Wednesday, 18 July 2012

Zamzam Maxamed iyo Maxamed Xasan oo London Gaaray iyagoo matalaya Soomaaliya.


Kooxda Soomaaliya uga qeybgalaysa Cayaaraha Olombikada Adduunka ee 27-ka Bishaan ka furmaya Magaalada london ayaa gaaray saaka Magaalada London ee dalka Engiriiska.
Soomaaliya waxa cayaaraha Olombiga uga qeybgalaya laba cayaartooy oo kaliya kuwaasi oo kala ah Maxamed Xasan Maxamed iyo Zamzam Maxamed Faarax.

Maxamed Xasan waxa uu ordi doonaa tartanka 1500m iyo 5000m, halka Zamzam Maxamed ay iyana ordi doonto orodka 800m iyo 1500m.

Inkastoo cayaartooyda Soomaaliyeed ee olombiga aanay soo gelin is reebreeb haddana sida uu qabo sharciga olombikada adduunka waxaa loo oggol yahay in ay laba cayaartooy soo dirsan karaan.

Waxaa iyaguna soo gaaray London cayaartooy hore oo wax ka hoggaaminaya Sport-iga iyo weliba madaxda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo xiriirrada.

Halyeyga billadda dahabka ee 1500m, Cabdi Bile Cabdi iyo Cumar Cabdulqaadir Baarajab oo ahaa cayaartooy caan ku ah Soomaaliya, isla markaana laf dhabar u ahaa kooxda Qaranka ee Kubadda koleyga ayaa ka mid ah cayaartooydii hore ee dhiirri gelinta u sameynaya ciyaaryahanada Soomaaliya matalaya iyo maamulka kooxda.

Madaxda London soo gaartay waxaa ka mid ah, Sii hayaha Guddoomiyaha Olombigga, Durraan Axmed Faarax, iyo Xoghayaha Olombikada, Cabdullaahi Axmed Tarambi iyo weliba Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubbadda Koleyga, Cabdicasiis Goodax Barre

garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment