Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in dhawaan ay soo saari doonto shidaal
ay ka heshay ceelaal horey loo sahamiyey oo ku yaala gobolka
Soomaalida Itoobiya, Guddoomiyaha shirkadda South West ee shidaalka ka
soo saareysa deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Tewodros Ashenafi
oo dhawaan warbaahinta ugu warramay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay
in shidaalka ay ka soo saaraan deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ku
qaadi doonaan dhuumo shiidaal oo dhulka mara si loo gaarsiiyo xeebaha
Somaliland oo uu Guddoomiyuhu sheegay in goobaha shidaalka laga qodayo
ay u jiraan 120 kilo mitir oo keliya.
Shirkadda South West oo laga leeyahay dalka Itoobiya waxay sheegtay
inay aad ugu niyadsantahay natiijada ka soo baxday sahamin dhinaca
saliidda ah oo ay ku samaysay deegaanka Soomaalida Itoobiya, isagoo
intaas ku daray in shirkaddiisu ay kulamo la yeelatay shirkadaha waa
weyn ee shidaalka qoda si ay uga wada hadlaan iskaashi dhex mari kara,
wuxuuna yiri “Natiijooyinka horudhaca ah ee ka soo baxaya sahamintan
oo dhammaatay bishii February ayaa ah kuwo aad noo dhiirri-gelinaya”.
Mr. Tewrdos Ashenafi oo magaalada Addis Ababa kaga qaybgalayey shirka
dhaqaalaha adduunka ee Afrika oo todobaadkii hore ayaa sheegay in
shirkadda Petro Trans Co. oo laga leeyahay dalka Hong Kong kana
shaqeysa qeybo ka mid ah ceelashada shidaalka laga filayo ee dalka
Itoobiya ay gaasta dabiiciga ah ee deegaankaas laga soo saari karo ku
qiyaastay illaa 113-Bilyan oo cubic meters.
Shirkaddu waxay goobaha shidaalka laga baadhayo ee deegaanka
Soomaalida Itoobiya ku maalgelisay lacag dhan 50-milyan oo doolar,
waxayna sheegaysaa inay sedexda sano ee soo socda maalgashiga gaarsiin
doonto illaa 150 Milyan oo doolar, bishii August ee sanadkii 2011-kii
ayaa wafti balaaran oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland
booqasho ku tageen dalka Itoobiya una sii dhaafeen dalka China, gaar
ahaan Hong Kong xilligaas oo ay xukuumaddu shaaca ka qaaday qorshaha
ay hadda mas’uuliyiinta shirkadda South West sheegayaan ee ah in
shidaalka laga soo saaro deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu soo qaadi
doono dhuumo dhulka hoostiisa mara oo soo gaarsiiya dekedda Magaalada
Berbera si looga dhoofiyo.
Dhinaca kale ugu yaraan mid ka mid ah ceelashada shidaalka ee laga
qodayo Puntland ayaa laga yaabaa in lahaanshiyihiisa xuquuqda
qandaraaska inay sheegato dowladda Talyaaniga maadaamaa dowladdii
dhexe ee Soomaaliya ay u saxiixday qandaraas shidaal baaris ah,
qandaraaskan ayaa la saxiixay sanadkii 1980-meeyaddii, waxaana loo
saxiixay shirkadda shidaalka Talyaaniga ee ENI, waxaana iyadoo uu
qandaraaskaasi jiro ay Puntland qandaraas kale u saxiixday shirkadda
Horn Petroleum, waxaana ceelkani oo ah kan loo yaqaano Dharoor ay
hadda hubanti la’aan ka taagantahay sharciyadda heshiiskaasi, waxaana
qandaraaska shirko kula ah shirkadaha Africa Oil Corp.
Sidoo kale waxaa jira ceel kale ee loo yaqaano Dooxada Nugaal oo isla
shirkadahani qandaraas shidaal baaris ah loogu saxiixay ayaa waxaa
sidoo kale qandaraas loogu saxiixay shirkad Ingiriiska laga leeyahay
oo lagu magacaabo Asante Oil, waxaana qandaraaska saxiixay maamul
goboleedka Somaliland oo sidoo kale sheeganaya lahaanshiyaha dhulka uu
ceelkani ku fadhiyo.
Marka la soo koobo micnuhu waxa uu noqonayaa in labada maamul ay
qandaraasyo u kala saxiixeen shirkado kala duwan ceelal isku mid ah,
kuwaas oo ay horay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay ugu saxiixday
shirkado dowli ah, waxaa jira ceelal kale oo la calaamadiyey oo aanan
weli cidna loo saxiixin, kaas oo la sheegay inay socdaan wadahadalo
shirkado loogu saxiixayo, waxaaa arrintani ku lug leh maamulka
Puntland oo la kaashaaya arrintaasi dowladda KMG, iyadoo qorshuhu
yahay in xukuumadda imaaneysa Augusto ka dib ay qandaraas jadiidin ah
u saxiixaan shirkadaha hadda ay Puntland u saxiixday, taasina ay
sharciyeyneyso qandaraasyada shakiga ku jiro ee ay hadda Puntland
saxiixday.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Puntland ay rajeynayso in dowladda
August ka dib imaneysa inay noqon doonto mid ay saameyn iyo saami
xoogan ku yeelan doonaan, sidaasi darteedna dhamaan heshiisyada hadda
jira iyo kuwa imanaya lagu saxiixi doono magaca dowladda KMG oo
markaasi noqon doonta dowlad rasmi ah, waxaana sidoo kale jira
shirkado kale oo balamo loo qabtay loona sheegay inay helidoonaan
heshiiyo sharci ah oo lala galo, kuwaas oo loo balanqaaday inay
helidoonaan
garable.com
No comments:
Post a Comment