu maqlay inuu weerar dhacay halkaas oo aan wafdiga uu hogaaminayey Mr Ongeri kulan kula laheyn madaxweynaha, naxariis ayey ka aheyd qaar badan oo naga mid ahna aad ayey ugu farxeen marka makula tahay inuu waxaas sameynayo qof sidaasi u dadaalay, waxaan leeyahay wasiirka si taxadar leh ha uga hadlo arrimaha ku lugta leh Soomaaliya,” ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya ayaa war uu maanta shaaciyey ku sheegay in Sheekh Sharif doorashadi ka hor uu ka codsaday dowlada Kenya gaar ahaana ay isaga mudo hal saac iyo nus wada hadleen in taageero uu kursiga ugu soo laabto ay siiso Kenya, balse uu u sheegay in Kenya aysan musharaxna taageeri doonin.

Waxa kale oo uu sheegay in marki qaraxu dhacay uu markiiba yimid isaga oo aysan ka muuqan wax naxdin ah, isaga oo intaasi sii raaciyey in markiiba ay isla soo kulmeen qaraxyada iyo xiligi uu Shariif tagay hotelka taasi oo uu u fasiray inuu lug ku lahaa arrimahasai.

Warkaan ayaa xumeyn kara calaaqaadka diblamaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, xilli Kenya ay ciidamo ka joogaan koonfurta Soomaaliya.

Wali wax war ah kama aysan dhihin Dowlada cusub ee Soomaaliya hadalka wasiirka arrimaha dibada Kenya.


wabarimedia.com

TASHIYO KU AADAN RAY'IISUL WASAARAHA CIDA NOQONEYSA OO KA SOCDA VILLA.


axdi ayay aheyd markii si rasmi ah xilka Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya uu dalka ula wareegay,wixii markaasi ka bilowdey waxaa uu bilaabay Madaxweynah cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud kulamo gaar gaar ah oo uu tashi kaga sameysanayo cida laga dhigayo Ray'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wixii ka bilowday 9:00 subaxnimo ee maanta ayaa waxaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ka bilowday kulamo gaar gaar ah oo madaxweynah la sameynayo Xildhibaano,Siyaasiyin,Culmada Soomaaliyeed iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu heystaa mudo 30-casha ah inuu gudaheeda kusoo magacaabo ray'iisul wasaare cusub oo badala C/wali Maxamed Cali Gaas oo hada xafiiska sii jooga,waxaana kulamada tashiyada ah diirada uu ku saarayaa Madaxweynaha Arintaasi.

Waxaa lagu arkayay iridka hore ee Villa Soomaaliya Xildhibaano halkaasi sii galaya iyo kuwo kale oo ka baxaya si markaas Madaxweynaha kala tashto cida ay u arkaan inuu noqdo Wasiirka koowaad ee Xukuumada soo socda ee aan KMG aheyn.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in kulamada gaar gaarka ah ee ka socda Villa Soomaaliya ay joog joog ka yihiin Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan jawaari iyo labadiisa ku xigeen,waxaana aan la saadalin karin cida noqon doonta Ray'iisul wasaaraha cusub.


wabarimedia.com

TARSAN OO KA WALWALSAN IN XILKIISA LAGA QAADO.


Warar hoose aanu heleyno ayaa muujinaya in Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed nuur Tarsan laga yaabo in xilkaas laga qaado.
Waxaa jira warar sheegaya in mid kamid ah Musharxiintii utaagnaa xilka madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo inuu noqdo gudoomiyaha gobolka BANAADIR.

Ninkan waa C/Qadir Cali Cosoble oo ahaa Musharax utaagnaa xilka madaxweynaha Soomaaliya kaas oo isbahaysi dhow la yeeshay madaxweynaha haatan Xasan Sh Maxamuud.

Waa Aqoonyahan hadane ganacsade ah kana soo jeeda gobolka Banaadir, waxaana jira warar la xariirinaya inuu qabto jagadaas.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in C/Qadir Cosoble uu kulamo la qaatay madaxweynaha cusub isla markaana ay isla garteen in jagadaas loo dhiibo.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu yaraan ka warqabay inuu ku imaan doono isbadal waana taas sababta uu unoqday xildhibaan katirsan barlamaanka Soomaaliya.

Tarsan ayaa ahaa taageerihii ugu weynaa ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed.


wabarimedia.com

Thursday, 13 September 2012

Halkaan ka daawo Qarixii shalay ka dhacay hotel jasiira oo madaxweynah video



Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan ugu soo gudbineynaa Video laga soo duubay markii uu qaraxa dhacayay oo uu soo qaaday Telefishanka Al-Jazeera laantiisa afka Ingiriiska.Qaraxaas oo ay sheegeen ciidamada AMISOM inay fashiliyeen, kaddib markii laba nin oo walxaha qarxa soo xirtay ay isku dayeen inay gudaha u galaan Hotelka Jasiira ee uu ku sugnaa Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaasi shir kula qaadanayay Wasiirka arrimaha dibadda Kenya.


halkaan kadaawo




wabarimedia.com

Tuesday, 4 September 2012

Dowladaha Reer Galbeedka oo la yaabay 70- Musharax ee Soomaaliya

wararka naga soo gaaraya magaala madaxda kenya nairobi Dibulumaasiyiinta Dowladaha Reer Galbeedka ee ku sugan Magaalada Nairobi ayaa la yaab ku tilmaamay musharixiinta u Tartamaya xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya.

Diblamaasiyiin u dhashay Dowladaha Reer Galbeed oo ku sugan Dalka Kenya aya ala yaabay musharixiintan gaaraysa ilaa 70 ka ee is dhinac ordaya meesha ay lacagta ka keenaan, waxaana la sheegay in loo saaray Gudi baara arintan.

Waxay sheegeen in ay ka wal walsanyihiin musharixiintan in ay Xiriir dhaw la leeyihiin Burcadbadeeda iyo alshabaab.

Hadalkan ayaa imaanaya xili shalay musharixiin gaaraysa ilaa 13 ay ka Tanaasuleen xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya oo ay u sharaxnaayeen bilihii la soo dhaafay.


wabarimedia.com


shaafici

Monday, 3 September 2012

Xaaladda Cristiano Ronaldo oo is badashay


wararka ee sheegayaan war baahinta spain Dhawaan ayaa Waxaa soo ifbaxaya hadalo fara badan oo ku aadan mustaqbalka ciyaar yahan cristiano Ronaldo ee u ciyaara kooxda reer Malik ee Real Madrid,

sida ay war hayaan Warbaahinada aduunka ayaa waxa ay isha la raacayaan mustaqbalka cristiano Ronaldo halka uu ku danbeeyn doono maadaama ay soo kala dhax galeen qilaaf xoogan kooxdiisa.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa shegayaa in Ronaldo uu la kulmay madaxda sare ee kooxda qaasatan Madaxweeynaha kooxda Ninka lagu magaacaabo Perez ,sidoo kale waxa uu kulan la qaatay Agaasimaha kooxda Real Madrid Jose Angel Sanchez una u shegay in uu isaga baqoolaayo kooxdooda.

Wax yaabaha muujinaya in uu cristiano Ronaldo doonayo in uu kooxda ka tago ayaa waxaa kamid aheed kedib markii uu xalay 2 goal dhaliyay ciyaar dhax martay Real iyo Garanada isla markaana uusan u diiday in uu u dabaaldego goolashiisa asiga oo xeli ciyaareedkii hore 46 goal u dhaliyay.

Mar wax laga weeydiyay sababa uu u dabaal degi wayay ayaa waxaa uu ku soo gabiyay Maamulka Real Madrid ayaa og ee weeydiya, Xaalada ayaa cirka isku sii shareereeysomarba marka ka danbeeyso.

Warbaahinta dalka England ayaa waxa ay bilaabeen in ay ugaarsadan wararka kasoo baxaya cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa iyagoo markaa ka dhigayaa in uu soo aado mid kamid ah kooxaha ka dhisay dalka Ingriiska islamarkaana uu dib usoo xasuusto Horyaalki uu beri ka ciyaari jiray Ronaldo.


Wargeyska ciyaaraha ka hadla ee loogu iibsiga badan yahay Spain Marca ayaa wuxuu ciwaan ugu dhigay “Ronaldo wuxuu ku niyad jabay abaalmarintii la siiyay Iniesta iyadoo sidoo kale uu tartanka ka dhex muuqday Lionel Messi.”

27-sano jirka reer Portuguese waxaa la filayaa inuu maalinta sabtid ah ee soo socota ay is arkaan gudoomiyaha Real Madrid Florentino Perez sida wargeysku sheegay.

wabarimedia.com


deysane

Mo Farah Oo Maanta Warbaahinta u Soo Bandhigay Mataano u Dhashay


warka naga soo gaarayo Orodyahanka caanka ah ee u orda dalak Britain Asal ahaan aka soo jeeda dalka Soomaaliya Mo Farah ayaa Maanta warbaahinta caalamka u soo bandhigey labo gabdhood oo Mataano ah oo u dhashay waxii ka dambeeyey Ciyaarihii Olompic-ada Aduunka ee 2012 ka.

Mo Farah ayaa warbaahinta u sheegay in labada gabdhood u kala bixiyey Aisha iyo Amani,waxuuna intasi ku daray in gabadiisa u hibeynayo labada biladood ee dahabka ah,kadib markii uu si xarago aleh ugu guuleystey orodadii 5000 iyo 10.000mitir ee Ciyaarihii Olpmpic-ada Aduunka.

Ugu dambeytii Mo.Farah ayaa shegay in uu ra jeenayo in labadiisa Gabdhood ay dhaxli doonaa lugihiisa dhaadheer ayna mustaqbalka guul ka keeni karaan orodada Caalamka.

garable.com

muxudin