Friday, 1 June 2012

CIIDAMADII UGU HOREEYEY EE KA SOCDA AMISOM OO MAANTA LA GEEYEY MAGAALADA BALADWEYNE

 

Ciidamadii ugu horeeyey ee ka socda AMISOM oo maanta gaaray magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Sida goordhow websida wabarimedia.com ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyey duqa Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan Cusmaan Barre Maxamed, waxaa maanta gaaray magaaladaasi Baladweyne Cutubyo ka tirsan Ciidamada AMISOM kuwaas oo ka socda Dowladda Jabuuti.

Cusmaan Barre Maxamed wuxuu sheegay in ciidamada maanta gaaray magaalada Baladweyne ay yihiin kuwo horudhac ah islamarkana horay ay halkaasi ugu sugnaayeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Jabuuti maanta ay gaareen ciidamo ka socda DowladdaJabuuti.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Ciidamadaasi hubka tiradooda iyo hubka ay wataan ay tahay sir militari islamarkaana aan warbaahinta uu san u sheegayn, balse wuxuu Risaala u xaqiijiyey in ciidamada AMISOM qeybtoodii ugu horeysay ay tageen magaalada Baladweyne.

Mar aan weydiinay Ciidamadaas halka ay ka yimaadeen ayuu ku gaabsaday "Dalkoodii hooyo ee Jabuuti ayey ka yimadaadeen, Dalkoodii Hooyana waa yimaadeen."

Wuxuu hadalkiisa intaa ku daray in Ciidamadaas oo ay hogaaminayaan sakaariil ciidan oo ka socda Dowladda Jabuuti isagoo sheegay in la dajiyey goobo loo diyaariyey oo uusan carabaabin.

Dad ku sugan magaalada Baladweyne oo aan xiriir la samaynay ayaa inoo xaqiijiyey in Ciidamadaas ay tiro ahaan gaarayaan in kabadan 100 Askari islamarkaana ay keentay diyaarad Milatari.

Waa markii ugu horeysay oo Ciidamada ka socda AMISOM ay gaaraan Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne ee xarunta u ah gobolkaasi
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment