Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wareysi
uu siiyey shabakadda wararka ee Al-naba ayaa waxa uu ku sheegay in
Somaliland ay isku afgarteen inay wada hadalada bilaabaan, isagoo
sheegay in khilaafkii u dhexeeyay Somaliland ee la xiriiray Guddigii
wadahadalada ee uu dhawaan magacaabay ay isaga iyo Somaliland ka
gaareen is faham fiican oo ah in qaab kale loo dhigo bilowga
wadahadalada.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in qorshaha cusub ee ay Somaliland isla
garteen uu yahay in labada Guddoomiye Guddi ee wada hadalada
Somaliland iyo Soomaaliya ay kelidood bilaabaan wada hadalada, ka
dibna wixii ay bilowga isla meel dhigaan uu Guddoomiye kasta wadatashi
kula noqdo dhinaciisa, taas oo haddii lagu guuleysto ay saxiixi
doonaan labada dhinac.
Madaxweyne Shariif oo ka jawaabayey aragtidiisa ku aaddan mowqifkii
Ingiriiska iyo dalal kale ka caddeeyeen shirkii London ee ahaa in aan
muddada xilka loo kordhin dowladdiisu ayaa waxa uu ku jawaabay “Taasi
waxa ay aheyd talo, annaguna marnaba maanu doonayn in lanoo kordhiyo
muddada ee waxa aanu doonaynay in muddadan ku meel gaarka ahi
dhammaato oo loo guuro muddo cusub, tartanna loo galo hadda waxaan
wadnaa shirkii aasaaska oo macnihiisu yahay in ku meel gaarka laga
guuro, talooyinka shirka London ka soo baxayna waxay taageerayeen
aragtidayadii aanu gudaha ka wadnay”.
Dhinaca kale waxa uu Sheekh Shariif sheegay inuu ka xun yahay burcad
badeedka ka qaraabta xeebaha Soomaalida oo u u sheegay inay dileen
magacii Soomaalida, sababna u noqdeen sicir barar, maadaama oo
kharashkii caymisa maraakiibtu uu aad u kordhay, isaga oo ka hadlaya
sida uu xalka u arkana waxa uu yidhi, “Waxa aanu qabnaa aragti ah in
ay arrintani u baahan tahay xal laba weji ah, kan koowaad oo ah in
shaqo sharaf abuuris loo sameeyo burcad badeedka, arrintaasna waanu
kala hadalnay walaalahayaga Kuwait oo aanu weydiisannay in ay
caawiyaan kalluumaysatada yaryar ee dakhligoodu hooseeyo, iyo wejiga
kale oo ah in la xoojiyo hay’adaha amniga sida booliiska, milateriga
iyo sirdoonka”.
garable.com
No comments:
Post a Comment