Friday, 29 June 2012

Talyaaniga oo u soo baxay Finalka Euro 2012, marki uu Jarmalka ku garaacay Sema Finalka (Sawirro)

Xulka Talyaaniga ee Azzuri ayaa muujiyay sida uu ugu hanqal taagayo 44-sano kadib inuu ku guuleysto Koobka Qaramada Yurub, kadib ciyaar qaab ciyaareedkeeda aad u wanaagsanaa ay soo bandhigeen kulankii Sema Finalka ay kala hortageen xulka Jarmalka oo koobkan loo saadaalinayay.

Ciyaaryahan Balotelli ayaana ahaa geesigii Talyaaniga ku hogaamiyay in Finalka kula soo biiraan Kooxda Spain oo heysata Koobkan, waxaana uu goolal aad u qurux badnaa uu dhaliyay daqiiqadii 20-aad iyo 26-aad.

Talyaaniga ayaa kubada si wanaagsan u maamulayay inta ay socotay ciyaarta, waxaana muuqatay habacsanaan Jarmalka ka heystay isku xirka dhexda iyo weerarla.

Daqiiqadii 20aad ayaa Kubad si fiican u farsameystay Cassano oo uu u karoosay ciyaaryahan Mario Balotelli, isagoo madaxa la helay oo goolkii koowaad hogaanka ugu dhiibay.

Sidoo kale daqiiqadii 36aad ayaa Kubad loo soo tuuray oo aheyd mid aad u qiyaasneyd ayaa Balotelli si wanaagsan inta u helay, deetana ula cararay goolka Jarmal, isagoo ku tuuray Darbo sidii sayruuqi oo kala ahaa, oo shabaqa ugu dhex dhigay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay labo gool iyo waxba oo ay hogaanka ku hayeen Talyaaniga, qeybta labaad ciyaarta, inkastoo Tababaraha Jarmal uu sameeyay bedelo deg deg ah, hadana waxaas oo idil waxay noqdeen kuwo daafacyada Talyaaniga ay beeniyaan weeraradii dar darta ahaa ee weeraryahanada Jarmalku.

Si kasta Tababaraha Talyanaiga Parendeli ayaa bedelay ciyaaryahanada Cassano iyo Montolivo, iyadoo Baloteli uu dhaawac fudud soo gaaray uu siibay, waxaana soo galay ciyaaryahanada Diamenti iyo De Natale, inkastoo fursado goolal loo fishay ay heleen, hadana ma aanay dhalin.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa Balzareti Kubad uu gacanta ku taabtay laga dhigay rigoore, waxaana rigooradaas oo aheyd mid neefta ku soo celin rabtay Jarmalka u dhaliyay Ozil, balse ciyaarta ayaa aheyd mid daqiiqado ka dhineyd, mana u suura gelin inay gool bar baro helaan, si waqtiga dheeriga loogu daro.

Talyaaniga ayaa qaab ciyaareed wanaagsan oo aan la fileyn ku soo galay Tartanka Euro 2012, waxayna axada soo socda Finalka is haleeli doonaan xulka Spain oo sanadii 2008-dii ku guuleystay Koobkan. garable.com  muxudin diini fiidow



















No comments:

Post a Comment