Waxaa Safar aan horey loo shaacinin ugu dhoofay dalka Itoobiya Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole iyo Wafdi uu hogaaminayo.
Safarka degdega ah ee Faroole uu ku tagay dalka Itoobiya ayaa waxa uu salka ku hayaa dacwad ay maamulka Faroole ku soo oogeen shaqsiyaad u dhashay beesha Hawiye,Waxayna dowladda Itoobiya ka codsadeen in faragelin lagu sameeyo shirka ansaxinta dastuurka ee hadda ka socda magaalada Muqdisho.
Waxaa soo baxaya warar lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in Faroole iyo maamulka Puntland ay ku soo baraarugeen in qodobo lama taabtan u ahaa maamulka Puntland laga badalay dastuurka,waxayna eedeeda dusha uga tuureen shaqsiyaad u dhashay beesha Hawiye oo dhawaan qubaro ahaan loogu soo daray gudiyada dastuurka.
Dhinaca kale,C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole Madaxweynaha Puntland ayaa ammaan u soo jediyay madaxweyne sheekh Shariif,waxuuna madaxda Itoobiya u sheegay in Sheekh shariif uu yahay shaqsi masuul ah oo wadashaqeyn fiicana ay kala dhaxeyso.
Itoobiya ayaa booskii hogaamiye kooxyada u wareejisay maamul beeleedyo ay ku midoobeen beelo soocan,waana shaxda qeybi oo xukun.

Waxaan shaki ku jirin isla markaana qof walba oo Soomaali ah moogeyn in wali Dalka itoobiya faraha kula jirto Arrimaha Dalka Soomaaliya tan iyo bur burkii dowladdii dhexe ee soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee,waxaan la ogeyn tilaabada beesha calamka ay qaadi doonaan maamulka Puntland,beesha caalamka aya horey ugu goodisay in aysan u dulqaadan doonin cidii ishortaagta ansixinta dastuurka iyo howlaha Road maabka.
garable.com
No comments:
Post a Comment