Wednesday, 18 July 2012

Dowladda KMG oo dalbatay in ciidamada Itoobiya laga saaro magaalada B/weyne ka dib markii


Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa shalay dilay ka geystay magaaladaasi ka dib markii ay si arxan darro ah ugu fureen dad rayid ah ay ku dhinteen shan ruux, 10-kalena ay ku dhaawacmeen.

Xasuuqa ay geysteen ciidamada Itoobiya ayaa ka dambeeyay ka dib markii shalay subax aroortii hore labo qarax oo miino loo adeegsaday lala beegsaday baabuur kolonyo ah oo ay wateen Ethiopianka, kuwaas oo marayey xaafadaha bariga Beledweyne, halkaas oo hal baabuur uu kaga burburay ciidamda Itoobiya.

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxyada ka dib ciidamada Itoobiyaanku ay bilaabeen inay dad ka qabqabtaan xaafadaha bariga Beledweyne, waxaana dadka ay qabanayeen ahaayeen dhalinyaro iyo wixii rag ah ee ay arkaan, kuwaas oo ay ula dhaqaaqeen xerada ay degan yihiin oo magaalada ka baxsan halkaas oo markii dambe ay ku toogteen qaar ka mid ah dadkii ay qabteen oo shan ruux ahaa.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in askarta Itoobiyaanku ay xasuuqeen dad rayid ah oo qabqabteen iyagoon wax maxkamad ah geynin, waxayna intaasi ku dareen inay doorbidayaan in ciidamada Itoobiya laga qaado magaalada B/weyne, lana keeno ciidamo kale oo ka tirsan kuwa AMISOM, gaar ahaan in la soo kordhiyo ciidamada Jabuuti ee haatan ku sugan magaaladaasi.

Sidoo kale odayaasha Beledweyne oo iyaguna ka hadlay dhacdada ayaa si kulul u cambaareeyay xasuuqa Itoobiya ka geysteen Beledweyne, waxayna maamulka gobolka Hiiraan iyo dowladda KMG ka dalbadeen inay jawaab ka keenaan saraakiisha Itoobiya ee ciidamadooda dadka laayey.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment