Thursday, 10 May 2012

Ku dhowaad kun askari oo ka tirsan ciidamada dowlada KMG Somalia oo tababar loogu soo xirayo maanta dalka Ugandha

Ciidamo ka tirsan dowlada KMG Somalia ayaa lagu wadaa in maanta tababar loogu soo xiro xero milateri oo ku taala duleedka magaalada Kambala ee dalka Ugandha sida uu sheegay safiirka dowlada Somalia u fadhiya magaalada Kambala Sayid Axmed Shiikh Daahir.
Safiirka ayaa intaa ku daray in ciidamadan ay muddo sadex bilood ah tababar milateri ku qaadaanayeen duleedka magaalada Kambala ayna tiro ahaan gaarayaan ku dhowaad 1,000 askari oo milateri ah.
Ciidamadan ayaa waxaa tababarka siinayey saraakiil ka tirsan midowga Yurub oo horey u tababaray kumanaan ka tirsan ciidamada DKMG Somalia oo qeyb ka ah kuwa hadda howlgalada ka wada gudaha Somalia, waxaana saraakiisha midowga Yurub ay sheegeen in ilaa dhamaadka sanadkan ay u qorsheysan tahay iney tababar siiyaan ilaa 3,000 askari oo Soomaali ah.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliyeed Jen. C/qaadir Shiikh Cali Diini oo hada booqasho ku jooga magaalada Kambala ayaa lagu wadaa inuu tababarkaas ugu soo xero ciidamada xerada milateriga Kamamba oo ku taala duleedka magaaladaas Kambala.
Ciidamadan saaka loogu soo xirayo tababarka magaalada kambala ayaa maalmaha soo socda dib loogu soo celin doonaa magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan dagaalka dowlada KMG Somalia iyo ciidamada AMISOM ay kala horjeedaan xoogaga Al-Shabaab, waxaana arintani ay ku soo aadeysaa xili ciidamadii hore ay heystaan duruufo ay ka mid yihiin daryeel iyo mushahar la’aan. 

garable.com

No comments:

Post a Comment