Ismaaciil Hurre Buubaa oo isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya la hadlay websida wabarimedia ayaa wuxuu sheegay in fikir ahaan Somaliland haddii ay isaga baxaan Shirka Istabuul sida ay sheegeen aysan waxba u dhimaynin habsami u socodka Shirkaasi.
Sidoo kale wuxuu sheegay siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa in mar haddii Maamulka Somaliland ay go’aansadeen inay yimaadaan Shirka Istambuul ay si caadi ah u dhameystaan, isagoo intaa ku daray inay wanaagsantahay inay ku adkeystaan go’aankooda maadaama ay ka soo qeyb galeen shirka, gabagabadiisana ay qodobo kasoo bixi doonaan.
Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uu horay u soo qabtay xilka wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dalka Soomaaliya.
Si kastaba maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga baxayo shirka maalintii labaad ka soconaya magaalada Istambuul ee Xarunta dalka Turkiga iyagoo maalintii shalayna ka qeyb galay, waxayna ku macneeyeen ka bixitaanka shirka in looga hadlayo arrimo aanan quseynin Somaliland sida ay sheegeen.
garable.com
muxudin diini fiidow
No comments:
Post a Comment