Friday, 1 June 2012

DAAWO SAWIRADA XEEBTA LIIDO OO MAANTA AY USOO DAMAASHAAD TAGEEN DADKII UGU BADNAA



Xeebta Liido ayaa maanta oo jimco ah waxay ay aheyd mid dad badan ay usoo Damaashaad tageen ,waxaana xeebta ay noqotay mid marba marka ka Danbeysa ay dadka kusoo badanayeen.

Ammaanka xeebta oo aad loo adkeeyay iyo xeebta oo yeelatay doomo dadka soo badbaadiya ayaana ugu wacan in dadka ay usoo damaashaad tagaan jimco walba xeebtaasi.
Sidoo kale iyadoo ardayda iskuulada ay u xeran yihiin dugsiyadooda ayaa waxaa maanta la arkayay dhalinyaro badan oo badda ku dabaalanaya.
Maamulka Gobalka banaadir ayaa dodobaadkii la soo dhafay soo bandhigay doomo lagu badbaadiyo dadka u soo damashaad taga xeebta liido iyadoo maanta dooomahaasi dadka badbaadiya ay soo badbaadiyeen mid ka mid ah dhalintii xeebta ku damaashaadaysay.
Badda ayaa maanta aad u kacsaneyd iyadoona la arkayay doomaha dadka soo badbaadiyo oo gaaf wareegaya xeebta afkeeda hore.
Daawo Sawirada













































































muxudin diini fiidow

garable.com

No comments:

Post a Comment