Sunday, 13 May 2012

Labo Qarax oo Ciidamo ka tirsan DKMG ah Xalay lagula eegtay Isgoyska Baar-Ubax

Qaraxyo qasaaro gaystay ayaa xalay Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya lagula eegtay nawaaxiga Isgoyska Baar-Ubax ee Magaalada Muqdisho. Sadex Ruux ayaa ku geeriyootay labo qof oo kalana waa ay ku dhaawacmeen sida ay Hobyonet u sheegeen Dad ka agdhawaa goobta uu Qaraxu ka dhacay oo aan la xiriirnay. Goobjooge ka gaabsaday Magaciisa oo Hobyonet lahadlay ayaa sheegay in Qaraxyada ay ahaayeen Bambaanooyinka gacanta laga tuuro kuwaas oo uu sheegay in lala bartilmaameedsanayay Ciidmo ka tirsan Dowladda KMG ah oo halkaas ku sugnaa. Wararka qaar ee aanu ka helayno Goobta Bambaanooyinka lagu weeraray ayaa sheegaya in Dadka dhintay ay ahaayeen dad rayid ah oo ka agdhawaa Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Isgoyska Baar-Ubax. Ciidamada dowladda ayaa rasaas aan loo meel dayin ku furay wadooyinka soo gala goobta bambaanooyinka lagu weeraray,ilaa iyo weaqtigana si cad looma oga qasaaraha ka dhashay Rasaasta ay fureen Ciidamada Qaraxa lal eegtay,hase ahaatee Ciidamada ayaa saaka kabilaabay goobaha u dhaw dhaw goobtii qaraxu ka dhacay Howlgal aad u balaaran oo ay baaritaano uga samaynayaan lamana sheegin ilaa iyo hadda cid loo soo qab qabtay weerarkii xalay. Qaraxyadan lala eegtay Ciidamada Dowladda ee kusugnaa Isgoyska Baar-Ubax ayaa ku soo aadaya xili Dowladda Somaaliya ay sheegatay inay adkaynayso Amaanka Caasimadda Soomaaliya Muqdisho. Www.hobyonet.com
1
views
Bar Kulan ─ MuqdishoMaamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu wax ka qabanayo kooxaha isu ekeysiiya ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee mararka qaar falal amni darro ka geysta caasimadda Muqdisho.Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka amniga Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo wareysi siiyay Bar-kulan ayaa sheegay in ay la dagaallamayaan askarta xirta dareyska ciidanka dowladda ee falalka dilka, dhaca iyo boobka ka geystay Muqdisho.Joodax ayaa xusay in haatan ammaanka caasimadda uu ...
2 hours, 16 minutes ago
1
views
Star Fm ─ 13.May.2012;- Ciidamada police-ka wadanka Nigeria ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen hogaamiye ka tirsan kooxda mucaaradka ah ee Boko Haraam. Police-ka Nigeria ayaa sheegay in ay xireen Sulaymaan Muxamed oo ahaa taliyaha jabhada Boko haraam ee dhanka Gobolka waqooyiga dalkaasi ee Kanu. Majiraan wax faafaahin intaasi dheer oo ay bixiyeen Booliiska Nigeria kuna aadan qabashada masuullkaasi oo dhaafsiisan inay ku tilmaameen guul wayn soo xirida ninkaasi islamarkaana ay lasoo qabteen ...
2 hours, 44 minutes ago
1
views
Star Fm ─ 13.may.2012:- Raisul wasaare Raila Odinga ayaa shaaca ka qaaday in laqaban doono shirwayne looga baaran dagaayo xalinta dhibaatooyinka ka jira Gobolka xeebta ee dalka. Mr Odinga oo ka hadlaayay dagmada Vooy ee Gobolka xeebta ayaa siwayn u cambaareeyay kooxda la mamnuucay ee Mombasa Republican Council oo uu sheegay inay marin habaabinayaan dadka ku dhaqan Gobolka xeebta. Raisul wasaare Raila Odinga ayaa carabka ku adgeeyay in dawlada ay diyaar u tahay ...
2 hours, 44 minutes ago
1
views
Star Fm ─ 13.May.2012:- Saraakiisha Militeriga Yemen ayaa sheegay in ugu yaraan 10 dagaalyahano Al-Qaacida ah ay ku geeriyoodeen kadib laba weerar oo ay koofurta Yemen ka fuliyeen diyaaradaha maraykanka ee aan cidina wadin. Labadaasi weerar ayaa ka gala dhacay gobolada Marib iyo Shabwa oo dhanka koofur bari kaga beegan caasimada dalkaasi ee Sancaa. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka maraykanka oo ku aadan qirashada weerarkaasi. Sidoo kale wararkale ...
2 hours, 44 minutes ago
1
views
Star Fm ─ 13.May.2012:- Ugu yaraan 40 qof ayaa ku geeriyooday tiro kale oo intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen ka dib dabaylo iyo Roobab Mahiigaan ah oo ka da’aya Waqooyi Bari ee dalka Shiinaha. Saraakiil ka tirsan waaxda gargaarka dagdaga ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee wadanka shiinaha ee Xinhua news agency in sidoo kale la la’yahay ilaa iyo 18 ruux oo ay la dageen daadadka roobab mahiigaan ah oo ...
2 hours, 44 minutes ago
4
views
Somaliland Press ─ Photo: Investors and residents are racing to cash in a construction boom in Mogadishu The Somali capital Mogadishu is witnessing an unlikely boom in properties and construction eight months after Al Qaeda-affiliated insurgents fled from the once elegant Indian Ocean seaside town. Some local analysts believe if peace is fully restored in the war-ravaged nation, its capital could outgrow neighbouring Nairobi and Addis Ababa in the next 20-50 years. They ...
2 hours, 44 minutes ago
1
views
Raxanreeb ─ Beledweyne (RBC) Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa degmada Beledweyne ka dib markii maamulka degmada ay diideen masuuliyiin uu dhowaan magacaabay gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax. Gudoomiyaha degmada Beledweyne Sheekh Cismaan Barre oo horeyna u ahaa gudoomiyihii maxkamada ee gobolka Hiiraan ayaa warqad cabasho ah u gudbiyey wasaaradda arimaha gudaha iyo xafiiska raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya isagoo ku sheegay inuu gudoomiyaha gobolka uu ...
2 hours, 44 minutes ago
2
views
Laacib Net ─ Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa xalay ku sugnaa Berlin si uu u daawado Shinji Kagawa, iyadoo Borussia Dortmund ay koobka DFP Pokal ay ka qaaday kooxda Bayern Munich. Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ayaa lala xiriirinayay in muddo ah kubadsameeyahan reer Japan, waxaana Dortmund ay dhawaan si maldahan u sheegtay in 23 jirkaan [...]
2 hours, 45 minutes ago
7
views
Gobolada ─ Cali Khaliif Galayr oo horay u soo noqray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya dowladdii uu hogaaminayay Dr. C/qaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay sanadkii 2000 Magaalada Carta ee Dalka Jabuuti ayaa la sheegayaa in saacadaha soo socda ee maanta ku soo fool leeyahay Magaalada Muqdisho. Wararka waxay sheegayaan in magaalada Muqdisho ay ka soconayaan qaban qaabada soo dhawaynta Wafdiga Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo ka mid ah ...
2 hours, 45 minutes ago
5
views
Star Fm ─ 13.May.2012:- Qaar ka mid ah xaafadaha magaaladan Nairobi ayaa Noqon doona Biya la’aan mudada labada ascbuuc ee soo socota. Shirkada Biyaha iyo Bulaacadaha ayaa waxa ay shaacisay in Qaar ka mid ah dhuumihii Soo xambaari jiray Biyaha ay cagda mariyeen fatahaadaha ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee ka da’aya qaybaha kala duwan ee dalka. Xaafadaha magaalada Nairobi ee ay biya yaridu saamayn doonto ayaa waxaa ka mid ah Westland,Kaaren,Apahiil,iyo qaybo ...
3 hours, 15 minutes ago

No comments:

Post a Comment