Monday, 17 September 2012

TASHIYO KU AADAN RAY'IISUL WASAARAHA CIDA NOQONEYSA OO KA SOCDA VILLA.


axdi ayay aheyd markii si rasmi ah xilka Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya uu dalka ula wareegay,wixii markaasi ka bilowdey waxaa uu bilaabay Madaxweynah cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud kulamo gaar gaar ah oo uu tashi kaga sameysanayo cida laga dhigayo Ray'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wixii ka bilowday 9:00 subaxnimo ee maanta ayaa waxaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ka bilowday kulamo gaar gaar ah oo madaxweynah la sameynayo Xildhibaano,Siyaasiyin,Culmada Soomaaliyeed iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu heystaa mudo 30-casha ah inuu gudaheeda kusoo magacaabo ray'iisul wasaare cusub oo badala C/wali Maxamed Cali Gaas oo hada xafiiska sii jooga,waxaana kulamada tashiyada ah diirada uu ku saarayaa Madaxweynaha Arintaasi.

Waxaa lagu arkayay iridka hore ee Villa Soomaaliya Xildhibaano halkaasi sii galaya iyo kuwo kale oo ka baxaya si markaas Madaxweynaha kala tashto cida ay u arkaan inuu noqdo Wasiirka koowaad ee Xukuumada soo socda ee aan KMG aheyn.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in kulamada gaar gaarka ah ee ka socda Villa Soomaaliya ay joog joog ka yihiin Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan jawaari iyo labadiisa ku xigeen,waxaana aan la saadalin karin cida noqon doonta Ray'iisul wasaaraha cusub.


wabarimedia.com

No comments:

Post a Comment