Friday, 29 June 2012

C/raxmaan Faroole oo ka soo horjeestay kulanka madaxweyne Shariif iyo Siilaanyo ku dhexmaray magaalada Dubai

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamuud Faroole ayaa ka soo horeestay kulankii shalay ku dhexmaray magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta madaxwneyaasha dowlada KMG Somalia Shiikh Shariif shiikh Axmed iyo kan maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Faroole ayaa intaa ku daray in kulankaas uu ahaa mid aan wax faaiido ah u laheyn shacabka Soomaaliyed isagoo xusay in Siilaanyo iyo Shiikh Shariif ay isku balansadeen kulana u qaateen si shaqsi ah oo iyaga u gaar ah, aysana jirin natiijo ay aqoonsan yihiin oo kulankaas ka soo baxay iyo cid ay ku metelaan.
“Haddii aan Puntland nahay anagu ma taageereyno kulan ama shir waxa kasoo baxay aanan goob joog u aheyn, Siilaanyo iyo Shiikh Shariif kulanka ay yeesheena waxaa uu ahaa mid iyaga u gaar ah oo aan khuseynin loogana hadlin maslaxada umada Soomaaliyed” ayuu yiri C/raxmaan faroole oo la hadlayey idaacada BBC-da.Faroole ayaa ku eedeeyey dowlada KMG Somalia iney mar kasta la dhuumato kulamada ay madaxdeedu la qaataan madaxda Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay shirkii ugu horeeyey ee labada dhinac ku yeesheen dhowaan magaalada London kaasoo uu sheegay in dowlada ay ka saartay guddigii u metelyey xubno ay ku darsatay Puntland. “Shiikh Shariif waa ii sheegay intaan Nairobi wada joognay inuu la kulmayo Siilaanyo hase ahaatee anagu haddii aan nahay Puntland ma taageereyo mana aqoonsaneyno wixii ka soo baxa shir aanan goob joog u aheyn Siilaanyo Shariifna waan maqlay iney qoraalo aan nuxur badan laheyn kala saxiixdeen waxbana soo kordhin maayaan” ayuu intaa ku daray C/raxmaan Faroole.
Maamulka Puntland ayaa waxaa uu khilaaf dhuleed kala dhexeeya maamulka Somaliland, waxaana hadalka C/raxmaan Faroole uu imanayaa xilli labada madaxweyne ee Somalia iyo Somaliland ay shalay kulan ku qaateen magaalada Dubai kaasoo ah kii ugu horeeyey inkastoo kulankaas aan la iskula soo qaadin qodobka xasaasiga ah ee ku saabsan gooni isu taaga Somaliland.

garable.com
muxudin diini fiiwdo

No comments:

Post a Comment