
Odayaasha dhaqanka ee ku shiraya Magaalada Muqdisho ayaa kasoo horjeestay qodobo dhowr ah oo ku jira Dastuurka cusub ee la doonayo inuu dalka yeesho.
Ilaa 10-qodob oo ku jira dastuurka ayeey sheegeen odayaasha dhaqanka inay yihiin kuwa aan u qalmin Diinta iyo Qaranimada umadda Soomaaliyeed islamarkaana ay wanaagsan tahay in gabi ahaanba meesha laga saaro.
Caaqil Maxamed Aadan Cali Cabdulaahi oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee ku shiraya Muqdisho ayaa sheegay isaga oo ka hadlayay kullan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka in odayaasha dhaqanka ay si aad ah uga soo horjeedaan qodobka todobaad faqradiisa saddexaad oo ku saabsan xuduudaha Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in xuduudaha Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah islamarkaana ay aqoonsan yihiin xuduudihii jiray 1960,isaga oo tilmaamay in odayaasha ay isku afgarteen in si deg deg ah Dastuurka looga saaro qodobkaasi.
21-Bishan ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo shirweyne lagu ansixinayo dastuurka,waxaana weli taagan muran ka jira qodobada qaar oo ku jira dastuurka islamarkaana odayaasha dhaqanka ay si ,aad ah uga biyo diidsan yihiin.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment