Thursday, 10 May 2012

Qarax khasaare dhimasho geystay oo saaka waaberigii ka dhacay gudaha degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud

Ugu yaraan sadex ruux ayaa ku geeriyootay qarax xoogan oo saaka ka dhacay bartamaha degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaasoo ay gacanta ku hayaan xoogaga Ahlu una oo kaashanaya ciidamada Itoobiya.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in qaraxaasi saaka ka dhacay degmada Ceelbuur uu ahaa mid aad u xoog badan oo gilgilay guud ahaan degmada, ayna ku arkeen goobta uu ka dhacay meydka ugu yaraan sadex ruux oo qaraxaas ku dhintay, kuwaasoo jirkooda uu aad kala jar jarmay.
“Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaan ku soo arkay ugu yaraan meydka 3 ruux oo aan la qiyaasi Karin sida uu jirkooda u googoo’ay, kuwaasoo hilibkooda uu daadsanaa halkaas isagoo ku isku milmay” sidaa waxaa yiri goob jooge magaciisa ku soo koobay Calas oo jooga degmada Ceelbuur.

Saraakiil ka tirsan xoogaga ahlu suna ee magaalada Jooga iyo warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in sadexda nin ee qaraxaas ku dhintay ay ka tirsanayeen xoogaga Al-shabaab, ayna ku qaraxday miino ay bac madow ku wadeen oo ay doonayeen iney ku aasaan meelo ka mid ah degmada Ceelbuur, si ay ula beegsadaan ciidamada halkaas maamula.
Gelinkii dambe ee shalay ayey aheyd markii degaan ku yaala duleedka degmada Ceelbuur ay ku dhinteen haweeney iyo nin la sheegay iney ku qarxeen waxyaabo qarxa, iyadoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan in ninkaas uu haweeneyda u tababareyey qarax is miidaamin ah oo la qorsheynayey iney ka fuliso degmada Ceelbuur, balse labadooodiba halkaas ayey ku geeriyoodeen sida wararku ay nagu soo gaarayaan


www.garable.com

No comments:

Post a Comment