Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Reccep Tayyib Erdogan, iyadoo uu soo dhamaaday shirkii Istanbul ee looga hadlayay Mustaqbalka Soomaaliya, kaasoo lagu wado in saacadaha soo socda laga soo saaro war murtiyeed.
Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Reccep Tayyib Erdogan ayaa furay shirkii Istanbul, oo looga hadlayay maalintiisa labaad Siyaasada iyo Ammaanka, isagoo ku baaqay Mr Erdigan in Soomaaliya aan meel cidlo ah looga tagi karin, isla markaana u baahan tahay taageero caalami ah.
Kulanka Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaaraha Turkiga oo dhacay ka hor inta uusan shirka furmin ayay isku soo qaadeen sii xoojinta xiriirka labada dal, isagoo Madaxweynuhu uga mahadceliyay Turkiga taageerada uu la garab taagan yahay shacabka Soomaaliya.
Ra'iisul Wasaaraha Turkiga ayaa sheegay inay gacan ka geysanayaan sidii Hey'adaha dowladda ay u taageeri lahaayeen, isla markaana ay dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ka dhisayaan, waxaana uu xusay in dalkiisa qeyb weyn ka qaadanayo dib u dhiska Soomaaliya.
Shirka Istanbul II oo ahaa shirkii u horeeyay noociisa ee dibada lagu qabto ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa 54 dowladood, iyadoo shirkan ahmiyad lagu saarayay dhinaca horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan Biyaha, Korontada, dhismaha wadooyinka
garagle.com muxudin diini fiidow

No comments:
Post a Comment