Saturday, 30 June 2012

midowga Africa oo go,aansaday in ciidamo booliis ah la geeyo Muqdisho



Addis-abab(wabarimedia.com Ururka Midowga Afrika iyo dawlada Uganda ayaa heshiis ku gaaray oo kala saxiixday heshiis ah in dawlada Uganda ay gayso magaalada Muqdisho 140 askari,iyadoo howgalka ciidamadan booliiska ahi ay qayb ka noqonayaa howlgalka AMISOM ee hoostaga Midowga Afrika.
Golaha nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa bishii Jannaayo ee sannadkan isku raacay in howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya lagu kordhiyo ciidammo booliis ah oo qayb ka qaata sugidda nabadgalyada, iyadoo go'aankan ay ku raaceen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii February ee isla sannadkan.
Waxaa iyana sidoo kale la wadaa tallaabooyin uu Midowga Afrika ku doonayo inuu heshiis kula galo xukuumadda Nigeria sidii ay 140-askari oo booliis ah u geyn lahayd magaalada Muqdisho.
Iminka ayaa  Muqdisho waxaa ku sugan 60-askari oo booliis ah kuwaas oo iyana ka socda ururka Midowga Afrika, waxayna kaalin muhiim ah ka qaadanayaan dadaalka lagu dhisayo awoodda ciidammada booliiska Soomaaliya, iyagoo siiyo talooyin iyo tababar lana socda habka ay u shaqeynayaan.
Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada booliiska ah ee ka socda dalaka Uganda iyo Nigeria loogu talogalay inay qayb ka qaataan xasilinta caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo ah meesha ciidanka Midowga Afrika uu ka howlgalo, kaddibna lagu fidin doono gobollada kale ee Soomaaliya.
Ciidamada booliis ah ee ka socda dalalka Afrikca la geynayo Muqdisho ayaa ku soo beegmayaa xilli ay ciidamada AMISOM horumarro ka sameynayaan howgallada ay u joogaan Muqdisho.
Munaasabadda heshiiska lagu kala saxiixanayay oo ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil booliis oo ka socda hay'adda dawlada iyo kuwa Africa
garable. com
muxudin diini fiidow

Madaxweyne Caalin “ aniga waan caafimaad qabaa, hadana waxaan ku soo laabtay Nairobi, waxaana ka soo Qeybgalay shirkii Dubai, waana Been abuur in Wadnaha la iga Qalay

Madaxwewynaha Maamulka Galmudug axmed Maxamed Caalin oo saacadaihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi, kadib markii uu ka soo laabtay magaalada Dubai, oo uu uga soo Qeybgalay kulankii dhexmaray Madaxweyne shariif iyo axmed siilaanyo, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Warar ay Qorayeen WarbaahintaMadaxweyne Caalin oo uu Wehliyo Maxamed Ducaale kaahiye ahna laTaliyaha dhinaca siyaasada ee Madaxweyne Caalin, ayaa Bogan u sheegay in aysan jirin Wararka soo baxayay saacadihii la soo dhaafay.
Madaxweyne Caalin ayaa sheegay in uu caafimaad qabo, ayna Been abuur tahay wararka sheegaya in Qaliin Wadnaha ah lagu sameeyay.
“ aniga waxaan hada ku soo laabtay Nairobi, waxaana hada joogaa halkaan waana waxba kama jiraan in la iga qalay wadnaha, waxaana ka Qeybgalay shirkii ka dhacay Dubai daraad”ayuu yiri Caalin.
Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha Maamulka Galmudug in saxaafada looga baahanyahay in ay hubsadaan inta aysan Wararka Qorin.

garable.com
muxudin diini fiidow

Friday, 29 June 2012

Madaxda Somalia iyo Somaliland oo maanta kulankii 2aad ku yeeshay Dubai, qodobo xasaasi ahna ka soo saaray

Magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta waxaa markii 2aad kulan albaabadu u laaban yihiin ku yeeshay madaxweyneyasha DKMG Somalia iyo kan maamulka Somaliland Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Axmed Siilaanyo.


Kulanka labada dhinac oo ahaa mid ka xasaasisan kii shalay ayaa waxaa la iskula soo qaaday arimo ku saabsan sidii labada dhinac ay u abuuri lahaayeen jawi isfaham iyo walaaltinimo so wadahadalda socda looga miro dhaliyo sida auy sheegeen warar ku dhow dhow kulankaasi.

Wasiirka difaaca Xukuumada KMG Somalia Xuseen Carab Ciise oo kulankaas ka dib la hadlay warbaahinta qaarkood ayaa sheegaya in kulankaas uu ku dhamaaday guul labada dhinacna ay soo wada saareen qodobo muhiim ah oo khuseeya umada Soomaaliyed.

Waxyaabaha lagu heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah in la isku furo si ka wanaagsan sidii hore isku socodka dadka iyo ganacsiga in meesha laga saaro haddii ay jiraan wax mad madow ah oo wadahadalka carqaleyn kara iyo in siyaasiyiinta labada dhinac ay si xor ah oo Soomaalinimo ah iskugu booqdaan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa iyo in laga dhabeeyo fulinta qodobadii ka soo baxay shirkii London” ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.
Kulanka labada masuul ay maanta iyo shalay ku yeesheen magaalada Dubai ayaa waxaa uu daba socdaa shir dhowaan magaalada London ku yeesheen ergooyin labada dhinac kala metelayay, waxaana kulanka maanta uu ku soo aadayaa xilli maanta banaanbax lagu taageerayo uu ka dhacay magaalada Muqdisho,

Markabkan ayey burcad badeeda Soomaalidu afduubatay dabayaqaadii bishii Oktoobar ee sanadkii hore, waxaana uu qeyb ka ahaa maraakiib fara badan oo burcad badeeda Soomaalidu ugu afduuban meelo ku dhow dhow xeebaha Somalia, si looga siiyo lacago malaayiin dolar gaaraya oo madax furasho ah.

garable.com
muxudin diini fiidow

Mario Bolatelli Oo Goolashiisii Xalay U Hadiyeeyay Hooyadii Soo Korsatay Silvia.


Mario Balotelli ayaa Italy ku hogaamiyay finalka Euro 2012, isagoo u hadiyeeyay labada gool ee uu dhaliyay hooyadii soo korsatay.
Weeraryahanka Manchester City ayaa aaday taribuunka isagoo xabadka geliyay hooyada soo korsatay Silvia ka dib markii Italy ay ka talaabsatay Jarmalka, waxaana uu balanqaaday inuu axada garaaci doono Spain.
Balotelli ayaa ciyaarta ka dib yiri: “Maxaan xusuus ah oo aan ka qaadan doonaa ciyaartaan? Hubaashii waa ka dib ciyaarta markii aan u tagay hooyadeey oo aan ku iri ‘goolashaan adigaan ku dhaliyay’Waan sugayay sidaan oo kale muddo dheer, gaar ahaan markii ay hooyadeey halkaan timid, waxaana doonayay inaan ka farxiyo”.
“Caawa [xalay] waa habeenkii iigu quruxda badnaa nolosheyda, lakiin waxaan rajeynayaa in axadana ay ka sii fiicnaan doonto. Haatan waxaan u baahanahay inaan nasano oo aan garaacno Spain”
“Anaga iyo Spain ayaa ah labada kooxood ee ugu fiican tartankaan. Ma ku guuleysan karnaa? Su’aashaas waxaan ka jawaabi doonaa axada”.

garable.com
muxudin diini fiidow
.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ka Bari yeelay Eedeyntii hore loogu Jeediyay

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Fadhigeedu yahay magaalada New York ee Caraiga Mareykanka ayaa Ku Yeeshay Kulan gaar ah waxaana kulankaas looga Hadley arrimo la xiriira Shirkadda Isgaariisnya Hormuud ka dib markii la soo eedeeyey
Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku taariikhaysan 26 June 2012 , lambarkiisuna yahay SC/10685 ayaa lagu caddeeyay in aanay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom wax lug ah ku lahayn dhammaan eedihii hore loogu jeediyay ka dib markii Golaha uu sameeyey Baaritaan Qoto dheer
Qaraar Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ee ay ku Bariyeeshey Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud waxaa ka Horeeyey Kulan uu isugu yimid Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka kaasoo Dhacay Bishii hore 24 May 2012 ay soo saareen qaraar lagu bari yeelayo, Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud kaas Qaraarkaasoo lagu caddeeyay in aanay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom wax lug ah ku lahayn Eedaha loo jeediyay
Qaraarkaasa yaa lagu Cadeeyey lagu caddeeyay in Shirkadda Hormuud Telecom tahay Shirkadd qiima wayn ugu fadhidda Ummadda Soomaaliyeed, marka laga eego dadka Maalagashaday oo kor u dhaafaya 3000 oo qof, Shaqaaleheeduna oo kor u dhaafaya 5000 oo qof , iyadoo Shirkadda Bulshada Soomaaliyeed la qaybsata dhibaatooyinka ku yimaadda sida Abaaraha , Daadadka, Caawinta Barakacayaasha, Isbitaalada iwm. Qaraarkaas Golaha Wasiirada waxaa lagu sheegay in Tartan Ganacsi iwm loo dhibaataynayo Shirkadda Hormuud Telecom.
Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ayaa so dhaweeyey Qaraaradii ka soo kala baxay Qaramada Midoobey iyo Golaha Wasiirada ee lagu Bari yeeley Shirkadda Hormuud iyagoo sheegey in Shirkadda ay tahay mid Ummada Soomaaliyeed aysan hilmaami Karin Doorkii wax qabad ee ay kaga qayb qaateen dhibaatooyinkii kala duwanaa ee soo marey Shacabka Soomaaliyeed
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom waa Shirkadda ugu Baaxadda weyn xagga Isgaasriinta Dalka Soomaaliya, marka laga fiiriyo Macaamiisha ku xiran, Shaqaalaheeda, Maalgashadayaasha Sidoo kale Shirkadda Hormuud waa Shirkad ka Howlgasha dhamaan Deegaanada Ummada Soomaaliyeed islamarkaana si weyn u soo dhaweysa Macaamiisheeda . garable.com

Talyaaniga oo u soo baxay Finalka Euro 2012, marki uu Jarmalka ku garaacay Sema Finalka (Sawirro)

Xulka Talyaaniga ee Azzuri ayaa muujiyay sida uu ugu hanqal taagayo 44-sano kadib inuu ku guuleysto Koobka Qaramada Yurub, kadib ciyaar qaab ciyaareedkeeda aad u wanaagsanaa ay soo bandhigeen kulankii Sema Finalka ay kala hortageen xulka Jarmalka oo koobkan loo saadaalinayay.

Ciyaaryahan Balotelli ayaana ahaa geesigii Talyaaniga ku hogaamiyay in Finalka kula soo biiraan Kooxda Spain oo heysata Koobkan, waxaana uu goolal aad u qurux badnaa uu dhaliyay daqiiqadii 20-aad iyo 26-aad.

Talyaaniga ayaa kubada si wanaagsan u maamulayay inta ay socotay ciyaarta, waxaana muuqatay habacsanaan Jarmalka ka heystay isku xirka dhexda iyo weerarla.

Daqiiqadii 20aad ayaa Kubad si fiican u farsameystay Cassano oo uu u karoosay ciyaaryahan Mario Balotelli, isagoo madaxa la helay oo goolkii koowaad hogaanka ugu dhiibay.

Sidoo kale daqiiqadii 36aad ayaa Kubad loo soo tuuray oo aheyd mid aad u qiyaasneyd ayaa Balotelli si wanaagsan inta u helay, deetana ula cararay goolka Jarmal, isagoo ku tuuray Darbo sidii sayruuqi oo kala ahaa, oo shabaqa ugu dhex dhigay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay labo gool iyo waxba oo ay hogaanka ku hayeen Talyaaniga, qeybta labaad ciyaarta, inkastoo Tababaraha Jarmal uu sameeyay bedelo deg deg ah, hadana waxaas oo idil waxay noqdeen kuwo daafacyada Talyaaniga ay beeniyaan weeraradii dar darta ahaa ee weeraryahanada Jarmalku.

Si kasta Tababaraha Talyanaiga Parendeli ayaa bedelay ciyaaryahanada Cassano iyo Montolivo, iyadoo Baloteli uu dhaawac fudud soo gaaray uu siibay, waxaana soo galay ciyaaryahanada Diamenti iyo De Natale, inkastoo fursado goolal loo fishay ay heleen, hadana ma aanay dhalin.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa Balzareti Kubad uu gacanta ku taabtay laga dhigay rigoore, waxaana rigooradaas oo aheyd mid neefta ku soo celin rabtay Jarmalka u dhaliyay Ozil, balse ciyaarta ayaa aheyd mid daqiiqado ka dhineyd, mana u suura gelin inay gool bar baro helaan, si waqtiga dheeriga loogu daro.

Talyaaniga ayaa qaab ciyaareed wanaagsan oo aan la fileyn ku soo galay Tartanka Euro 2012, waxayna axada soo socda Finalka is haleeli doonaan xulka Spain oo sanadii 2008-dii ku guuleystay Koobkan. garable.com  muxudin diini fiidow



















48 saac gudahood oo wiilkii labaad oo Soomaali ah lagu dilay dalka Canada iyo qoosas badan oo isaga soo hayaamay dalaasi

Dalka Canada oo ahaa dalkii ugu horeeyey ee Soomalida qaxooti ka noqtay ayaa xiligaan waxaa moodaa in Soomaalida soo wajday cabsi iyo wal wal oo keentay xataa in leysaga soo hayaamo dalkaas oo laga door bida qoosaska Soomalida in ay soo dagaan wadamada Carabta
Muda hada laga jooga bil ayaa dhowr wiil Soomali ah lagu dilay wadanka Canada iyadoona 48 saacaa ee u danbeysay dalkaasi lag dilay laba wiil oo Soomaali waxaase Soomalida isweydinayaan waxa wiilsha Soomalida kaliya loogu ugaarsanayo dalkaasi oo leh ciidan Amni oo wax ka qaban karo xaalada cakiran ee xiligaan ka jirta dalkaasi

Hooyadaan oo markii hore ka qaxday Tornto oo tagtay Atmiton ayaa waxaa loogu aaray wiil walaalkisa oo kii la radainaayey la dhashay taana waxay keentay wal wal keeni karo in dad kale oo badan ku naf wayaan halkaas madaama jirin cid xakameysa dilika waxashnimada ah ee lagu haayo wiilsha soo koraayo ee Soomalida ah
Dhanka kale waxaa jira in qoosas badan oo Soomaliyeed isaga soo cararaan Canada kuwaa oo hanjabaad kala kulmay maafiyada dadka disha kadib markii ilmahooda diideen in ay gadaan Daroogska iyadoo caruurtaan qarkood ee lala soo cararay ay iskuulka dhigan kari wayeen hajabada adag ee dul dhigan dilka

garable.com
muxudin diini fiidow

C/raxmaan Faroole oo ka soo horjeestay kulanka madaxweyne Shariif iyo Siilaanyo ku dhexmaray magaalada Dubai

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamuud Faroole ayaa ka soo horeestay kulankii shalay ku dhexmaray magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta madaxwneyaasha dowlada KMG Somalia Shiikh Shariif shiikh Axmed iyo kan maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Faroole ayaa intaa ku daray in kulankaas uu ahaa mid aan wax faaiido ah u laheyn shacabka Soomaaliyed isagoo xusay in Siilaanyo iyo Shiikh Shariif ay isku balansadeen kulana u qaateen si shaqsi ah oo iyaga u gaar ah, aysana jirin natiijo ay aqoonsan yihiin oo kulankaas ka soo baxay iyo cid ay ku metelaan.
“Haddii aan Puntland nahay anagu ma taageereyno kulan ama shir waxa kasoo baxay aanan goob joog u aheyn, Siilaanyo iyo Shiikh Shariif kulanka ay yeesheena waxaa uu ahaa mid iyaga u gaar ah oo aan khuseynin loogana hadlin maslaxada umada Soomaaliyed” ayuu yiri C/raxmaan faroole oo la hadlayey idaacada BBC-da.Faroole ayaa ku eedeeyey dowlada KMG Somalia iney mar kasta la dhuumato kulamada ay madaxdeedu la qaataan madaxda Somaliland, isagoo tusaale u soo qaatay shirkii ugu horeeyey ee labada dhinac ku yeesheen dhowaan magaalada London kaasoo uu sheegay in dowlada ay ka saartay guddigii u metelyey xubno ay ku darsatay Puntland. “Shiikh Shariif waa ii sheegay intaan Nairobi wada joognay inuu la kulmayo Siilaanyo hase ahaatee anagu haddii aan nahay Puntland ma taageereyo mana aqoonsaneyno wixii ka soo baxa shir aanan goob joog u aheyn Siilaanyo Shariifna waan maqlay iney qoraalo aan nuxur badan laheyn kala saxiixdeen waxbana soo kordhin maayaan” ayuu intaa ku daray C/raxmaan Faroole.
Maamulka Puntland ayaa waxaa uu khilaaf dhuleed kala dhexeeya maamulka Somaliland, waxaana hadalka C/raxmaan Faroole uu imanayaa xilli labada madaxweyne ee Somalia iyo Somaliland ay shalay kulan ku qaateen magaalada Dubai kaasoo ah kii ugu horeeyey inkastoo kulankaas aan la iskula soo qaadin qodobka xasaasiga ah ee ku saabsan gooni isu taaga Somaliland.

garable.com
muxudin diini fiiwdo

Thursday, 28 June 2012

Golaha Ammaanka oo ka laabtay eedeymihii uu horey ugu jeediyay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo magaalada New York ku yeeshay kulan gaar ah , ayaa waxaa ka soo baxay in Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ay ka madax bannaan tahay dhammaan eedihii hore loogu jeediyay.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee ku taariikhaysan 26June 2012 , lambarkiisuna yahay SC/10685 ayaa lagu caddeeyay in aanay ShirkaddaIsgaarsiinta Hormuud Telecom wax lug ah ku lahayn dhammaan eedihii hore loogu jeediyay.)

Iyadoo tan ka horeysa qaraar Golaha wasiirada ee Shir Golaha Wasiirada Dawladda KM ayfadhiisteen 24 May 2012 ka soo saareenqaraar lagu bari yeelayo, Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud kaas oo lagu caddeeyayin aanay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom wax lug ah ku lahayn Eedaha loojeediyay, dhanka kalana waxaa qaraarkaas lagu caddeeyay in Shirkadda Hormuud Telecom tahay shirkadd qiima wayn ugu fadhidda umadda Soomaaliyeed, marka laga eego dadkamaalagashaday oo kor u dhaafaya 3000 oo qof, shaqaaleheeda oo kor u dhaafaya 5000 , iyada Bulshada la qaybasata dhibaatooyinka ku yimaadda sida Abaaraha ,daadadka, caawinta barakacayaasha,Isbitaalada iwm. Qaraarkaas golaha Wasiirada waxaa lagu sheegay in tartanganacsi iwm loo dhibaataynayo Shirkadda Hormuud Telecom.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom waa Shirkadda ugu baaxadda wayn xaggaIsgaasriinta dalka Soomaaliya, markalaga fiiriyo macaamiisha ku xidhan, shaqaalaheeda, Maalgashadayaasha iwm

garable.com
muxudin diini fiidow

war deg deg Mid ka mid ah Saxiixayaasha Road Map-ka oo qaliin dhinaca wadnaha loogu sameynayo Magaalada Dubai

Wararka ka imaanaya Magaalada Dubai ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in mid ka mid ah saxiixayaasha Road Map-ka uu xanuun wadnaha uu soo wajahay, iyadoo la dhigay Isbitaalka.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo ka qeyb galayay shirka looga hadlayay arrimaha burcad badeedka ayaa waxaa lagu sameynaya qaliin dhanka wadnaha.

Axmed Cawil oo ka mid ah Xogheynada Madaxweynaha ayaa u sheegay mid ka mid ah wabarimedia.com Muqdisho in Col. Caalin shalay gelinkii dambe uu ku soo booday xanuunka, isla markaana haatan la dhigay Isbitaal si qaliin loogu sameeyo.

Col. Maxamed Axmed Caalin ayaa ka mid ah Saxiixayaasha Qariirada Nabada Soomaaliya ee ka qeyb galay, shirarkii ka dhacay Muqdisho, Garowe, Adddis Ababa iyo kii u dambeeyay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Nairobi.
garable.com muxudin diini fiidow

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

DOWLADDA IMMAARADKA CARABTA OO SOOMAALIYA UGU DEEQDAY HAL MILYAN OO DOOLLAR

 

Dowladda Immaaaradka Carabta ayaa Dowladda Soomaaliya waxay ugu deeqday hal Milyan oo doollar mareykanka oo lagu dhisaayo Ciidamo ilaaliya Xeebaha Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda isku tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Cabdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa ka sheegay Shirka looga hadlaayo burcad-badeeda oo maalintii labaad ka socda Dubai inay dowladiisa bixineyso 1- Million oo dollarka mareykanka taas oo wax lagu caawinayo in la dhiso Ciidamadda badda Soomaaliya iyo kuwa ilaaliya Xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shirkii labaad oo looga hadlaayo burcad-badeeda Soomaalida ku qabtay Dalkeeda kaas oo ay ka qeyb galayaan ilaa 50-dowladood iyo hay'addo Caalami ah, kuwaas oo ka arrinsanaya sida xal loogu heli karo Kooxaha burcad-badeeda Soomaalida.

Waxaa shirka Maalintii koobaad lagu soo bandhigay lacagta ay heleen burcad-badeeda Sanadkii hore iyo Maraakiibta ay qabsadeen waxaana goobta shirka laga muujiyay in burcad-badeeda Soomaalida ay heleen lacag aad u badan.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo shirka marti galisay ayaa sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay ay ku deeqday Kaalmada la siinaayo Soomaaliya lacag ka badan 25-milyan oo Dollarka Mareykanka, taas oo diirada lagu saaray arrimaha bini'aadinimada gaar ahaan Caafimaadka.

Sidoo kale shir waxa lagu soo bandhigay in adduun lacag oo gaaraya ilaa 160-Milyan oo dollarka Mareykanka ay u heleen madaxfurasho Kooxaha burcad-badeeda Soomaalida, taas oo ka badan labadii sano ee ka horeeyay 2010 iyo 2009.

Tan iyo 2007-dii ayaa la sheegay 62-badmareen ay ku dhinteen gacanta burcad-badeeda, kuwaas oo u dhintay iyagoo la soo badbaadinaayo ama ay gaajo u dhinteen, sida laga sheegay shirka ka socda Dubai.

garable.com
muxudin diini fiidow

Daawo Sawirada Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ku wadaKulmay Magaalada Dubai

Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmad Maxamed Siilaanyo ayaa manta ku kulmeen Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta.Labada Madaxweyne ayaa isku gacan qaaday Xaflad ay soo qaban qaabisay Wasaarada Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta,Kulankan oo ahaa mid koobnaa ayaa ahaa mid daba socday wada hadaladii ka dhacay Magaalada London ee dalka Ingiriiska.,Madaxweyne Shariif oo ku hadlay afka Carabiga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka, iyo Midnimada Soomaaliya.Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kala qeyb qaataan Soomaaliya la dagaalanka Burcad badeedka iyo argagixisada, isagoo sheegay inay lama taabtaan tahay gooni isu taaga

Shacabweynaha Soomaaliyeed ayaana aad usoo dhaweeyay in ay wada hadlaan Maamulka Somalinad oo isagu sheegay in ay gabi ahaan ka go’een Soomaaliya inteeda kale ayna doonayaan in ay noqdaan Dowlad Madaxbanaan iyo sidoo kale Dowlada KMG oo iyana taagan in labada Dal ay markale midoobaan.  garable.com  muxudin diini fiidow













· a

MadaxweyneSheekh Shariif iyo Madaxweyne Siilaanyo oo maanta kulan ku leh Magaalada Dubai

Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmad Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa in manta ay ku kulmaan Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta.Labada Masuul oo hada kusugan Magaalada Dubai ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay kulmaan kana wada hadlaan sida ay labada dhinac iskugu soo dhawaan karaan iyo qodabadii kasoo baxay shirkii dhawaan labada Dhinac wafuud kala mataleysay ku yeesheen LondonWali lama oga ajandaha rasmiga ah ee labada dhinac kawada hadlayaan hasaa haatee ujeedka ayaa ah in labadaads dhinac ay is arkaan kana wada hadlaan sida ay iskugusoo dhawaan karaan loona wada hadli karo .

Shacabweynaha Soomaaliyeed ayaana aad usoo dhaweeyay in ay wada hadlaan Maamulka Somalinad oo isagu sheegay in ay gabi ahaan ka go’een Soomaaliya inteeda kale ayna doonayaan in ay noqdaan Dowlad Madaxbanaan iyo sidoo kale Dowlada KMG oo iyana taagan in labada Dal ay markale midoobaan.


garable.com
muxudin diini fiidow

Tuesday, 26 June 2012

cabdimailk shancad


C/LAAHI CALI CAANOOD: "QORSHAHA BALCAD XIGA WAA QABSASHADA JOWHAR"

 

Saraakisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qaabkii ay ula wareegeen gacan ku haynta Degmada Balcad ee Gobalka shabeelaha Dhexe.
C/laahi Cali Caanood oo ah taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada dowladda oo isaga oo ku sugan sida uu sheegay Degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe qadka tillifoonka ugu waramay garable.com ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in si nabad galyo ah ay kula wareegeen gacan ku haynta Degmada Balcad.


Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM si nabad galyo ah ay gudaha u galeen Degmada Balcad iyo sidoo kale deegaanka Golaleey.

Isaga oo hadalkiisa sii wata C/laahi Cali Caanood oo ah taliyaha Gaaska koowaad ee ciidamada dowladda ayuu sheegay in hada ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin deegaanka Golaleey oo ka tirsan Gobalka shabeelaha dhexe Balcadna ay sii dhaafeen.

C/laahi Cali Caanood oo ah taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada dowladda ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha labaad ee dagaalka uu yahay la wareegitaanka Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo ay iminka maamulaan Ururka AL-Shabaab.

Wuxuu sheegay in la wareegitaanka Degmada Balcad ay maanta kusoo aaday iyadoo lagu guda jiro todobaadka dabaaldaga xuriyada Soomaaliya.

Ilaa hada majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka AL-Shabaab oo ku aadan la wareegitaanka Degmada Balcad oo saraakiisha dowladda ay sheegeen iyo sidoo kale deegaanka Golaleey oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe

garable.com
muxudin diini fiidow

Francesc Fabregas oo u Jawaabay Macalin Roberto Mancini ,Germany Vs Italy yaa adag Taariikh ahaan? (+Wararkii ugu dambeeyay ee World Sport News)


 Macalinka kooxda Manchester City u soo qaaday horyaalka dalka Ingiriiska Mr.Roberto Mancini oo is qarin waayay waxaa u si toos ah ula saftay dalka uu ka soo jeedo ee Talyaaniga. Macalin Roberto Mancini oo maalmahaan shaqo ka dhigtay inuu ka faalooda kulamada koobka Qaramada Yurub isaga oo la hadlaya Raadiyaasha iyo Telefishinada dalka Talyaaniga ayaa iminka waxaa la sheegay inuu Niyada ka jabiyay Ciyaartooyda dalalka Germany iyo Spain.

Macalin Roberto Mancini wuxuu Daaqada ka saaray xulalka Germany iyo Spain wuxuuna sheegay in Fiinaalka koobka Qaramada Yurub ay iskugu soo hari doonaan dalalka Talyaaniga iyo Portugal oo soo kala reebi doona maalinta beri ah iyo Qamiista xulalka Spain & Germany.
Warka Macalin Roberto Mancini oo la buun buuniyay ka dib waxaa si toos ah ugu jawaabay Xiddiga Qaranka Spain iyo kooxda Fc Barcelona Francesc Fabregas oo markiisa daaqada kala baxay hadalka Macalin Roberto Mancini wuxuuna yiri sidatan " Qof kaste wuu jecel yahay inuu dalkiisa faaniyo laakiin aniga waxaan qabaa oo leeyahay Fiinaalka EURO 2012 waxaa iskugu soo hari doona dalalka Germany oo soo reebeeysa Italy iyo anaga oo soo reebi doona xulka Portugal "
Darawalka Qadka dhexe ee Qaranka La Roja Spain iyo kooxda Real Madrid Xabi Alonso wuxuu ka gaabsaday Saxaafada oo ku qarxisay ka dib markii la sheegay inuu keenay qaab ama Shax cusub oo looga taqluusi karo Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo ay u wada ciyaaraan kooxda Los Blancos Real Madrid .
Xabi Alonso ayaa qiray kaliyah in uu jiro Plan ama Qorshe Kubada looga qarin doono Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo balse qorshahaas uusan dhankiisa ka iman oo uu yahay System kooxda u yaal ayuu yiri Mr.Alonso .Waxaa iska cad in xulka Spain ay hawada ka qarin doonaan Ciyaaryaran Cristiano Ronaldo oo la sheegay inuu yahay Lugaha ay ku socdaan Qaranka Portugal hadii la banjariyana waxaa isku dhex yaaci doona xulka Portugal.

*** Xulka Qaranka Germany ayaa Wadnaha farta ku haya ka hor Ciyaarta ay habeenka Qamiista ah kala hor tagi doonaan Qaranka Talyaaniga. Mudo 17 sano ah Germany weey ka badin la´dahay xulka Talyaaniga waxaana ugu dambeeysay mar ay tumaan Talyaaniga bishii Juun sanadkii 1995-kii.
Inta Taariikhda la ogyahay labadaan dal waxaa adkaa Talyaaniga waxeeyna Germany garaaceen 14 Jeer, 9-Jeer Bareejo ayay ku kala baxeen halka Jarmalka uu Talyaaniga ka badiyay kaliyah 7-Jeer.Bishii Febraayo sanadkii 2011 ayay kulankii ugu dambeeyay wada yeesheen Germany Vs Italia kaas oo ahaa mid Saaxiibtinimo labada dal waxeey ku kala baxeen bareejo 1-1 ah.
Sanadkii 2006 waxaa Koobka Aduunka lagu qabtay gudaha Dalka Germany waxaana Germany oo u soo bixi rabtay Ciyaartii Fiinaalka 0-2 ku Qararamsaday Qaranka Talyaaniga oo ugu dambeeyntii World Cup 2006 Rigooreyaal kaga qaaday xulka Faransiiska.
*** Maroodi lagu magacaabo Nelly oo inta badan saadaaliya koobka Qaramada Yurub ee EURO 2012 markaan waxa uu ka inkaarsaday xulka Squadra Azzurra (Italia) ka dib markii uu saadaaliyay in Talyaaniga si toos ah loo reebi doono waliba Germany ay imaan doonto Ciyaarta Fiinaalka EURO 2012.
Maroodigaan ayaa saxay ama saadaaliyay kulamadii adkaa ee Germany la yeelatay dalalka Portugal ,Holland iyo Denmark kaas oo Guul u saadaaliyay xulka Qaranka Germany .
*** Kooxda The Gunners Fc Arsenal waxay si toos ah gacanta ugu dhigtay Weeraryahanka xulka Diiqa reer France iyo kooxda Montpellier Olivier Giroud .Xiddigaan oo 25 jir ah waxaa laga soo baxshay Aduun gaaraya 15 Milyan oo Euro wuxuuna Gooldhalinta horyaalka Faransiiska ku soo qaaday xili ciyaareedkii la soo dhaafay 21-Gool kaas oo sidoo kale kooxdiisa Montpellier la soo qaaday horyaalka dalka Faransiiska.


"Lacag oo kaliyah lama fiiriyo ee waxaa la fiiriyaa adaabta Xiddiga iyo wax tarkiisa, Olivier Giroud wuxuu ahaa mid ka mid ah Xiddigihii ugu adaabta wanaagsanaa ee na soo mara wuxuuna iminka wax weeyn tari doonaa kooxda Fc Arsenal ayuu yiri Masuulka ugu sareeya kooxda Montpellier Mr.Louis Nicollin .
***Xiriirka Kubada cagta ee dalka Holland oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan KNVB waxay ka yaabsadeen kuna daadiyeen Tababarayaal fara badan oo ku fakarayay inay mar uun qabtaan xilka Macalinimada Qaranka Holland.
Tababarayaashaan ayaa ku fakarayay in la ceerin doono Macalin Bert van Marwijk oo Qaranka Holland beerta soo galiyay EURO 2012 ka dib markii uu u cyaarsiiyay qaab lagu sheegay Shax qaldan oo mar hore lagu bartay xulka Qaranka Holland.
Bert van Oostveen oo ah Masuulka ugu sareeya xiriirka dalka Holland ee KNVB waxa uu shaaca ka qaaday ineeysan burin doonin Macalin Bert van Marwijk ayna Qandaraaskiisa gaarsiiyeen ilaa sanadka 2016-ka

War Deg Deg Ah Saraakiil sar sare oo katirsan Al-Shabaab iyo AL-Qaacida oo goordhaw ka baxay Degmada Jowhar

Wararka laga helayo Degmada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhaxe ayaa sheegaya in Magaalada Jowhar saakay ay kajirto xaalad kacsanaan iyo cabsi kadib markii Gobolka Sh/Dhaxe ay gudaha usoo galeen Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.Jowhar ayana hada kabilowday qax iaydoona dadka qaxayo lasoo sheegayo in ay kujiraan Saraakiil sar sare oo katirsan Al-Shabaaa iyo rag ajaaniib ah oo
 iyana qeyb ka ahaa Dagaalyhanada Al-Qaacida ee Shabaab bar bar joogay.
 Gawaari Miyaarado madow ku xiran yihiin oo dhoor xabo ah ay saarnaayeen Saraakiil cadaan iyo Soomaali ah ayaa ka baxay Xarumo ay Shabaab kulahaayeen Degmada Jowhar iyadoona Shacabku aysan ogaan halka raasmiga ah ay u baxeen Saraakiishaasi.

Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si buuxda saakay markii ugu horeesay la wareegay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe iyagoona hada Magaalada Jowhar ee ciidamada Huwanta u jirana wax kayar 60-KM .

Al-Shabaab wali kama aysan hadlin Guul darada kasoo wajahday Gobolka Shabeelaha Dhaxee iyo Degmada Balcda ee Saakay laga qabsaday waxeesa hada ku dadaalyaan sida aan wararka ku heleyno in ay Difaacdan Degmada Jowhar oo Xarunta Gobolkaasi ah.

garable.com
muxudin diini fiidow

Monday, 25 June 2012

Masar oo madaxweyne cusub yeelatay


Qahiro-garable:com Waxaa   magaalada Qaahiro ee dalka Masar looga dhawaaqay natiijada doorashada dalkaasi oo shacabka dalkaasi ay dhagaha u tagaayeen cidda sida rasmiga ah u noqon doonto Madaxweynaha dalkaasi.
Guddigga doorashada Madaxtinimada dalka Masar ayaa  ku dhawaaqay doorashada dalka Masar kadib shir jaraa’id oo ay ku qabteen dhismo ka akdhaw  fagaaraha Xuriyadda ee dalkaasi.
Mohamed Morsi oo ah xubin ka soo jeeda xisbiga Ikhwaanul Muslimiin ee dalkaasi ayaa ka guuleystay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Masar Axmed Shafiq.
Madaxweynaha Cusub ee dalka Masaru u yeeshay Maxamed Merci ayaa guddigga doorashada waxa ay sheegeen inuu helay 57.73% halka Ra’iisul wasaarihii horena uu ka helay 48.27 waxaana fagaaraha Taxriir ku sugnaa kumanaan dadweynaha Masar oo dhagaha u taagayey natiijada doorashada.
Fagaaraha Taxriir ayaa waxaa ka soconaya fantisyo xooggan oo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee dalka Masar Maxamed Merci

garable.com
muxudin diini fiidow

Weerar khasaare geystay oo Xalay- lagu qaaday dalka Kenya iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mombasa ee xarunta labaad ee dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in xalay uu ka dhacay qarax khasaare kala duwan geystay, gaar ahaan qarax bam oo lagu weeraray goob maqaaxi ah oo lagu caweeyo.
Sida warku sheegayo goobtaasi ayaa waxaa lagu weeraray bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro, waxaana ku dhintay inta la ogyahay hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, kuwaas oo la sheegay in xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.
Qaraxan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ay dowladda Mareykanka ka digtay in weerar argagixisonimo ay ku foolleeyihiin magaalada Mombasa, lamana oga in qaraxaasi uu xiriir la leeyahay qaraxa ay ka digtay dowladda Mareykanka, sidoo kalane ma jirto cid sheegatay qaraxaasi inay iyadu ka dambeysay

garable.com
muxudin diini fiidow

Saraakiil iyo ciidamo Mareyanka oo si qarsoodi ah uga soo degay gaeroonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, baarayana

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamo boqolaal gaaraya iyo 18-sarkaal oo la socotay una dhashay dalka Mareykanka ayaa si qarsoodi ah uga soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay Muqdisho u yimaadeen inay ka fulliyaan howllo gaar lagu sheegay.
Sida u baahiyey Taleefishinka dalka Iiraan ee Press illaa  390-askari oo Mareykan ah ay ku jiraan 18-Sargaal ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuwaas oo la geeyay xero qarsoodi ah oo ku taala agagaarka Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan xeradii hore ee Xalane oo ah fariisinka ugu weyn ee ay Muqdisho ku leeyihiin ciidamada AMISOM ee gacanta siinaya dowladda KMG.
Sida tv-gu sheegay ciidamadan ayaa la sheegay inay tababar gaar ah siin doonaan ciidamo Soomaali ah oo qabanaya howlaha sirdoonnimada, sidoo kale waxaa la sheegay in saraakiisha Mareykanka ah ee tiradooda lagu sheegay 18-ka ay kulamo la qaadann doonaan saraakiishii ka soo goosatay Xarakada Al-shabaab ee ku biirtay dowladda KMG, kuwaas oo ay su’aalo dhowr ah ay weydiin doonaan, waxaana la sheegay in su’aalahaasi badankood ay ku sabaabsanyihiin sida ay u howlgalaan Xarakada Al-shabaab.
Sarkaal u hadlay dowladda KMG oo wareysi siiyey TV-ga Press ayaa sheegay inay saxtahay ciidamada Mareykanka iyo saraakiisha la socota ee soo gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna sarkaalku intaasi ku daray inay kulamo kala duwan la qaateen saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, inkastoo uusan sheegin waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wadahadleen dhinacyada iyo saraakiisha Mareykanka ah ee uu sheegay inay Muqdisho soo gaareen.
Ma jirto wax war ah oo arrintan ku saabsan dowladda Mareykanka iyo dowladda KMG iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada AMISOM oo warkan rumeynaya amaba beeninaya, inkastoo ay dowladda Mareykanka lug ku leedahay arrimaha siyaasadda Soomaaliya, isla markaasna ay taageero meleteri ay siido dowladda KMG iyo maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca, duqeymo dhinaca cirka ahna ka geysata gobolada dalka Soomaaliya

garable.com
muxudin diini fiidow

GUDDIGA DASTUURKA OO XUKUUMADDA IYO WADDAMADA BEESHA CAALAMKA EEDEEYEY

 

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka madaxa banaan ee Soomaaliya Prof:C/laahi Xasan Jaamac oo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay inay si weyn u ga shaqeeyeen dastuurka qabyo qoraalka dalka islamarkaana ay diyaar u yihiin inay bulshada Soomaaliyeed u bandhigaan.

Prof:C/laahi Xasan jaamac ayaa ku eedeeyay wadamada caalamka iyo xukuumadda KMG Soomaaliya inay ka gaabiyeen howlaha lagu dhameestirayo dastuurka qabyo qoraalka dalka Soomaaliya

Guddoomiyha guddiga dastuurka madaxa banaan ee dalka ayaa waxa uu tilmaamay in iyaga oo doonaya in dastuurka ay usoo bandhigaan odayaasha dhaqanka iyo culumaa,udiinka Soomaaliyed in madaxda dowladda ay kusoo wargeliyeen inay hakad galiyaan howshaasi iyaguna ay ugudbiyeen odayaasha dhaqanka.

Ugu dambeyn Prof:C/laahi Xasan Jaamac ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashaadan midnimadooda iyo jiritaankooda taariiqiga ah islamarkaana ay joojiyaan khilaafaadyada tirada badan oo aan loo baahnayn ayna ku midoobaan dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya.

Guddiga dastuurka madaxa banaan ayaa shaaciyay in dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka loo gacan geliyay guddi farsamo oo lagu soo dhisay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethoipia

garable.com
muxudin diini fiidow

Sunday, 24 June 2012

KUSIMIHII XEER ILAALIYAHA GOBALKA SOOL OO LA TOOGTAY



Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay fal dil ah u geesteen kusimihii Xeer ilaaliyaha Gobalka Sool.

Xilliga dilka loo geysanayay kusimihii Xeer ilaaliyaha Gobalka Sool Axmed Xaaji Maxamuud Ow-Cali ayaa waxaa la sheegay inuu ku sugnaa goob mehrad shaaha laga cabo waxaana falka dilkiisa uu dhacay xalay.

Maxamed Cismaan Xasan oo kamid ah masuuliyiinta maamulka Soomaaliland ee Goballka Sool oo la hadlay idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kusimihii Xeer ilaaliyaha Gobalka Sool uu geeriyooday islamarkaana kooxo hubaysan ay toogteen.

Wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka markii uu falkaasi dhacay kadib ay sameeyeen howlgal balaaran oo ay kusoo qab qabteen dad gaaraya ilaa afar ruux iminkana uu baaritaano ku socdo sida uu sheegay.

Lama garanayo ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa falka dilka ah ee loo geestay kusimihii Xeer ilaaliyaha Gobalka Sool ee Maamulka Soomaaliland sidoo kalena ma jirto ilaa iminka wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Soomaliland oo ay kaga hadlayaan falka dilka ah ee loo geestay kusimihii Xeer ilaaliyaha Gobalka Sool

garable.com
muxudin diini fiidow

KOOXO HUBEYSAN OO GANACSADE SOOMAALI AH KU TOOGTAY GOBALKA NFD



Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu toogtay xeryaha dhadhaab ee gobalka NFD sida uu sheegay guddoomiyaha Ururka qoxootiga Soomaalida ee halkaasi Cabdi Fataax Ismaacil.

" Waxa aan maqalnay rasaas saacada markii ay aheyd 8-dii fiidnimo, saacad kaddib waxa aan ku soo aragnay meydka ninka dukaan lahaa, waxaa naloo soo sheegay inay toogteen afar nin oo hubeesan kuwaas oo aan heybtooda lagaraneenin" ayuu sheegay.

Sidoo kale labo boolis ayaa lagu dhaawacay qaraxyo ka dhacay magaalada Mandheere oo ku taala soohdinta Soomaaliya, waxaana loola cararay isbitaal goobta ku yaala.

Waxa soo kordhaya amni darida ka taagan xeryaha qoxootiga gobalka NFD tan iyo markii ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya sanadkii hore.

Xeryaha dhadhaab waxa ay hooy u yihiin ku dhawaad 460,000 oo qof , bishii October,labo shaqaalaha hey'adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheen ee MSF oo u dhashay dalka Spain ayaa laga afduubtay xeryahaas kuwaas dableey hubeesan ay la soo aadeen Soomaaliya.

Waa qofkii seddaxaad ee halkaas lagu dilo tan iyo bishii March ee sanadkan sida ay lee yihiin saraakiisha ammaanka xeryahaas

garable.com
muxudin diini fiidow

Saturday, 23 June 2012

SYRIA OO QIRTAY INEEY SOO RIDAY DIYAARAD LAGA LEEYAHAY WADANKA TURKIGA.


 

Dowlada Syria ayaa xaqiijisay in ciidankeeda difaaca Cirka ay soo rideen diyaarad dagaal oo laga lahaa wadanka Turkiga kadib markii ay kusoo xadgudubtay hawada wadankaasi sida ay qortay wakaalada wararka Syria ee Saana.


Afhayeenka dhanka ciidamada Cirka ah oo hadlay ayaa waxa uu sheegay ineey soo rideen diyaarad dagaal oo laga lahaa wadanka Turkiga kadib markii ay kusoo xadgudubtay hawada wadankaasi.

Warka kasoo baxay dowlada Syria ayaa kusoo aadaya iyadoo dowlada Turkiga ay sheegtay in mid kamid ah diyaaradaheeda dagaalka lagu soo riday xuduuda ay wadaagaan labada dal jimcihii shalay

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa lagu sheegay kadib xog aruurin la sameeyay iyo baaritaano inay u cadaaday in soo dhicista diyaarada ay timid kadib markii ay toogteen ciidamada cirka ee Syria
 
garable.com
muxudin diini fiidow

TURKIGA OO GO'AAN KA QAADANAYA DIYAARADII SHALAY LOOGA RIDAY HAWADA SYRIA



Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa waxa uu maanta sheegay in dowladiisa ay qaadaneyso talaabo ku aadan dhacdadii shalay lagu soo riday hawada wadanka Syria diyaarad dagaal oo ay lahaayeen ciidamada cirka Turkiga, sidookale waxa uu sheegay ineey wadaan qorsho ay diyaaradaha dagaalka Turkiga masaafo yar ugu galayaan gudaha Syriya.

Wakaalada wararka Turkiga Anadol oo soo xiganeysa guul waxa ay sheegtay in diyaaradii shalay lagu soo riday gudaha Syria ay toogteen ciidamada cirka ee Syria,sidoo kale waxa ay sheegtay wakaalada inay socdaan tilaabooyin ay diyaaradaha dagaalka Turkiga gudaha wax yar ugu galayaan Syria talabaadaas oo aan aheyn mid dagaal.

Cabdala Guul ayaa sidoo kale sheegay in hada ay socdaan baaritaano ku aadan qaabkii ay usoo dhacday diyaarada dagaal iyo waxa sababay islamarkaasna Turkiga uusan ka aamusi doonin falkaas oo ay talaabo cad qaadi doonaan.

Guul ayaa dhanka kale sheegay iney taleefanka kula xiriireen masuuliyiinta Syria ayna kawada hadleen waxa sababay soo dhicista diyaarada dagaal sidoo kale waxa uu sheegay in kalasoo bixista safiirada Turkiga aysan micnaheedu taas aheyn inuusan dhexmari karin wadahadal.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lahelay qaybo kamid ah burburka diyaarada iyadoo wali ay socdaan baaritaano laxiriira labadii duuliye ee saarnaay diyaaradaas iyadoo Syriyana ay qeyb ka qaadaneyso.

Dowlada Syria ayaa horay u sheegtay ineey iyada soo riday diyaarad dagaal oo laga lahaay Turkiga kadib markii kusoo xadgudubtay ciida Syria.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa shalay sheegay in diyaarad nuuceedu yahay AF4 shalay laga waayay shaashadaha raadaarka xuduuda ay wadaagaan Turkiga iyo Syria.

garable.com
muxudin diini fiidow

ISIMADDA SOOMAALILAND OO KASOO HORJEESTAY QODOBADII KASOO BAXAY SHIRKII LONDON



Boqor Cabdi Boqor Axmed Salaad oo kamid ah isimadda kasoo jeeda maamulka Soomaaliland oo la hadlay garable.com ayaa wuxuu sheegay in qodobadii kasoo baxay shirkii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ku dhexmaray dalka ingiriiska uu yahay wax aan u cun tamin dadka reer Soomaaliland.

Wuxuu sheegay in shirka ku soo dhamaaday dalka ingiriiska uu yahay mid meesha ka saaraya jiritaanka shacabka reer Soomaaliland iyo gooni isu taaagooda.

Boqor Cabdi Boqor Axmed Salaad ayaa sheegay in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu dafirayo xaqa ay leeyihiin shacabka reer Soomaaliland isaga oo tilmaamay inuu kasoo horjeedo kulanka la qorshaynayo ee ay kulmayaan Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland.


Boqor Cabdi Boqor Axmed Salaad ayaa sheegay in taladiisu ay tahay in Soomaalilya iyo maamulka Soomaaliland ay noqdaan laba dowladood oo kala madaxbanaan laakiin uu tilmaamay in meesha aysan ka baxayn xiriirka labada dhinac iyo wada shaqeynta.

Wuxuu tusaale ahaan usoo qaatay dowladda Jabuuti oo uu sheegay inay tahay dowladd madaxbanaan sidaasi oo kalena maamulka Soomaaliland ay doonayaan.

Dhawaan ayaa shirkii kusoo dhamaaday dalka ingiriiska oo ay yeesheen maamulka Soomaaliland iyo dowladda Soomaaliya waxaa kasoo baxay qodobo dhowr ah oo muujinaya ifafaalo isu soo dhawaansho dhexmara maamulka Soomaaliland iyo Soomaaliya maadaama maamulka Soomaaliland ay sheegeen inay Soomaaliya inteeda kale ka madaxbanaan yihiin

garable.com
muxudin diini fiidow

Daawo Sawirada:Gudoomiye Tarsan “Waxaan Berlin u imid inaan iibiyo Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa casuumaad uu ka helay Duqa magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ku yimid maalinnimadii Arbacadii, halkaasi oo uu kulamo kala duwan uu kula yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan dalka Jarmalka.
Casuumaadaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hey’adda FESGermany oo ah Hey’ad caawisa Dunida 3-aad, wuxuuna Duqa Muqdisho mudadii uu joogay kulamo kala duwan uu la qaatay saraakiil ka socotay Wasaaraddaha Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Xildhibaano ka tirsan Xisbiga SPD iyo Jaaliyaddaha dibada ee dalalka Germany, Holland iyo Norwey.
Guddoomiye Tarsan ayaa sheegay in sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay ka danbeysay casuumaad uu ka helay Duqa magaalada Berlin si buu yiri loo mataaneeyo labada magaalo ee Muqdisho iyo Berlin, isagoo intaa raaciyay in xubnihii uu la hadlay ay ka wada hadleen sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa magaalada Muqdisho iyo soo celinta adeegyadii asaasiga u ahaa Nolosha.
“Waxaan halkan u imid inaan iibiyo Muqdisho, macnaha iibintana ha u fahmina iney tahay mid kale ee waa inaan caalamka ku soo jeediyo horumarka iyo dadaalada nabadeed ee ka jira Gobolka, waxaana naga go’an inaan caasimad walba oo caalamka ka tirsan xiriiro la sameyno” ayuu yiri Tarsan.
Tarsan wuxuu sheegay in uu ka rajeynayo in dib loo howlgeliyo goobihii Dowladda Germany ay gacanta ku heysay sida xaruntii Tababarka farsamada, adeegii biyaha ee GTZ, Tababaro shaqo oo dhalinyarada loo sameynayo iyo in ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ay helaan tababar.
Dr. Goloszinski oo ah Guddoomiyaha FESGermany oo ugu mahad celiyay Duqa Muqdisho booqashada uu ku yimid Berlin ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay y taageeri lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo booqashadani ku tilmaamay mid wax badan ka qaban doonto xiriirka labada dhinac.
Asli Axmed Maxamed oo iyadana ururkani u qaabilsan Soomaalida ayaa sheegtay Ururkooda uu u istaagay sidii Dowladda Jermany ugu dhaadhicin lahaayeen isbadalka iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta Muqdisho, taasoo ka danbeysay in ka shaqeeyaan casuumaad uu Guddoomiyaha Gobolka uu ku yimaado Berlin.
Asli waxay sheegtay in waxyaabihii laga wada hadlay dhamaan ay noqon doonaan kuwo wax ku ool ah oo horumarka dalka ay qeyb ka qaadan doonto, iyadoo rajeysay in wax badan ay kusoo kordhin doonto booqashada Guddoomiyaha Gobolka uu ku yimid Berlin xiriirla labada magaalo.
Dhinaca kale mudadii uu ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka ahna duqa Muqdisho Tarsan wuxuu kulamo uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Germany, Norwey iyo Holland, halkaasi oo la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku aadan sidii jaaliyadaha ugu qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo horumarka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Xubnihii kasoo qeybgalay kulamo looga doodayay xaaladda Muqdisho iyo sida ay ugu qeyb qaadan karaan jaaliyaddaha dibada dadaalada nabadeed iyo dib u dhis Muqdisho ayaa waxay soo jeediyeen in si dhab ah looga shaqeeyo marka hore amaanka, waxayna ku amaaneen Duqa Muqdisho dadaalada horumarineed ee uu ka wado Gobolka Banaadir.
Md. Tarsan ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu ugu sii gudbi doono magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.
garable.com muxudin diini fiidow









Friday, 22 June 2012

Daawo Sawirada ‘Shirkii Saxiixayaasha Road Map-ka oo lasoo gaba gabeeyay iyo Baaq Wadajir ah oo laga soo saaray

Saxiixayaasha khariidada dhameystirka kumeelgaarka Soomaaliya, waxay kulan ku yeesheenNairobi, Kenya laga bilaabo 20 ilaa iyo 22 June, 2012 si ay wadaxaajood dheeraad ah uga sameeyaan higelinta khariidada dhameystirka kumeelgaarka Soomaaliya. So gaar ah waxay diiradda u saareen sidii hoey loogu dhigi laa hifelinta waxyaabihii ay ku heshiiyeen shirkii Addis Ababa, Thiopia, ee 21dii ilaa 23dii May kaasoo looga gol lahaa dedejinta tubta nabadda.Shirka waxaa sahashay Quruumaha midoobay, gaar ahaan u qaybsanaha arrimaha Somalia ee Xoghayaha Qaramada Midoobay, Danjire Augustine P. Mahiga.

Shirka Nairobi waxaa ka soo qaybgala Madaxda Saxiixayaasha Khariidada (Roadmap Signatories), sida Mudane Sheikh Sharif Sheikh Axmed, Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah (DFKMG) ee Somalia; Mudane Sharif Xassan Sheikh Adan, Af-hayeenka Baarlammanka DFKMG ah ee Somalia,mudane Cabdiweli Maxamed Cali, Rai’sul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya; Mudane Cabdiraxman Maxamed Maxamud (Farole), Madaxweynaha Dowladda Puntland; Mudane Maxamed Axmed Caalin, Madaxweynaha Galmudug; iyo Sheikh Maxamed Maxamud Yusuf (Aw’Libaax), Wakiilka Ururka Ahlu Sunna Wal Jama’a.. Protokoolada Dhameystirka Kumeelgaarka:

a) Saxiixayaasha Khariidada Dhameystirka Xilliga KMG ah markay ka doodeen dib-u-eegidna ku sameeyeen dhameystirka KMG ah oo ay kasoo shaqeeyeen Guddiga Farsmo ee Dib-u-eegidda

Dastuurka ee lagu soo dhisay heshiiskii Addis Ababa ee qabsiimay

May 21-23, 2012.

Sidaa darted Saxiixayaashu waxay isku raaceen saxiixeena qodobada soo socda:

1. Protokoolka Guddiga Farsamo ee soo xulidda xubnaha

baarlamaanka

2. Protokoolka dhisaya Guddiga sahlaya socodsiinta

hawlaha Farsamo (Technical Facilitation Committee)

3. Protokoolka dhisaya Ergeda Golaha Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly)

4. Protokoolka dhisaya Baarlamaanka Federaalka ee Qaranka Somalia (National Federal Parliament)

Sidoo kale, Madaxweynaha DFKMG ah wuxuu saxiixay Xeer ay goobjoog ka yihiin dhammaan Saxiixayaasha, Xeerkaasoo ogolaanaya Protokoolada kor ku xusan oo dhisaya nidaam sharci ah oo lagu dhamaystiro geedisocodka Dastuurka Somalia iyadoo loo marayo ansixin ku meel gaar ah (provisional adoption) ee Dastuurka Somalia oo ay u codeenayaan Ergada Ansixinta Dastuurka.

2. Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah

Saxiixayaasha ayaa si wadajir ah u saxiixay nuqulkii ugu dambeeyey ee Qabyo-Qoraalka Dastuurka KMG ah oo ay soo dhamaystireen Guddiga Farsamo ee Dib-u-Eegida Dastuurka (Technical Revision Committee) ee Addis Ababa. Kani hadda, waxaa weeye, Dastuur KMG ah ee Somalia. Guddiga kor ku xusan magaciisa waxaa loo badalay Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), waxaana Gudoominaya Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFKMG ah.

Inta aan Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah la hordhigin Ergada Ansixinta Dastuurka, Hey’adda IFCC ayaa qaban doonta wacyi-gelin si loo kordhiyo aqoonta Dadweynaha ee arrimaha Dastuurka KMG ah, wacyigalin taasoo qaadan doonta muddo dhan 4-berri. IFCC ayaa Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah dib ugu celin doonto Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), Guddigaasoo ah Guddiga leh mas’uuliyadda u bandhigidda Ergada Ansixinta ee Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah.

3. Ergada Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly)

Shirweynaha Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa furmi doona 12 July 2012 wuxuuna soo xirmi doonaa 20 July 2012. Ergada Ansixinta Dastuurka waxaa la kala dirayaa markii ay soo gabogabeeyaan codeynta ansixinta KMG ah ee Qabyo-qoraalka Dastuurka, ka hor inta aan loogu soo bandhigin Dadweynaha Soomaaliyeed cod-bixin toos ah.

4. Dhisida Guddiyada Dhamaystirka Xilliga KMG ah

Sida ku xusan Heshiiskii Addis Ababa, xubnaha Guddiyada hoos ku qoran ayaa la magacaabay:

a) Guddiga Farsamo ee Xulida (Technical Selection Committee)

b) Guddiga Dhexdhexaadinta Odayaal-Dhaqameedka (Elders Arbitration Committee)

c) Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee)

d) Xafiiska Xiriirinta ee Saxiixeyaasha (Roadmap Signatories Coordination Office)

Magacyada xubnaha Guddiyada kor ku xusan waxaa lagu soo uruurin doonaa Dowladda Federaalka KMG oo si dhaqso ah ugu soo bandhigi doonto Dadweynaha Somaaliyeed.

5. Wakhtiga ka dhiman Xilliga KMG ah

Saxiixayaasha ayaa si wadajir ugu heelan inay ilaaliyaan wakhtiga kama dambaysta ah ee lagu go’aamiyey Heshiiskii Addis Ababa waxayna si wadajir ah u go’aansadeen in la dhamaystiro Xilliga KMG ah iyo in la hirgaliyo hanaan siyaasadeed oo cusub oo waafaqsan Dastuurka KMG ah oo ay u codeeyeen Ergada Ansixinta Dastuurka.






garable.com  muxudin diini fiidow

Dagaalo Culus oo lagu Dilay Mid kamid ah Saraakiisha Ciidanka Dowlada oo ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha

Waxaa Maanta Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Xarakada Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya uu ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho.Dagaalka ayaa Yimid kadib markii Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab Weerar qorsheesan ku qaadeen gawaari sahay u sisay Ciidanka Dowlada KMG oo xiligaasi marayay halka loo yaqaan Quraca Dhimbil oo katirsan Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho.Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku dhintay Taliyaha Ciidanka Dowlada ee Deegaanka Ceelasha Biyaha Ninka lagu Magacaabo Afrax Cali Afrax kaa oo la sheegay in uu ku dhintay Dagaalka Maanta ka dhacay Ceelasha Biyaha.

Saraakiil Shabaab u hadashay ayaa waxa ay sheegeen in Dagaalka Maanta Ku dileen Taliyihii Ceelasha Biyaha ee Dowlada KMG Afrax Cali Afrax iyagoo sidoo kale Shabaab sheegeen in Dagaalka ku dileen Rag kale Gawaarina ku qabsadeen.

Dowlada KMG ee Soomaaliya dhankooda kama aysan hadlin Weerarkan Maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee lagu Dilay Sargaal sare oo katirsan Ciidanka Dowlada KMG ee Soomaaliya.

garable.com
muxudin diini fiidow

Deg deg:Dowlada KMG oo Degaano muhiim ah ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lawareegtay


Ayadoo Ciidamada Dowlada Somaliya oo kabayaan kuwa Amisom kusii gur guuranayaan Degaano hor leh oo katirsan Gobolka Shabeellaha dhexe aya gacanta ugashay degaano muhiim oo hore ugu sugnayeen Kooxdii Shabaab.
Degaanada laxaqiijiye Ciidamada dowlada lawaregeen oo kabayaan kuwa Amisom aya kamid ah Dakadda Ceel Macaan ,Garoonka Cisaley iyo deegaano kale oo katirsan Gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Maxamed Mahmuud Saney oo kamid ah saraakiisha hogaamineyso dagaalka aya sheegay in gacanta kudhigeen Garoonka Cisaley iyo Dakada Macmalka ah ee Ceel Macaan walibana kusii wajahanyihin gooba horleh
Taliyaha ayaa intaa ku daray in ay Dagaalka ku dileen 10-Nin oo katirsan Al-Shabaab sidoo kale ay la wareegeen Hubkii ay wateen.
Ugu danbeyntii Al-Shabaab wali dhankooda kama aysan hadlin Deegaanadan Cusub ee maanta lagala wareegay ,waxa ayna arintaan kusoo beegmaysaa xili ay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM wadaan dar dar ay deegaano Cusub kula wareegayaan

garable.com
muxudin diini fiidow

Ma isleedahay Magaalada Muqdisho Daaro sidaan u Qurux Badan ayaa ku yaala (Daawo Quruxda Muqdisho)

Magaalada Muqdisho ayaa hada heshay jawi nabadeed iyo xasilooni ,taasina ay keentay in Magaalada uu ku timaado isbadal dhinaca dadka iyo sidoo kale dhismayaasha iyadoona dadkii ka barakacay intooda badan Magaalada kusoo laabteeMarkaad dhaxmareyso Degmo walbo oo katirsan Magaalada Muqdisho waxaa kuu muuqanaya ififaalo nabadeed iyadoona Degmo walbaahi ay kasocdaan Dhisida Dhismayaal iyo guryo qurux badan taa oo wax badan ka badashay bilicda Magaalada.Hal sano kahor Magaalada Muqdisho waxa ay muuqaalkeeda mid aan indhahaga u rooneen mid laga samray oo dhismo ka quusatay iyadoona dhulka la dhigay dhismayaashii hore kuwa cusub oo la dhiso warkeed iskaba daayee.

Hasa ahaatee hada Magaalada waxaa la dhisayaa dhismayala Qurux badan oo dabaqyo u badan lagana dhisayo goobo istaraatiiji ah iyadoona Dhisamyaal horey looga quustay qabyna ahaa hada gabi ahaan lawada dhameestiray lagana dhigay guryo qurux badan iyo Hoteelo waa weyn.

Waxa asidoo kale Biyaanooyin Dheeraad ah lagu kordhiyay Dabaqyadii horey u dhisnaa laguna sameeyay dayactir iyo isbadal dhinacyo badan iyadoona hada ay noqdeen kuwa indhahaaga aysan ka jeesaneyn.

Markii aad timaado Muqdisho waxa ay nafsadada dareemeysaa dareen ka badalan tii hore aad ku ogeed waxaan magaalada Sanad kadib hadii ay sidaan kusii sovoto la mid noqon doonta insha Allah Caasimadaha Dunida oo kale iyadoona ay hada socdaan barnaamijyo Caasimada lagu hormarinayo iyadoona dhawaan qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho laga hirgaliyay tabeelayaal Nalal ku shaqeeya Ileyska qorxada sidoo kale laamiyana ay dhismo ku socdaan.

Isku soo duuboo Muqdisho ayaa hada ah Magaalada nabdoon oo wax badan ka badalan sidii hore iyadoona aan idin balan qaadeeno in aan idin soo gudib doono Quruxda Magaalad iyo Dhismayaasha Quruxda badan ee dhawaan laga hirgaliyay hadii rabi qadaro
































· garable.com muxudin diini fiidow