Friday, 1 June 2012

SHIRKA KA SOCONAYA DALKA TURKIGA OO MAALINTII LABAAD GALAY LOOGANA HADLAYO ARRIMO DHOWR AH



Shirka ka soconaya Magaalada Istambuul ee Xarunta Dalka Turkiga oo maalintiisii labaad galay ayaa maanta waxyaaba looga hadlayo waxaa qeyb ka ah arrimaha habraaca marxaladda kala guurka ee (Roadmap-ka).
Shirkan oo ah mid caalami ah maalintii shalay ayuu si rasmi ah kaga furmay magaalada Istambuul ee wadanka Turkiga, wuxuuna daba socdaa shirkii 23-kii February ee sanadkan lagu qabtay magaalada Lodon ee dalka Ingiriiska.

Waxaa shirka ka qeyb galaya 54-dowladood oo ka mid ah dowlaha daneeya arrimaha Soomaaliya, hay’ado Caalami ah iyo dhinacyada Siyaasadda Soomaalida.

Shirkan markii uu shalay furmay waxaa looga hadlay arrimo badan oo la xiriira arrimaha bini’aadanimada, warshadaha iyo arrimo kale balse maanta ayaa lagu wadaa in looga hadlo habraaca marxaladda kala guurka ee (Roadmap-ka), Siyaasadda Soomaaliya, waxyaabaha u qabsoomay Dowladda iyo waxyaabaha loo baahan yahay in la sii dhameystiro oo beesha caalamka ay gacan ka geysato.

Warar kale ayaa sheegaya in dowladda Turkiga ay dooneyso in xal laga gaaro Mastaqbal Dalka Soomaaliya, kumeel gaarnimada marka laga boxo sida ay Soomaaliya noqon doonto, waxaana dowladda Turkiga arrimahaas kala tashanaysaa QM, hay’adaha Caalamiga ah iyo Dowlaha Daneeya arrimaha Soomaaliya.

Shirka oo ah mid maalintii labaad galay islamarkaana ka socona magaalada Istambuul ee Dalkaasi Turkiga wixii ka soo baxa waan idiin soo gubin doonaa inshaa Allaah
garable.com
muxudin diini fiidow

No comments:

Post a Comment