Addis Ababa Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay gar gaar aadminnimo oo deg deg ah ay la gaari doonto dadkii dhawaantan ka barakacay deeganada ku yaala duleedka magalada Muqdisho, kuwaas oo xilligan dhibaatooyin kala duwan ay ku heystaan qeybo ka mid ah Muqdisho.
garable.com
muxudin diini fiidow
Ka dib war saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay UNHCR ayaa waxa ay ku sheegtay in ku dhawaad 10-kun oo qof oo ka soo barakacay dagaaladii ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ay doonayso in ay soo gaar siiso gurmad deg deg ah.
UNHCR ayaa sheegtay in dad badan oo ku noolaa deegaanada duleedka Muqdisho ku yaala ay u kala firxadeen gobolada ay is leeyihiin waa ay xasiloon yihiin, iyadoo magaalada Muqdish ay soo gaareen ku dhawaad 10-kun oo qof kuwaas oo u baahan caawinaad, waxaana ay ugu baaqday beesha caalamka in ay kala qeyb qaataan dib u dajinta dadkaasi iyo u fidinta gurmad deg deg ah.
Ha’adda ayaa tilmaamatay in dadkaasi aanay heysan agab yada aasaasiga u ah nolosha aadanaha sida dharka, goobo ay jiiftaan, agabka wax lagu karsado iyo qalab ay biyaha ku dhaansadaangarable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment