Mario Balotelli ayaa Italy ku hogaamiyay finalka Euro 2012, isagoo u hadiyeeyay labada gool ee uu dhaliyay hooyadii soo korsatay.
Weeraryahanka Manchester City ayaa aaday taribuunka isagoo xabadka geliyay hooyada soo korsatay Silvia ka dib markii Italy ay ka talaabsatay Jarmalka, waxaana uu balanqaaday inuu axada garaaci doono Spain.
Balotelli ayaa ciyaarta ka dib yiri: “Maxaan xusuus ah oo aan ka qaadan doonaa ciyaartaan? Hubaashii waa ka dib ciyaarta markii aan u tagay hooyadeey oo aan ku iri ‘goolashaan adigaan ku dhaliyay’Waan sugayay sidaan oo kale muddo dheer, gaar ahaan markii ay hooyadeey halkaan timid, waxaana doonayay inaan ka farxiyo”.
“Caawa [xalay] waa habeenkii iigu quruxda badnaa nolosheyda, lakiin waxaan rajeynayaa in axadana ay ka sii fiicnaan doonto. Haatan waxaan u baahanahay inaan nasano oo aan garaacno Spain”
“Anaga iyo Spain ayaa ah labada kooxood ee ugu fiican tartankaan. Ma ku guuleysan karnaa? Su’aashaas waxaan ka jawaabi doonaa axada”.
garable.com
muxudin diini fiidow
.
No comments:
Post a Comment