Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG, Cadullaahi Xaaji Xasan, ayaa hay'adda wararka ee Reuters u sheegay in haddii uu sii socdo muranka xuduud badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu sababi karo dagaal.
Halka Guddoomiyaha Kenya u qaabilsan Batroolka uu sheegay in xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ee ay aqoonsan yihiin Kenya uu yahay mid ay kala qaybiso Xarriiq Jiifta oo u socota dhanka Bari oo ka bilaabansa xeebta.
Hadalladaasi waxay ka mid ahaayeen warbixin dheer oo ay Reaters ka qortay xuduudka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, cawaaqibka ka dhalan kara iyo raadka arrintaasi ku leedahay shidaal sahaminta iyo cidda leh bixinta xuquuqda lagaga baari karoshidaal iyo dalka leh dakhliga ka soo baxa khayraadka laga helo aaggaas.
Qoraalkii Reatuers oo AfSoomaali loo rogey hoos ka akhri:
- Qormadii Reuters, waxaa Tarjumay SomaliTalk.com
NAIROBI, April 20, 2012 (Reuters) - Muranka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ee ku saabsan xuduudda badda waxaa uu sababi karaa in shirkadaha caalamiga ah aysan batrool iyo gaas ka baarin badda la olloga ah xeebta Bariga Afrika, waxaana sarkaal Soomaaliyeed uu ka digey in murankaasi uu cirka isku shareeri karo.
Labada dal ee xeebta leh waxay isku khilaafsan yihiin halka ay marto xarriiqda xadka ee Badweynta Hindiya. Arrinta meesha taal waxaa saldhig u ah yaa sharci ahaan u leh in ay iibiyaan xuquuqda halkaas lagaga baari karo shidaalka, isla markaas cidee ayaa yeelanaysa dakhliga ka soo baxa haddii shidaal laga helo.
Kenya waxay dhowaan shaacisay sidddeed aag "Blocks" (ama goobood) oo cusub oo diyaar u ah in ay ku bixiso Laysan, dhammaantood marka laga reebo hal aag waxay dhacaan dhulka la isku hayo.
Arrinta ka dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya ma ah muran; waa ilaaq (ama dood) la xiriirta dhul taas oo kadhalatay markii shirkadaha Batroolka iyo Gaasku ay bilaabeen inay daneeyaan gobolka," Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdullahi Xaaji ayaa sidaas waxa uuu sheegay hay'adda wararka ee Reuters isagoo ku sugnaa Muqdisho.
Somalia: "If the argument continues unsolved, it will change into a dispute that may result at least in souring the deep relation between our two countries and (cause a) war at last," Abdullahi Haji, Somalia's minister of foreign affairs, told Reuters in Mogadishu. Kenya: "The maritime border between the two countries should run horizontally east from the point at which the two countries touch on land. The practice in east Africa has been for boundaries to run along the line of latitude," Martin Heya, Kenya's petroleum commissioner told Reuters. "For the time being, this is where we believe the border should be," he said, referring to the horizontal east-west maritime border. Kenya is pushing on with oil and gas exploration, but petroleum commissioner Heya acknowledged the border dispute could cause problems in the future. Heya said companies will be unable to drill in their respective blocks until the boundary is settled, because it will be unclear where to direct revenue from a resource discovery. "Where the revenue goes is not apparent," Heya said. |
Isha sawirka: demotix.com |
|
Bariga Afrika waxa uu noqday meel ay kusoo bateen sahaminta batroolka iyo gaaska, arrintaas oo ay dhiiri gelisey sahaminada cusub ee shidaalka laga daah furay dhul-biyoodka dalalka Uganda, Tanzania iyo Mozambique. Dhinaca Geeska Afrika, Puntland iyo Somaliland waxay sidoo kale bixiyeen shatiyo (laysanno) sahamin shidaal.
No comments:
Post a Comment