Wednesday, 18 July 2012

Madaxweynaha Galmudug oo qaliin dhinaca wadnaha ah lagu sameeyay ka dib markii la sheegay


Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa shalay qaliin dhinaca Wadanaha ah lagula sameeyay Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ka dib markii isagoo xanuunsan laga qaaday magaalada Muqdisho, lana geeyay dalka Kenya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda ee maamulka Galmudug Bile Dini Cali ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalin la dhigay Isbitaal ku yaala gudaha Magaalada Nairobi, wuxuuna intaasi ku daray in xanuun dhinaca wadnaha loo dhigay isbitaalka ka dibna qaliin lagu sameeyay haddana uu caafimaad qabo sida uu yiri.

“Madaxweyne Caalin ayaa lagu sameeyay qalliin qaatay shan saacadood, illaa 5-saacna waxa uu ku jiray koomo, laakiin hadda wuu soo ladnaaday dadka wuu kala garan karaa, koomadiina wuu ka baxay, Madaxweynaha waxaa laga keenay Muqdisho isagoo jiran, Isbitaal ayaa la geeyay markii baaritaan la sameeyay waxaa la ogaaday in xididada ka taga wadnaha ee taga qeyb ka mid ah Kilyaha uusan dhiigu tagi karin sidaasi owgeed, dhaqaatiirtu waxay go’aamiyeen in qalliin loogu sameeyo wadnaha” ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Maamulka Galmudug Bile Dini Cali.

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment