Friday, 1 June 2012

Pro: Cabdi Ismaaciil Samater oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed ayaa ka digay in la maja xaabiyo Shirka ka soconaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaasi oo looga hadalyo Mustaqbal
Soomaaliya. 
Cabdi Ismaaciil Samater oo wareysi siinayay websida wabarimedia.com isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxa uu shegeegay in shirka Istanbul uu yahay mid looga hadlayo masiirka iyo aayaha danbe ee wadanka Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in dowladda Turkigu ay tahay dowladdii ugu horeysay ee caawinaad deg deg ah la soo gaartay dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateesnaa guud ahaan dalka, islamarkaana ay wax weyn ka qabtay dhibaatooyinkii bini’aadannimo ee ka jiray dalka. 
Pro: Cabdi Ismaaciil Samater ayaa waxa uu tibaaxay in ay jiraan dowladdo maja xaabinaya sida uu halaka u dhigay masiirka iyo aayaha danbe ee Soomaaliya, waxana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay is ku duubnaadaan si looga gudbo dhibaatooyinkaasi, islamarkaana ay ka tashtaan mustabalka dalkooda. 
Isgoo hadalkiis sii wata Pro: Cabdi Ismaaciil Samater ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan dowladdo aan doonayn in marnaba dalka Soomaaliya uu hormar sameeyo, waxaana uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay si loogu gudbo arimaahaasi  isku duubni iyo midnimo ay la yimaadaan shacbiga Soomaaliyeed. 
Hadalka Pro: Cabdi Ismaaciil Samater ayaa imaanaya xilli siyaasiyiin,ganacsato,odoyaal dhaqameed iyo hogamiyayaal caalamka ka socda uu shir uga soconayo maalintii labaad magaalada Istanbu ee dalka Turkiga, kaasi oo looga hadlayo Mustaqabalka Soomaaliya.

No comments:

Post a Comment