
Xaaladda degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa saakay deggan, ciidammada dowladda iyo kuwa Kenya ayaana illaa shalay baaritaanno ka waday, Afhayeenka ciidammada dowladda ee gobollada Jubbooyinka Maxamed Faarax ayaa sheegay iney kusii jeedaan magaalooyinka kale oo muhiim u ah xaqiijinta gacan ku haynta guud ahaan gobollada Jubbooyinka, sida Kismaayo, Bu’aale, Jilib iyo kuwa kale.
Kooxda Al-Shabaab oo sida caadada u ahba si tartiib tartiib ah uga sii ruqaansata magaalooyinka ay ku sugan yihiin marka uu soo fuulo culeys military ayaa haatan billaabay iney rartaan qaar ka mid ah qalabkoodii u yiilay magaalada Kismaayo sid ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan gudaha magaalada, kaddib markii ciidammada dowladda oo kaashanaya kuwa Kenya ay xaqiijiyeen gacan ku haynta degmda Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose,.
Dhaq dhaqaaqan oo si cad looga dareemayo magaalada Kismaayo ayaa dadka deegaanka waxay indhahooda ku arkeen qaar ka mid ah gaadiidka xamuulka oo ay malleeshiyada Al-Shabaab ku guurayaan, gaar ahaan xilliga habeenkii, qof ka mid ah dadka ku nool bartamaha magaalada ayaa Radio muqdisho u sheegay inuu arkay qalabkii Idaacadda ku hadasha afkooda oo dhulka la dhiggay, iyadoo geeddiganna ay qeybka yihiin caa’ilada horjoogayaasha Al-shabaab kuwaasoo laga fogeynayo deegaannada ay ku soo dhowaadeen gulufka colaadeed.
waxaana tani marqaati cad u tahay sida aysan Al-Shabaab dan uga lahayn maatida kale ee ku dhaqan magaalada, kuwaasoo mararka qaarkood ay ku qasbaan dadka rayidka ah ineysan barakicin marka ay cabsi dareemaan.
Malleeshiyada al-Shabaab oo xaalkoodu jahwareer u muuqdo ayaa waxaa dhowaan laga fara maroojiyey deegaanno hoos taga gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku jirto degmada istaraatiijiga ah ee Afgooye, hal kaasoo ay hawada ka baxday Idaacaddii baahineysay danahooda gurracan isla markaasna sida qasabka ah dhagaha shacabka loogu shubi jiray warar aysan dhageysigooda xamili Karin.
Maxamed Faarax Cali (Al-Ansaari) oo horey uga mid ahaa saraakiisha Al-Shabaab, goor sii horeysayna ku soo biiray dowladda Soomaaliya ayaa ka warramay Istaraatiijiyada qabsashada ciidammada dowladda ee degmada Afmadow, waxa uuna sheegay in degmadaasi ay kulmiso waddooyin badan ay ku safraan Al-Qaacidada Soomaaliya iyo soo duullayaasha ah, basle hadda arrintaasi ay meesha ka baxday.
horey Xildhibaan Cabdi Buulle Xuseen oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka ayaa soo dhoweeyey horumarrada military ee laga gaaray gobolladaasi.
Dhinaca kale, waxaa xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin haraadiga Al-Shabaab, iyadoo maagaaladaasi ay labada dhinac kaabiga kaga hayaan ciidammada dowladda, dhinaca gobolka Gedo ilaa 30-km ayeey ciidammada u jiraan magaalada Baardheere, halka dhinaca Baay-na ay ciidammada dowladdu wax ka yar 50-km u jiraan Baardheere.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment