Kooxda Manchester City ee dalka Ingiriiska ayaa shaacisay in weeraryahankeeda reer Argentina uu dhaawac kasoo gaaray dhanka muruqa ciyaartii ay rbacadii la ciyaartay kooxdiisa kooxda Stoke City.
Sergio Aguero ayaa loo qaaday dalka Italy kaas oo lagu cadeeyay nuuca dhaawaca uu qabo, inkastoo Man City aysan shaacin mudadad rasmiga ah ee uu maqnaan doono xidigaan heerka caalami.
Bogiisa Twitter-ka ayuu maanta ku qoray in dhaawac nuuciisu uu yahay (Jeexdin soo gaartay) kana soo gaartay dhanka muruqa kaas oo la filayo inuu goor dhaw dib u soo laabto.
Sergio Kun Aguero ayaa xilli ciyaareedkaan saxiixay 10-goal taas oo la mid dhigeysa inuu barbaro la noqdo Weeraryahanka reer Bosnia Edin Dzeko kaas oo isna saxiixay 10-goal.
Manchester City ayaa rajo wanaagsan ka qabta iney hesho bad qabka xidigooda ka hor kulanka darbiga ah ee ay la yeelan doonto Arsenal 13-ka January 2013.
Roberto Mancini ayey soo wajahi doontaa weerar yari hadii mudada uu maqnaan doono Sergio Aguero ay dheeraato iyadoo uu maskaxda ku hayo in wiilka aan la xisaabin ee Mario Balotelli uu u joogo kaas oo wax walba laga filan karo, inkastoo uu nasiib yeeshay fowdo kadib in badal lagu keeno kulankii ay harqiyeen Watford shalayto kaas oo ka tirsanaa FA-Cupka.
Shabakada Ciyaarahamaanta.com Kala Soco Saacad Walba War Cusub iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Ciyaaraha Caalamka— Hoyga Ciyaaraha Caalamka, Nagala Soo Xidihiidhciyaarahamaanta@gmail.com
No comments:
Post a Comment