
Hadalkii maanta kasoo yeeray Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Sam Ongeri ayaa waxaa naqdiyey xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Kenya oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Afeey.
Wasiirul qaarijiyaha Kenya Ongeri ayaa hadal uu maanta siiyey wargeyska Dialy Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ku sheegay in qaraxyadi ka dhacay todobaadki hore HHotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho mid uu ka danbeeyey madaxweynihi hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Xildhibaan Afeey oo ka mid ahaa wafdigi Kenya ee maalintaasi ku sugnaa hotelka uu qaraxa ka dhacay ayaa hadal uu caawa siiyey wargeyska Dialy Nation isaga oo ku sugan magaalada Brusseles ee dalka Belgium ku sheegay in warka Sam Ongeri uu yahay mid aanan laga fiirsan oo aad u liita.
Wuxuu ku tilmaamay warkaasi mid lagu qasayo dowlada cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo intaasi sii raaciyey in ay tahay afganbi diblamaasi oo aanan geed loogu soo gaban.
“Waa afganbi dibalamaasi oo cad iyo in lagu qaso dowlada cusub ee Soomaaliya, waad ogtihiin in Al Shabaab ay mar hore sheegatay qaraxaasi, dhamaanteen waan ognahay in falkaasi uu yahay nooc ay kasoo shaqeeyeen danbiilayaal, laakin inuu Ongeri yiraahdo Sheekh Sharif ayaa ka danbeeyey isaga oo daliishanaya inuu hotelka yimid qaraxa in yar kadib runtii taasi waa mas,uuliyada darro,” ayuu yiriMr Affey.
Xildhibaan Affey oo laga soo doorto gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ee ay Soomaalida dagto, sidoo kalana mar ahaa safiirka Kenya ee Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Sheikh Sharrif uu u yimid hotelka qaraxa kadib isaga oo ka walaacsanaa weeraradaasi.
“(Sheikh Sharrif) wuxuu noogu yimid hotelka marki uu maqlay inuu weerar dhacay halkaas oo aan wafdiga uu hogaaminayey Mr Ongeri kulan kula laheyn madaxweynaha, naxariis ayey ka aheyd qaar badan oo naga mid ahna aad ayey ugu farxeen marka makula tahay inuu waxaas sameynayo qof sidaasi u dadaalay, waxaan leeyahay wasiirka si taxadar leh ha uga hadlo arrimaha ku lugta leh Soomaaliya,” ayuu yiri.
Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya ayaa war uu maanta shaaciyey ku sheegay in Sheekh Sharif doorashadi ka hor uu ka codsaday dowlada Kenya gaar ahaana ay isaga mudo hal saac iyo nus wada hadleen in taageero uu kursiga ugu soo laabto ay siiso Kenya, balse uu u sheegay in Kenya aysan musharaxna taageeri doonin.
Waxa kale oo uu sheegay in marki qaraxu dhacay uu markiiba yimid isaga oo aysan ka muuqan wax naxdin ah, isaga oo intaasi sii raaciyey in markiiba ay isla soo kulmeen qaraxyada iyo xiligi uu Shariif tagay hotelka taasi oo uu u fasiray inuu lug ku lahaa arrimahasai.
Warkaan ayaa xumeyn kara calaaqaadka diblamaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, xilli Kenya ay ciidamo ka joogaan koonfurta Soomaaliya.
Wali wax war ah kama aysan dhihin Dowlada cusub ee Soomaaliya hadalka wasiirka arrimaha dibada Kenya.
wabarimedia.com
No comments:
Post a Comment