Monday, 17 September 2012

HADALKII KA SOO YEEREY ONGERI OO SI KULUL LOOGU JAWAABEY


Hadalkii maanta kasoo yeeray Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Sam Ongeri ayaa waxaa naqdiyey xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Kenya oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Afeey.
Wasiirul qaarijiyaha Kenya Ongeri ayaa hadal uu maanta siiyey wargeyska Dialy Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ku sheegay in qaraxyadi ka dhacay todobaadki hore HHotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho mid uu ka danbeeyey madaxweynihi hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaan Afeey oo ka mid ahaa wafdigi Kenya ee maalintaasi ku sugnaa hotelka uu qaraxa ka dhacay ayaa hadal uu caawa siiyey wargeyska Dialy Nation isaga oo ku sugan magaalada Brusseles ee dalka Belgium ku sheegay in warka Sam Ongeri uu yahay mid aanan laga fiirsan oo aad u liita.

Wuxuu ku tilmaamay warkaasi mid lagu qasayo dowlada cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo intaasi sii raaciyey in ay tahay afganbi diblamaasi oo aanan geed loogu soo gaban.

“Waa afganbi dibalamaasi oo cad iyo in lagu qaso dowlada cusub ee Soomaaliya, waad ogtihiin in Al Shabaab ay mar hore sheegatay qaraxaasi, dhamaanteen waan ognahay in falkaasi uu yahay nooc ay kasoo shaqeeyeen danbiilayaal, laakin inuu Ongeri yiraahdo Sheekh Sharif ayaa ka danbeeyey isaga oo daliishanaya inuu hotelka yimid qaraxa in yar kadib runtii taasi waa mas,uuliyada darro,” ayuu yiriMr Affey.

Xildhibaan Affey oo laga soo doorto gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ee ay Soomaalida dagto, sidoo kalana mar ahaa safiirka Kenya ee Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Sheikh Sharrif uu u yimid hotelka qaraxa kadib isaga oo ka walaacsanaa weeraradaasi.

“(Sheikh Sharrif) wuxuu noogu yimid hotelka marki uu maqlay inuu weerar dhacay halkaas oo aan wafdiga uu hogaaminayey Mr Ongeri kulan kula laheyn madaxweynaha, naxariis ayey ka aheyd qaar badan oo naga mid ahna aad ayey ugu farxeen marka makula tahay inuu waxaas sameynayo qof sidaasi u dadaalay, waxaan leeyahay wasiirka si taxadar leh ha uga hadlo arrimaha ku lugta leh Soomaaliya,” ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya ayaa war uu maanta shaaciyey ku sheegay in Sheekh Sharif doorashadi ka hor uu ka codsaday dowlada Kenya gaar ahaana ay isaga mudo hal saac iyo nus wada hadleen in taageero uu kursiga ugu soo laabto ay siiso Kenya, balse uu u sheegay in Kenya aysan musharaxna taageeri doonin.

Waxa kale oo uu sheegay in marki qaraxu dhacay uu markiiba yimid isaga oo aysan ka muuqan wax naxdin ah, isaga oo intaasi sii raaciyey in markiiba ay isla soo kulmeen qaraxyada iyo xiligi uu Shariif tagay hotelka taasi oo uu u fasiray inuu lug ku lahaa arrimahasai.

Warkaan ayaa xumeyn kara calaaqaadka diblamaasiyadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, xilli Kenya ay ciidamo ka joogaan koonfurta Soomaaliya.

Wali wax war ah kama aysan dhihin Dowlada cusub ee Soomaaliya hadalka wasiirka arrimaha dibada Kenya.


wabarimedia.com

TASHIYO KU AADAN RAY'IISUL WASAARAHA CIDA NOQONEYSA OO KA SOCDA VILLA.


axdi ayay aheyd markii si rasmi ah xilka Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya uu dalka ula wareegay,wixii markaasi ka bilowdey waxaa uu bilaabay Madaxweynah cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud kulamo gaar gaar ah oo uu tashi kaga sameysanayo cida laga dhigayo Ray'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wixii ka bilowday 9:00 subaxnimo ee maanta ayaa waxaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ka bilowday kulamo gaar gaar ah oo madaxweynah la sameynayo Xildhibaano,Siyaasiyin,Culmada Soomaaliyeed iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu heystaa mudo 30-casha ah inuu gudaheeda kusoo magacaabo ray'iisul wasaare cusub oo badala C/wali Maxamed Cali Gaas oo hada xafiiska sii jooga,waxaana kulamada tashiyada ah diirada uu ku saarayaa Madaxweynaha Arintaasi.

Waxaa lagu arkayay iridka hore ee Villa Soomaaliya Xildhibaano halkaasi sii galaya iyo kuwo kale oo ka baxaya si markaas Madaxweynaha kala tashto cida ay u arkaan inuu noqdo Wasiirka koowaad ee Xukuumada soo socda ee aan KMG aheyn.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in kulamada gaar gaarka ah ee ka socda Villa Soomaaliya ay joog joog ka yihiin Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan jawaari iyo labadiisa ku xigeen,waxaana aan la saadalin karin cida noqon doonta Ray'iisul wasaaraha cusub.


wabarimedia.com

TARSAN OO KA WALWALSAN IN XILKIISA LAGA QAADO.


Warar hoose aanu heleyno ayaa muujinaya in Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed nuur Tarsan laga yaabo in xilkaas laga qaado.
Waxaa jira warar sheegaya in mid kamid ah Musharxiintii utaagnaa xilka madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo inuu noqdo gudoomiyaha gobolka BANAADIR.

Ninkan waa C/Qadir Cali Cosoble oo ahaa Musharax utaagnaa xilka madaxweynaha Soomaaliya kaas oo isbahaysi dhow la yeeshay madaxweynaha haatan Xasan Sh Maxamuud.

Waa Aqoonyahan hadane ganacsade ah kana soo jeeda gobolka Banaadir, waxaana jira warar la xariirinaya inuu qabto jagadaas.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in C/Qadir Cosoble uu kulamo la qaatay madaxweynaha cusub isla markaana ay isla garteen in jagadaas loo dhiibo.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu yaraan ka warqabay inuu ku imaan doono isbadal waana taas sababta uu unoqday xildhibaan katirsan barlamaanka Soomaaliya.

Tarsan ayaa ahaa taageerihii ugu weynaa ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed.


wabarimedia.com

Thursday, 13 September 2012

Halkaan ka daawo Qarixii shalay ka dhacay hotel jasiira oo madaxweynah video



Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan ugu soo gudbineynaa Video laga soo duubay markii uu qaraxa dhacayay oo uu soo qaaday Telefishanka Al-Jazeera laantiisa afka Ingiriiska.Qaraxaas oo ay sheegeen ciidamada AMISOM inay fashiliyeen, kaddib markii laba nin oo walxaha qarxa soo xirtay ay isku dayeen inay gudaha u galaan Hotelka Jasiira ee uu ku sugnaa Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaasi shir kula qaadanayay Wasiirka arrimaha dibadda Kenya.


halkaan kadaawo




wabarimedia.com

Tuesday, 4 September 2012

Dowladaha Reer Galbeedka oo la yaabay 70- Musharax ee Soomaaliya

wararka naga soo gaaraya magaala madaxda kenya nairobi Dibulumaasiyiinta Dowladaha Reer Galbeedka ee ku sugan Magaalada Nairobi ayaa la yaab ku tilmaamay musharixiinta u Tartamaya xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya.

Diblamaasiyiin u dhashay Dowladaha Reer Galbeed oo ku sugan Dalka Kenya aya ala yaabay musharixiintan gaaraysa ilaa 70 ka ee is dhinac ordaya meesha ay lacagta ka keenaan, waxaana la sheegay in loo saaray Gudi baara arintan.

Waxay sheegeen in ay ka wal walsanyihiin musharixiintan in ay Xiriir dhaw la leeyihiin Burcadbadeeda iyo alshabaab.

Hadalkan ayaa imaanaya xili shalay musharixiin gaaraysa ilaa 13 ay ka Tanaasuleen xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya oo ay u sharaxnaayeen bilihii la soo dhaafay.


wabarimedia.com


shaafici

Monday, 3 September 2012

Xaaladda Cristiano Ronaldo oo is badashay


wararka ee sheegayaan war baahinta spain Dhawaan ayaa Waxaa soo ifbaxaya hadalo fara badan oo ku aadan mustaqbalka ciyaar yahan cristiano Ronaldo ee u ciyaara kooxda reer Malik ee Real Madrid,

sida ay war hayaan Warbaahinada aduunka ayaa waxa ay isha la raacayaan mustaqbalka cristiano Ronaldo halka uu ku danbeeyn doono maadaama ay soo kala dhax galeen qilaaf xoogan kooxdiisa.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa shegayaa in Ronaldo uu la kulmay madaxda sare ee kooxda qaasatan Madaxweeynaha kooxda Ninka lagu magaacaabo Perez ,sidoo kale waxa uu kulan la qaatay Agaasimaha kooxda Real Madrid Jose Angel Sanchez una u shegay in uu isaga baqoolaayo kooxdooda.

Wax yaabaha muujinaya in uu cristiano Ronaldo doonayo in uu kooxda ka tago ayaa waxaa kamid aheed kedib markii uu xalay 2 goal dhaliyay ciyaar dhax martay Real iyo Garanada isla markaana uusan u diiday in uu u dabaaldego goolashiisa asiga oo xeli ciyaareedkii hore 46 goal u dhaliyay.

Mar wax laga weeydiyay sababa uu u dabaal degi wayay ayaa waxaa uu ku soo gabiyay Maamulka Real Madrid ayaa og ee weeydiya, Xaalada ayaa cirka isku sii shareereeysomarba marka ka danbeeyso.

Warbaahinta dalka England ayaa waxa ay bilaabeen in ay ugaarsadan wararka kasoo baxaya cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa iyagoo markaa ka dhigayaa in uu soo aado mid kamid ah kooxaha ka dhisay dalka Ingriiska islamarkaana uu dib usoo xasuusto Horyaalki uu beri ka ciyaari jiray Ronaldo.


Wargeyska ciyaaraha ka hadla ee loogu iibsiga badan yahay Spain Marca ayaa wuxuu ciwaan ugu dhigay “Ronaldo wuxuu ku niyad jabay abaalmarintii la siiyay Iniesta iyadoo sidoo kale uu tartanka ka dhex muuqday Lionel Messi.”

27-sano jirka reer Portuguese waxaa la filayaa inuu maalinta sabtid ah ee soo socota ay is arkaan gudoomiyaha Real Madrid Florentino Perez sida wargeysku sheegay.

wabarimedia.com


deysane

Mo Farah Oo Maanta Warbaahinta u Soo Bandhigay Mataano u Dhashay


warka naga soo gaarayo Orodyahanka caanka ah ee u orda dalak Britain Asal ahaan aka soo jeeda dalka Soomaaliya Mo Farah ayaa Maanta warbaahinta caalamka u soo bandhigey labo gabdhood oo Mataano ah oo u dhashay waxii ka dambeeyey Ciyaarihii Olompic-ada Aduunka ee 2012 ka.

Mo Farah ayaa warbaahinta u sheegay in labada gabdhood u kala bixiyey Aisha iyo Amani,waxuuna intasi ku daray in gabadiisa u hibeynayo labada biladood ee dahabka ah,kadib markii uu si xarago aleh ugu guuleystey orodadii 5000 iyo 10.000mitir ee Ciyaarihii Olpmpic-ada Aduunka.

Ugu dambeytii Mo.Farah ayaa shegay in uu ra jeenayo in labadiisa Gabdhood ay dhaxli doonaa lugihiisa dhaadheer ayna mustaqbalka guul ka keeni karaan orodada Caalamka.

garable.com

muxudin

Tuesday, 7 August 2012

मुह्यादीन

Labada dal ee Sudan iyo Koonfur Sudan ayaa ka hashiiyey muranki ku aadanaa qarashka shidaalka, maalin uun kadib marki la dhaafay xilligi uu Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qabtay inay hashiiyaan ama ay soo wajahdo cunaqabateyn.

Koonfur Sudan ayaa bishi January joojisay shidaalki ay sii marin jirtay Sudan si ay halkaas uga dhoofiso, kadib marki ay labada dal ku hashiin kari waayeen qarashka ay koonfur Sudan ka bixineyso shidaalka ay sii mariso dalka Sudan.

Joojinta shidaalki ay Koonfur Sudan ka dhoofin jirtay Sudan ayaa si xun u dhaawacay dhaqaalaha labada dal, taasoo adkeysay nolosha shacabka labada dhinac.

Dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika, Thabo Mbeki, ayaa warbaahinta u sheegay in labada dal ay ka wadatashanayaan tallaabooyinka la qaadayo si shirkadaha shidaalka ay dib ugu billaabaan soo saaridda shidaalka.

Masuuliyiinta Sudan ayaa xaqiijiyey is-afgaradkan, laakiin waxey sheegeen inuu saameyn yeelan doonin illaa la xaliyo arrimaha ammaanka ee xadka labada dal.

Masuuliyiinta Koonfur Sudan ayaa iyagu dhankooda sheegay in la isku afgartay in Koonfur Sudan ay halki foostaba ka siiso Sudan $9.48 oo dollarka Mareykanka ah si ay shidaalka u sii mariso Sudan illaa dhammaadka sanadka 2015.

Friday, 3 August 2012

Tifaftirihii guud ee Radio Daljir oo caawa ka bad-baaday isku day dil

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in Tifaftiraha guud ee Radio Daljir ahna Agaasimaha Raadiyahaas qeybteeda Galkacyo ayaa caawa ka bad-baaday isku day dil ay la damacsanaayeen Ragg Hubeysan.

Sida ay sheegayaan C/fitaax Geeddi oo ahaa Tifaftiraha ilaa 7-idaacadood oo la isku yiraah Radio Daljir ayaa Kooxo Bastoolado ku hubeysan ku weerareen, isagoo ka soo baxayay xarunta Idaacada magaalada Garowe.

Wararka ayaa sheegaya in Mr C/fitaax lagu riday dhowr xabadood, hase ahaatee uu Alle mahadii ay rasaasta ka dhex baxday shaar uu ku labisnaa, waxaana kadib Ciidamada ammaanka Garowe oo ku soo baxay xabadaha ay ka caabiyeen raggii hubeysnaa ee weeraray.

Dhowr bilood ka hor ayay aheyd markii magaalada Galkacyo lagu dilay labo wariye oo uu ka mid ahaa Farxaan Jeemis oo ka mid ah suxufiyiinta ka howl galayay Puntland, iyadoo ay muuqato kororka ugaarsiga lagu haayo saxafiyiinta ka howl gala Soomaaliya.

garable.com
muxudin diini fiidow

Wednesday, 25 July 2012

madaxwene shariif Alle Ha u Nariisto Cid Kasta oo Dulmi Lagu Dilay iyo Cid Kasta oo Difaacaysay Qaranimada Soomaaliya

Xilli ay si toos ah u socdaan khudbaha laga jeedinaayo shirweynaha ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa iminka si toos ah u socota khudbadda Madaxweyne Shariif.

Madaxweyne Shariif ayaa khudbadiisa mahadcelin iyo salaan kadib waxa Alle naxariis uga baryey dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee geeriyooday intii dalku bur burka iyo Dowlad la’aanta ahaa.

Madaxweynaha ayaa dadweynaha fadhiyey hoolka shirka waxa uu ka codsaday in ay istaagaan kadibna waxa uu u duceeyey dhamaan dadkii geeriyooday.

“Illaahow u Naxariisto cid kasta oo u dhimatay ilaalinta Qaranimada Soomaaliya, Illaahow u naxariisto cid kasta oo dulmi lagu dilay”, ayuu ku cel celiyey Madaxweyne Shariif.

Madaxweynaha waxaa hadalka uga horeeyey masuuliyiin kale oo ay kamid yihiin Raysal wasaare Gaas iyo Shariif Xassan Sheekh Aadan oo iyaguna ka hadlay muhiimadda ay leedahay ansixinta dastuurka cusub.

Shirku waa socda waxaana si toos ah u socda khudbaha shirka kala soco wixii soo kordha garable.com

muxudin diini fiidow

Ciidamada sirdoonka ingiriiska oo lagu arkay Degmada afgooye iyo saldhig ay ka dhigteen Beerta


Ciidamada Sirdoonka Ingiriiska ee MI6 ayaa la sheegay in lagu arkay Degmada afgooye ee Duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ay wataan gaadiidka ay wataan Ciidamada ingiriiska.
Wararka ayaa sheegaya in ay Ciidamadan xarun ka samaysteen Degmada afgooye gaar ahaan Beerta sheikh Zaaid waxaana la sheegay in ay ku Hubeysanyihiin Hubka Nuucyadiisa kala Duwan.

Sirdoonka dalka ingiriiska faransiiska iyo Maraykanka ayaa xarumo milatari ku leh Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood ahaa qarsoodi, halka ay soo shaac baxeen maalmihii la soo dhaafay oo Ciidamada lagu arkay Muqdisho iyo Duleedkeeda

garable.com
muxudin diini fiidow

QM Hawada Soomaaliya amaan ma,ahay leeskuma haleey karo


Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha laheyn ee dul hee haaba hawada dalka Soomaaliya ay qatar ka dhigeen in la maro hawada Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa tibaaxday in diyaaradaha Maraykanka ee Darooniska ee dul wareegaya Hawada Soomaaliya ay qal qal ku rideen diyaaradaha kale ee isticmaala Hawada Soomaaliya, taasi oo ka dhigaysa in Hawada Soomaaliya aysan aheyn mid ammaan ah.
Warka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaramada Midoobay aysan cambaareynin howlgalka uu wado Maraykanku ee lagu baacsanayo Kooxda Al Shabaab, hase ahaatee u jeedadu ay tahay in la bad baadiyo dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha ay wareegayaan Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Maraykanka islamarkaana aysan saameyn ku yeellan diyaaradahaasi kuwa rayidka ah ee isticmaala hawada Soomaaliya
Jicmiyadda Qurumaha ka dhaxeysa ayaa sheegaysa in howlgallada ay wadaan diyaaradahaasi ay ku dhinteen dad rayid ah kadib markii ay si qaldan u garaaceen goobo aysan ku sugnayn xilligaasi Al Shabaab, hase ahaatee Maraykanka looga baahan yahay in xilliyada uu weerarada qaado uu muujiyo feejignaan dheeri ah.

Ugu dambeyn Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegtay in howlgalka uu wado Maraykanka inta badan ay bilowdeen sanadda 2009-kii xilligaasi oo ay soo shaac baxeen awoodda kooxda AL Shabaab iyo waliba kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo la sheegay inay dhibaato ku yihiin ammaanka Xeebaha Soomaaliya

garable.com
muxudin diini fiidow

Tuesday, 24 July 2012

ciidamada doolada oo muqdisho lugu arkay diidamo gaarayo 2500 oo adkeenayo amaanka shirka

Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka ayaa faah faahin ka bixsay ammaanka caasimada Muqdisho, iyadoo lagu wado in maalinta berri uu ka furmo shirka Ansixinta Dastuurka, kaasoo ay ka qeyb galayaan ilaa 825-ergo.

Wasiiru dowlaha Amniga Dr. Cabdi Cali Xasan ayaa sheegay in ammaanka magaalada uu yahay mid si aad ah loo adkeeyay, ciidamada ammaankana ay ka feejigan yihiin qatarta qaraxyo iyo weerarada ay maleegaan Al-Shabaab.

“Ammaanka aad buu u wanaagsan yahay, waxaa la socotiin in qaraxyadu ay yaraadeen, taas waxay ku timid feejignaanta Ciidamada ammaanka”ayuu yiri Wasiiru dowlaha amniga oo intaa ku daray inay ka war qabaan abaabulka Al-Shabaab ee qaraxyada.

Waxaa uu sheegay in ilaa 1500 ciidan oo ammaanka ka shaqeynaya lagu daadiyay Caasimada Muqdisho, si ay u sugaan ammaanka sida uu yiri.

Hey’adda Nabada Sugida qaranka ayaa dhowaan sheegtay in ciidamo ka qeyb qaata sugida ammaanka oo isugu jira kuwo qarsoon iyo ciidamo gaar ah ay ka howl galayaan magaalada Muqdisho, si loo adkeeyo ammaanka shirka ansixinta dastuurka

garable.com
muxudin diini fiidow

Maxaabiis Soomaali ah ooda ka qaaday yeman


Dowladda Yeman ayaa xabsiyadeeda ka sii daysay dad Soomaali ah kuwaas oo loo haystay dambiyo kala duwan.

Dadka la sii daayey ayaa tira ahaan waxa ay gaarayaan ku dhawaad 100-ruux oo soomaali ah kuwaas oo loo haystay inay xiriir la leeyihiin Al-Qaedada Dalka Yeman.

Xuseen Xaaji Axmed oo ah qusul ku xigeenka Safaaradda Soomaalida Magaaladda Sanca ayaa sheegay in wali ay jiraan dad xabsiyadda ku jira.

Ku xigeenka qusulka ayaa sheegay in dadka xiran ay ku dadaali doonaan sidii loo sii dayn lahaa.

Dadka la sii daayey ayaa laga soo qabtay gobboladda Shaba iyo Abyee ee dalka Yeman halkaasi oo ay hawlgallo ay ka fuliyeen ciidamadda.

garable.com
muxudin diini fiidow

Lama aqbalaayo dowlada ku meelgarka in ee dhaafto augusta-20-keeda


Midowga Yurub ayaa ugu baaqday madaxda Soomaalida in ay ka dhabeeyeen ballanqaadkooda ku aaddan soo afjaridda xilliga ku meel gaarka waqtiga loogu talagalay ee bisha August 20-keeda.

War laga soo saaray kulan ay maanta yeesheen golaha arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin waqtiga oo si idhamaanayo iyo iyadoo aan waxbo lagu qaban xilligii loogu talagalay si ay u timaado hanaan siyaasadeed oo ku dhisan hufnaan iyo sharci.

Golaha ayaa tilmaamay in aan la aqbali doonin muddo kordhin kale oo la siiyo hay’adaha dowladda KMG, loogana baahan yahay saxiixayaasha inay xaqiijiyaan mabaa’diidii Garowe, wuxuu goluhu codsaday in si dhakhso loo soo xulo ergada ansixinta si loogu meelmariyo dastuurka qabyada.

Dhinaca kale Midowga yurub ayaa ugu baaqey madaxdaSomaliainay fuliyaan heshiisyada la xiriira soo afjaridda xiliga Kumeel gaarka, Kulan ay wasiirada arrimaha diebedda ee wadamada Midowga Europe ayaa waxay isku raaceen inaan la qabali karin in xiliga kumeel gaarnimada la kordhiyo.

Waxay sheegen in dib-udhacyada ay halis gelinayaan sharicyada hanaanka lagu soo gaba-gabeynayo kumeel gaarnimada ee ka soo bilawdey heshiiskii Garowe, Midowga Europe ayaa ugu baaqey odey-dhaqameedyada inay soo xulaan gudiiga ansixin lahaa destuurka, iyo in sida ugu dhaqsiyada badan ay u kulmaan

garable.com
muxudin diini fiidow

malas zanawi oo baqtiyay oo sheegtay aljazeera iyo presstv


Tvda caalamiga ah sida aljazeera iyo presstv ayaa u kuur galay geerida males zanawi ayaa illaa hada ka hadlaya geerida Males Zenawi iyada oo dowladda Ethiopia ee ay ka taliyaan qowmiyada tirada yar ee sida Tigreegu ay ilaa hada bixin waayeen wax maskaxda bani aadamka gasha oo jawaabah ah.

Waxa hadana la sheegay in Zenawi uu dhintay. Arintaas xisbiga TPLF ku sheegeen in uusan dhiman lakiin mucaaradka Ethiopia ay jecelyihiin in Zenawi dhinto. Hadaba maxaa kajira oo lagu aamini kara dhimashada Zenawi.

Hadalada is Khilaafsan iyo warka aan cadeyn ee kasoo baxaya taliska TPLF ayaa ay ka muuqata walbahaar xoogan waxana siyaasiyinta caalamku ay shegeen inay tilmaan fiican u tahay in Dhib weyn jiro. isla markaasna taliska TPLF ku jiro diyaar garow qofkii badali lahaa.

Haddaba wararka dhimashadda ku timid Zenwi aya markii horeba waxa so tabiyay dad shacab ah oo sheegay in Zenawi xanuun khatar ahaa uu u geeriyooday kadib waxa soo baxday warkaas xaqiiqdiisi, waxana la cadeeyay Zenawi innuu ku jiro dhaqtar ku yaala belgium oo lagu dhayo dadka qaba cudurka cancer-ka ee ku dhaca dhiiga.

Arrintaas oo ilaa hada Dowladda Ethiopia dafirtay balse ay soo cadeyeen diblomasiyiin reer galbeed ah oo arkay Zenawi oo meed ah.

Waxaa maanta markale noo xaqijisay gabar u dhalatay dalka bilgium oo ka shaqeeysa qeybta diyaarinta qaliin Wadanka belgium ayaa sheegtay in Males Zenawi uu dhintay isbuuc ka hor . Waxa na sheegtay in arrintaas ay ka maqashay dhakhtar tigree ah, oo laga yaabo in uu yahay dakhtarkiisii khaaska ahaa Males Zenawi.

Dowladda Ethiopia oo illaa hada qarinaysa dhimashada Zenawi, Haduu noolyahay maysan muran galiyeen cafimaadkisa iyo cafimad daradisa. Qof kasta oo bani aadam ah waa xanuunsada, waxay ku ekaan lahaayen waa xanuunsanyahay wuuna nabad qaba.

Dowlada Ethiopia maysan ka hadasheen in Zenawi uu yahay ninka haya talada Ethiopia iyo inkale. Waxay taas muujinaysa innusan waxba gacan ugu jirin Zenawi. Dadka Ethiopia ee 90 million ku dhowna maysan been u sheegeen.
iyo somaliya oo doolad u dhalaneeso alla haduu idmi

garable.com
muxudin diini fiidow

Saturday, 21 July 2012

Madaxweynaha Mareykanka Obama oo amray in la mamnuuco dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa jimcihii shalay amray in la joojiyo dhoofinta dhuxusha dalka Soomaaliya.


Madaxweynaha ayaa yiri ka ganacsiga dhuxusha waxaa dhaqaalo badan uu ka soo galaa Ururka Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya. dhuxusha ayaa loo iibgeeyaa dalalka badan oo ah kuwa khaliijka sida Sucuudiga iyo Immaaradka carabta.

Afhayeen u hadashay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka Victoria Nuland ayaa saxaafadda u sheegtay in haddii la mamnuuco dhoofinta dhuxusha dalka Soomaaliya in ay noqon doonto tallaabo lagu cunaqabateenaayo Ururka Al-Shabaab sida ay hadalka u dhigtay.

Golaha ammaanka QM ayaa horaantii sannadkan waxa ay mamnuuceen dhoofinta dhuxusha dalka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay in sababta looga gunleeyahay arrintan ay tahay siddii cadaadis loo saari lahaa Al-Shabaab oo ku dhawaaqay bilowgii sannadkan inay la midoobeen Ururka Al-Qaacida ee uu sutida u hayay wadaadka dhaqtarka ee reer Masar Ayman Al-Zawahiri.

Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in lagu kordhiyo cunaqabateenta shaqsiyaadka iyo kooxaha kale ee sameenaya falalka qatarta ku ah nabadda, ammaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

Dhuxusha waxa ay ka mid tahay wax-yaabaha sida weyn looga dhoofiyo dalka Soomaaliya, iyadoo dekaddaha ugu badan ee laga dhoofiyo ee dalka ka mid yihiin Kismaayo iyo Baraawe oo labaduba ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab sida ay lee yihiin kooxda la socodka cunaqabateenta Soomaaliya.

garable.com
muxudin diini fiidow

Friday, 20 July 2012

Gabar Yaxaas ku dafay Wabiga Sh/Dhexe


Warar laga halayo Deegaano ka tirsan Sh/Dhexe ayaa sheegay in halkaasi Yaxaas uu ku qaaday gabar ku sugnayd meel u dhaw biyaha wabiga Shabeelaha Dhexe.

Goob joogiyaal ku sugan Magaaladda Jowhar ayaa sheegay in gabadha ay biyo in ay ka soo darsato Wabiga.

Gabadha ayaa la sheegay in biyaha uu ku dul dilay gabadhii uu qatay isla markaana lagu guuldareystay in la soo badbaadiyo.

Iama arkin baa la leeyahay meydka gabdha uu qaatay Yaxaaska iyo waliba halka uu la aaday.

Bishan gudaheeda ayaa Yaxaas waxa uu dhawr qafood uu ku waxyeeleeyo deegaano ka mid ah gobbolka Sh/Dhexe.

garable.com
muxudin diini fiidow

Agagaarka isgoyska lambar afar ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa laga hirgeliyay masaajid baaxadiisu weyntahay kaa oo lagu magacdaray Abuubakar Asadiiq Allaha ka raali noqdee waxaana xafladii lagu furayay maanta ka qaybgalay cullumaa’udiin waxgarad iyo xubno kamid dowlada Sooomaaliya
,iyadoona dadkii daganaa xaafada maanta laga hirgeliyay masjidka ay sheegeen inay si aad ah ugu baahnaayeen.

Shiiq Bashiir Axmed Salaad Guddomiyaha hayada cull’imada Soomaaliyed oo ugu horayn goobta ka hadlay ayaa sheegay in u aad ugu mahad celinayo dadki hantidooda ku bixiyay Dhismaha masaajidka isago oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyed inay ku daydan dadkii dhisay masaajidka.

Sidoo kale isna Xildhibaan Xasan Abshir Faarax Raii’sulwasaarihii hore ee dalka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu kamid yahay dadka dagan xaafada laga dhisay Masaajidka aadna ay ugu baahnaayeen.

Ugu danbeyn wasiirka wasaarada Garsoorka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka dagan goobaha ku xeeran masaajidka inay ka faaidaystaan.

Waxaa si aad ah ugu dhaw halka laga dhisay masaajidka Abuubakar Asadiiq Isgoyska Km4 oo ah xarun ganacsi aadna u mashquul badan shacabka ku sugan halkaasina waxa ay shaaciyeen inay aad u tabayeen kuna cibaadaysanayaan.

garable.com
muxudin diini fiidow

War Degdeg ah:Midkamid ah Fanaaniinta ugu caansan Soomaaliya Saado Cali Warsame oo Gaalkacyo kasoo dagaysa Beri oo Jimce ah Kuna wajahan Garoowe


Wararka Laga helayo Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya In Saacadaha soosocda ay magaalada Nairobi ka dhoofayso Fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Saado Cali Warsame iyadoona ku wajahan Deegaanada Puntland halkaasoo ay casumaad rasmi ah ka heshay Dawlada Puntland ayna kaga qaybgalaysho Shirka wadatashiga heerka qaran ee haweenka Soomaaliyeed Maanta uga furmay garoowe.

Diyaar garow xoogleh ayaa caawa laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo halkaasoo ururada haweenka gobolka Mudug iyo madaxda Maamulka gobolka Mudug ay kawadaan Diyaargarow ay kusoo dhawaynayaan Saado Cali Warsame oo ah Halgamaa u shaqaysa Ummada Soomaaliyeed iyagoona usamayn doona Soo dhawayn heer caalami ah.

Xubno kamid ah Xubnaha Golaha wasiirada ee Puntland iyo golaha Wakiilada ayaa caawa Gaalkacyo u tagay soo galbinta Saado Cali Warsame Waxaana la filayaa in soodhawayn heer sare ah loogu sameeyo Magaalada Gaalkacyo kadibna ay u gudubto Magaalada garoowe ee caasimada Puntland halkaasoo shirweyne Wadatashi uu uga furmay haweenka Soomaaliyeed

garable.com
muxudin diini fiidow

Fariinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ee Bisha Ramadaan


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacbiga Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayadoo dhanka kalena uu Madaxweynaha shacabka u diray fariin ku aadan bisha barakeysan.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo fariintiisa bisha Ramadaan shacabka uga diray caawa Warbaahinta Qaranka caawa waxaana uu ugu horeyn tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba shucuubta muslimiinta uu u dirayo hambalyo fadliga bisha barakeysan ee Ramdaan aawgeed.

“waxaan leeyahay umadda Soomaaliyeed iyo umadda muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaan kulu caamin waa antum bi kheyr bisha Ramadaan ee barakeysan ayaa noosoo gashay waxaa la xaqiijiyey Soomaaliya bishii in laga arkay magaalooyinka Muqdisho, Burco iyo meelo kaleba,dad lagu kalsoonyahay ayaana soo sheegay insha allah burrito waa soon oo caawa waxaa noo bilowday Soon, waana bil barakeysan oo Alle loogu dhowaado” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo sii wata hadalkiisa ku aadan qiimaha ay bishan leedahay ayaa yiri” waxaan rajeynayaa in shacbiga Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba aysan dayacin fursadaan waayo dad badan waxey isku mashquuliyaan habeenkii waxyaabo maalaa yacni ah oo ay ciyaaraan ama waxaan micno laheyn oo aay kusoo jeedaan marka waxaan leeyahay bishaan waa bil fadli badan, waa bil mudan inaan ka faa’ideysano waayo qofkii bishaan ay soo marto oo aan ka faa’ideysan waxaa ku dhacaya qasaaro weyn marka waxaan isku dardaarmeynaa inaan ka faa’ideeysanno”

Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbaddiisa uu ugu talagalay bisha Ramadaan kusoo hadal qaaday dadka masoomeyaasha ah waxaana uu yiri”dad badan waxaa dhacda maalintii ineysan soomin oo qaarkood ay maqaayado furan,qaar ay munkar farabadan la yimaadaan waxyaabahaasi oo dhanna waa waxyaabo uu Alle Subxaanahu Watacaalaa qofka muslimka ah ka xarimay,qof walbana waxaa laga rabaa inuu xasuusnaado aakhiradiisa cidii ku kacdana kama yeeli doonno”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sii watay hadalkiisa uu ku faah faahinayey qiimaha bisha Ramadaan ayaa markale yiri”bishaan waxaa ku jirta habeen Alle Subxaanuhu Watacaalaa uu ku tilmaamay habeen ka kheyr badan kun habeen ayadoo qiimahaas uu ku jiro ayaa lagayaabaa in dad badan ay ku dhameeyaan hurdo marka bishaan waa shahrul Camal,Shahrul Cibaada, Shahrul Qur’aan waxaa lagarabaa inaan in laga faa’ideysto waayo waa fursan qofka Muslimka ah soo marta sanadkiiba hal jeer marka Insha Allah aan kawada faa’ideysano”

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayey isbedellada sanadkan ay shacabka Soomaaliyeed ku soomayaan waxa uu Alle uga baryey in hormarka iyo Nabadda u bilaabatay uu u kordhiyo waxaana uu yiri”maadaama ay tahay bishaan bil barakeysan Alle Subxaanahu Watacaalaa waxaan ka baryeeynaa nabadda,horumarka iyo dowladnimada inoo bilaabatay iney noo xoogeystaan,is jaceylka Umadda Soomaaliyeed iyo midnimadeeda ay hirgalaan, qof kasta oo Soomaaliyeedna dhibka inuu ilaah ka qabto,umadda Soomaaliyeedna Umad is taageerta uu ilaah ka dhigo”

Dhanka kale Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacbiga ugu baaqay iney is kaalmeeyaan dhexdoodaa oo ay is gargaaraan maadaama weli ay muuqato raadadkii laga dhaxlay dagaallada iyo abaartii lasoo maray,dowladduna inta karaankeeda ah aysan shacabka waxba ka hagran doonin.

“waxaan fareynaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta walaalahooda aan wax heysan iney wax siiyaan oo ay gargaaraan,dowladdu waxey qaaday isku dayo badan safarkii ugu dambeeyey ee aan hada galay waxaan is aragnay dowladihii Soomaaliya garab qabtay oo ay Dowladda Turkiga ka mid tahay oo aan kala hadalnay dadku iney weli dhibaatadii heysato bishii Ramadaanna ay soo galeyso marka waxaan rajeyneynaa iney dowladdo badan oo Dowladda Khaliijka oo ah Dowlad qani ah ay ka mid tahay iney shacabka Soomaaliyeed soo gar gaaraan,shacabkuna is garab qabto” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Shacabka Soomaaliyeed Alle uga baryey in sanadkaan sanadkiisa uu ku gaarsiiyo nabad,barwaaqo,hormar iyo in Alle uu cibaadadooda ka aqbalo.

Xukuumada oo ku dhawaaqday in Berito ay tahay Maalin Soon


Xukuumada Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqday in maalinta Berito ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.

Wasiirka wasaarada Owqaafta iyo arimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya Ugaas Axmed Bille ayaa iminka ku dhawaaqay in maalinta Berito oo Jimce ah inay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.

Wasiirka ayaa sheegay in Bisha Ramadaan laga arkay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo la hadlay Idaacada Dowlada ayaa sheegay in laga arkay bisha Ramadaan Degmooyinka Kaaraan iyo Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka warheleen warbixino sheegaya in bisha laga arkay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala Dalka Soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka oo aan waraysanay saacado ka hor ayaa sheegay in ummada Muslimka gaar ahaan Dadka Soomaaliyeed uu ugu baaqay inay ka faa'ideystaan Faa'isha ay leedahay bisha Ramadaan.

Isagoo sheegay inaan Muqdisho lagu arki karin goobo Maqaayado ah oo furan Xilliga Soonka.

garable.com
muxudin diini fiidow

Bisha barakaysan ee Ramadaan oo laga arday dalal dhowr ah.


Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa caawa laga arkay wadamo dhowr ah oo ku yaala Dalka Dibadiisa.
Wadamada Bisha laga arkay waxaa ka mid ah Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaaraadka carabka iyo dalal kale oo Wadamada Carab ah.

Sida uu Idaacada Risaala eemagaalada Muqdisho u sheegay Safiirka Dowlada Soomaaliya ee Sacuudiga bisha barakaysan ayaa laga arkay magaalooyin dhowr ah oo ku yaala Sacuudiga.

Wasiirka wasaarada Owqaafta iyo arimaha diinta ee Xukuumada Soomaaliya Ugaas Axmed Bille ayaa goordhow u sheegay Idaacada Risaala inay walli sugayaan qof soo sheegta inay aragtay Bisha Barakaysan,taasi oo ka dhigaysa in walli Soomaaliya aan bisha meel laga arkay lasoo sheegin.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay Ummada Soomaaliyeed usoo gudbin doonaan cid walbaa oo soo sheegta bisha iyo halka laga arko.

garable.com
muxudin diini fiidow

Thursday, 19 July 2012

Diyaar garow loogu jiro soo dhoweynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo laga dareemayo magaalada Muqdisho

Shacabka magaalada Muqdisho oo ka mid ah shacabka muslimiinta ah ee caalamka ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyey ugu jira soo dhoweynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo lagu wado iney bilato saacadaha iyo maalmaha oo socda.

Hadal heynta dadka ayaa waxaa ugu badan bisha Ramadaan iyo xiliga ay bilaabaneyso, waxaana suuqyada magaalada laga dareemayaa mashquul aad u fara badan ka dib markii ay ku soo bateen dadka dukaameysanaya si ay ugu diyaar garoobaan bisha fadliga iyo qeyrka badan ee Ramadaan.

Qaar ka mid ah ganacsatada suuqyada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waxyaabaha ugu badan ee dadku ay iibsanayaan ay ka mid yihiin cuntooyinka daruuriga ah sida bariiska, baastada, burka iyo Saliida, sidoo waxaa aad loo iibsanayaa timirta, cabitaanada iyo waxyaabaha kale ee qasacadeysan oo dad badan xiliga ramadaanku ay isticmaalaan.

Dhinaca kale, waxaa jira dad tabaaleysan oo iney wax iibsadaan iska daaye aan ka war heynin in bisha Ramadaan ay soo fool leedahay, duruufaha nololeed ee ay ku jiraan oo aad u adag awgeed, waxaana dadkaas intooda badan ay ku nool yihiin xeryaha barakac oo ku Muqdisho ku yaala, iyadoo dadkaas ay la tacaalaan nolol maalmeedkooda, mararka qaarkoodna waxay isla waayaan afka iyo gacanta.

Meelaha kale ee diyaar garowga bisha barakeysan ee Ramadaan laga dareemayo ayaa waxaa ka mid ah masaajidada ku yaala magaalada Muqdisho oo sanad walba marka xiligan oo kale la soo gaaro lagu sameeyo dayactir, lan mariyo rinji midabo kala duwan leh oo lagu qurxinayo.

Shirkadaha xawaaladaha ayaa ka mid ah meelaha sanad walba xiligan oo kale mashquulka ugu badan uu ka jiro, waxaana marka aad tagto xarumahooda lagu arkayaa dad raxan raxan ah oo safaf ugu jira lacago dad kale oo eheladooda ay uga soo direen daafaaha caalamka, kuwaasoo iyana marka bisha Ramadaan la gaaro lacago u soo dira dad kale oo aysan bilaha kale lacago u diri jirin si ay uga faaiideystaan ajirka iyo fadliga bishaas ay leedahay.

garable.com
muxudin diini fiidow

Midowga Afrika oo madaxda dowlada Somalia ka difaacay eedeeymaha guddiga Q/Midoobay ee Monitoring Gruop


Ku-xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Wafula Wamuniyiyi oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay eedeeymaha guddiga kormeerka QM u qaabilsan xayiraada Somalia ay u jeediyeen madaxda DKMG Somalia oo aheyd iney lunsadeen lacag malaayiin dollar gaareysa oo loogu deeqay dowlada.

Wafulla Wamuniyiyi ayaa beeniyey eedeeymahaas, isagoo xusay inaaney jirin lacag ay lunsadeen madaxda dowlada Somalia, wuxuuna xusay in warbixinta guddiga QM uu arintaas ka diyaariyey ay tahay mid si weyn looga badbadiyey.

“Waa wax kama jiraan eedeeymaha guddiga QM ay u soo jeediyeen madaxda sare ee dowlada, mana jiraan lacago ay lunsdadeen warbixintana waa mid ka badbadis ah oo xaqiiqada ka fog, dowlada KMG ah ma laha heyaddo dhaqaale oo qaabilsan maamulka lacagaha xisaabtanka noocaas ahna waxaa uu iman karaa marka heyadaha noocaas ah ay jiraan” ayuu yiri Wafula Wamunyiyi.

Ku-xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Wafula Wamuniyiyi ayaa sheegay in guddiga eedeeymahan u soo jeediyey madaxda dowlada uusan heynin wax cadeyn ah oo ku saabsan arrimaha warbixinta ku xusan.

Guddiga kormeerka QM u qaabilsan xayiraada Somalia ayaa u jeediyey madaxda DKMG Somalia eedeeymo sheegaya iney lunsadeen lacag malaayiin dollar gaareysa oo loogu deeqay dowlada, waxaana eedeeymahaas beeniyey qaar ka mid ah madaxda dowlada, iyadoo wakiilka QM ee Somalia uu sheegay inaan loo baahneyn beenin kaliya balse madaxda dowlada looga baahan yahay iney soo bandhigaan cadeymo ay isku difaacayaan.

garable.com
muxudin diini fiidow

Hogaamiyaha jabhadda SSC oo safar kedis ah ah ku tagay magaalada Garoowe ka dib markii


Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in hogaamiyihii Jabhadda SSC Saleebaan Ciise Axmed {Xagle-toosiye} oo dhowr todobaad ka hor la heshiiyey Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Mr. Xagle toosiye ayaa maalmahan ku sugnaa magaaladaGalkacyo, isagoo ka yimid magaalada Dubai oo u joogay in muddo ah, isla markaana kula kulmay Axmed Siilaanyo iyagoo ku heshiiyey inay wada tagaan magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in hadda uu ku suganyahay magaalada Garoowe ee maamulka Putland, waxaana loo maleynaa inuu halkaasi heshiis kula galo Madaxweynaha maamulka Puntland.

Warar hoose ayaa sheegaya in Saleebaan Xagle-toosiye uu ku biirayo maamulka Puntland, taas oo meesha ka saareysa heshiiskii uu horay ula gaaray Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

Tagitaanka Xagle-toosiye ee magaalada Garoowe ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen siyaasiyiin ku sugan magaalada Dubai oo u dhashay deegaanada Puntland, kuwaas oo sida la sheegay u kala dab-qaaday Madaxweynaha Puntland oo markii dambana ka codsaday inuu yimaado magaalada Garoowe oo uu ugu dambeyntii gaaray todobaadkan gudahiisa, waxaana lagu sheegayaa Xagla-toosiye inuu yahay nin isbebedel badan oo aan hal mowqif laheyn.

garable.com
muxudin diini fiidow

Madaxweyne Shariif oo ka digay in dalka dib loogu celiyo burbur


Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in dalka dib loogu celiyo burbur isagoo ugu baaqay shacabka in ay xajistaan dowladnimada.

Sh. Shariif Sh. Axmed madaxweynaha dowlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya oo shalay khudbad u jeediyay boqollaal dadweyne taageerayaashiisa ah oo isugu yimid munaasabad ay madaxweynaha ku dhiiri galinayeen inuu dib isku soo sharaxo ayaa waxa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay siyaasadda, caddaaladda iyo arimo kale.

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa tilmaamay inaan dowladnimo la heli karin haddii aysan jirin caddaalad iyo garsoor waxa uuna intaa ku daray inay qorsheynayaan inay hir galiyaan laamaha caddaaladda iyo garsoorka si looga gudbo xadgudubka iyo caddaalad darrada loona helo dowlad si shar ci ah u maamusho shacabkeeda.

dhinaca kale madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka iyo madaxda Qaranka inay si mideeysan uga shaqeeyaan dowladnimada si dalka uu u helo qaranimo buuxda isagoo farta ku fiiqay mudane Shariif in shacabkan mudada dhibaatada ku jiray ay u baahanyihiin hoggaan wanaagsan oo caadil ah.

dowladda uu hoggaamiyo Sh. Shariif ayaa muddadi ay jirtay ku guuleysatay in ay wax badan ka bedesho xaaladaha amniga, nolosha iyo siyaasadda waxaana ay iminka dowladdu dadaal ugu jirtaa in la helo caddaalad iyo garsoor shaqeeya sida uu sheegay Madaxweynaha dalka taas muhiim ah shacabka Soomaaliyeed

garable.com
muxudin diini fiidow

Kulan looga hadlayay adkeynta ammaanka caasimadda oo xalay lagu qabtay Muqdisho


Kulan looga hadlayay ammaanka Muqdisho oo ay ka qeybgaleen wasiirrada Gaashaandhigga, arimaha gudaha, guddoomiyaha gobolka iyo saraakiil ka tirsan hey’adaha ammaanka ayaa xalay fiidkii lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan oo socday muddo saacado ah ayaa waxaa looga hadlay sidii ay laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka iskaga kaashan lahaayeen Amaanka degmooyinka gobolka banaadir, iyadoo kulankaasina ay goob joog ka ahaayeen R/ wasaare ku xigeen ahna wasiirka Gaashaandhigga mudane Xusseen Carab Ciise, wasiirka arrimaha gudaha iyo amaniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud, taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini taliyaha ciidamada booliska Shariif Shiiqunaa Maye, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo guddoomiyasha degmooyinka

Muddadii uu socday kulankasi ayaa diirradda lagu saaray sidii la iskaga kaashan lahaa sugidda ammaanka Muqdisho iyo sidii ay wadashaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen maamulka degmooyinka iyo hey’adaha qaabilsan Ammaanka, waxaana halkaasi la isku weydaartay fikrado ku aadan sidi looga wada shaqeyn lahaa ammaanka.

Gebagebadii kulanka ayaa mas’uuliyiintii ka qeybgashay kulanka waxa ay kala qaateen awaamiir ku saabsan qaabka ugu haboon ee looga wada shaqeyn lahaa ammaanka, wuxuna kulankani qeyb ka yahay qorshaha ay dowladdu ku dardar gelineyso adkeynta ammaanka caasimadda Muqdisho.

garable.com
muxudin diini fiidow

Faahfaahin kasoo baxeysa caruur ku geeriyootay qarax ka dhacay magaalada Baydhabo


Qaraxa oo ahaa waxyaabaha qarxa oo looga tagay agagaarka hoyga Magaalada Baydhabo ay ka dagan yihiin qoyska Cali Cabdalla Mursal ayaa waxaa qaatay oo ku ciyaarayay caruur uu dhalay Aabe Cali Cabdalla Mursal oo ka koobneed Sagaal Caruura ah.


Caruurta ayaa bilaabay inay garacaan sheyga qarxa oo ay ku ciyaarayeen iyagoona markii dambe uu ku qarxay.

Inta la,ogyahay 7-caruur ah ayaa ku geeriyootay 2-kalena dhaawac daran ayaa kasoo gaaray.

Aabaha dhalay caruurtaasi Cali Cabdalla Mursal oo la hadlay wabarimedia.com ayaa sheegay in caruurtiisa ay meel howd ah oo ku taala banaanka Magaalada Baydhabo ay kasoo heleen walxaha qarxa kadibna ay ku qaraxday dhamaan caruurta uu dhalayna 7-kamid ah ay ku geeriyoodeen halka 2-kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu xusay in goobta ay walxaha qarxay kasoo qaadeen aysan aheyn goob ciidan uu horay u daganayeen isagoona sheegay in caruurtiisa kan ugu weyn uu jiray 12-sano uu ku geeriyooday qaraxaas.

Ugu dambeyn Cali Cabdalla Mursal ayaa xusay in labada caruurta kaga hartay dhaawacooda in uu daran yihiin.

Aabahani ayaa noqonaya mid caruurutiisa ku waayay dhibaatada ka jirta dalka oo ay dagaala ka jiraan Gobolada qaar.

Dalka Soomaaliya kama jirto goob lagu keediyo hubka kaas oo looga ilaalsho dadka aan aqoonta u laheyn waxyeelada uu ugeesan karo shacabka waxaana dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya ay meelaha qaar kaga tagaan waxyaabaha qarxa kuwaas oo naftooda ay ku waayaan dad aan aqoon ulaheyn.

garable.com
muxudin diini fiidow

Ciidamada Dowlada oo howlgalo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay Afgooye


Ciidamada dowlada Soomaaliya oo isugu jira Boolis Miletary iyo Nabadsugid ayaa xalay waxa ay howlgal ka sameeyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose kaasi lagu baarayay goobo dhowr ah.


Ciidamada waday howlgalka ayaa inta ay kuguda jireen howlgalka waxa ay gacanta kusoo dhigeen shan iyo tobon ruux oo ay kaga shakiyeen in falal ammaanka lidi ku ah ay ka geesan rabeen gudaha Degmada Afgooye islamarkaana ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Xalay xilliga howlgalka uu soo gabagaboobay ayaa warbaahinta Risaala waxaa la hadlay Guddoomiye xigeenka dhanka nabad galyada Gobolka Shabeelaha Hoose Axmed Cumar Mudan oo ka tirsana sarakiisha horkaceysay howlgalkaasi.

Wuxuu sheegay in howlgalka ay ka sameyeen dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Afgooye ayna ku xaqiijinayeen ammaanka Degmadaasi.

Axmed Cumar Mudane ayaa xusay in dadka howlgalka lagu soo qabqabtay maxkamada lasoo taagayo islamarkaana cidii ay wax ku cadaadaan sharciga lagu qaadi doono.

Ciidamada dowlada ayaa ka sameeya Degmooyinka ay kaga sugan yihiin shabeelooyinka howlgalo dad ay kusoo qaqabtaan kaasi oo ay sheegaan inay ku xaqiijinayaan ammaanka Degmooyinkaasi iyadoona mararka qaar ay ka dhacaan falal amaandaro.

garable.com
muxudin diini fiidow

Wednesday, 18 July 2012

Raiisal wasaaraha dalka Etoobiya Melz Zenawi oo noloshiisa laga deyriyey iyo ciidamada Soomaaliya ka jooga oo laga cabsi qabo in hubkooda u gacan galo


Jariiradda Caanka ah ee ka soo baxda Dalka Britain Daily Telegraph ayaa sheegtay In Cabsi Iyo Khal-khal baddan soo kordhisay Xanuunka Zenawi kadib markii la ogaaday in si rismi ah uu u xanuunsanayo
Qoraalka Jariiradda ayay ku sheegtay in la hadleen Siyaasitiin reer Galbeed ah isla Markaasna uu Zenawi uusan dhiman oo nool yahay balse xaalad adag ku jiro.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Belguim ayaa sheegay in Xanuunka Zenawi aysan dowladda dalkaas war ka haynin isla markaasna haboonaynin inay ka hadlaan.

Mar haddalka sii watay ayuu yiri Xanuunka Zenawi waxay u taalla Safaaradda Itoobiya Iyo Qoyskiisa Kuwaas ha ka hadlaan.

Zenawi waxaa ku dhacay Kansarka Maskaxda Haduu sii noolaadana Muddo koobaan ayay Dhakhaatiirku sheegeen.

Siyaasiyiin reer Galbeed ah ayaa sheegay in Itoobiya gali doonto Xaalad kala wareeg isla Markaasna Taliska Xukunka haya Dhexdiisuna uu mid walba dooni doono inuu Xukunka Qabsado.

Dhanka kale wadamada reer Galbeed ayaa ka wal walsan in ciidamada jooga Soomaliya ee ka yimid dalka Etoobiya hubkooda u gacan galo Alshabaab madaama dalka Etoobiya xiligaan ka jiru xili kala guur ah oo keeni karto in ay Etoobiya u kala godo Qoomiyado

garable.com
muxudin diini fiidow

Madaxweynaha Galmudug oo qaliin dhinaca wadnaha ah lagu sameeyay ka dib markii la sheegay


Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa shalay qaliin dhinaca Wadanaha ah lagula sameeyay Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ka dib markii isagoo xanuunsan laga qaaday magaalada Muqdisho, lana geeyay dalka Kenya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda ee maamulka Galmudug Bile Dini Cali ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalin la dhigay Isbitaal ku yaala gudaha Magaalada Nairobi, wuxuuna intaasi ku daray in xanuun dhinaca wadnaha loo dhigay isbitaalka ka dibna qaliin lagu sameeyay haddana uu caafimaad qabo sida uu yiri.

“Madaxweyne Caalin ayaa lagu sameeyay qalliin qaatay shan saacadood, illaa 5-saacna waxa uu ku jiray koomo, laakiin hadda wuu soo ladnaaday dadka wuu kala garan karaa, koomadiina wuu ka baxay, Madaxweynaha waxaa laga keenay Muqdisho isagoo jiran, Isbitaal ayaa la geeyay markii baaritaan la sameeyay waxaa la ogaaday in xididada ka taga wadnaha ee taga qeyb ka mid ah Kilyaha uusan dhiigu tagi karin sidaasi owgeed, dhaqaatiirtu waxay go’aamiyeen in qalliin loogu sameeyo wadnaha” ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Maamulka Galmudug Bile Dini Cali.

garable.com
muxudin diini fiidow

Dowladda KMG oo dalbatay in ciidamada Itoobiya laga saaro magaalada B/weyne ka dib markii


Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa shalay dilay ka geystay magaaladaasi ka dib markii ay si arxan darro ah ugu fureen dad rayid ah ay ku dhinteen shan ruux, 10-kalena ay ku dhaawacmeen.

Xasuuqa ay geysteen ciidamada Itoobiya ayaa ka dambeeyay ka dib markii shalay subax aroortii hore labo qarax oo miino loo adeegsaday lala beegsaday baabuur kolonyo ah oo ay wateen Ethiopianka, kuwaas oo marayey xaafadaha bariga Beledweyne, halkaas oo hal baabuur uu kaga burburay ciidamda Itoobiya.

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxyada ka dib ciidamada Itoobiyaanku ay bilaabeen inay dad ka qabqabtaan xaafadaha bariga Beledweyne, waxaana dadka ay qabanayeen ahaayeen dhalinyaro iyo wixii rag ah ee ay arkaan, kuwaas oo ay ula dhaqaaqeen xerada ay degan yihiin oo magaalada ka baxsan halkaas oo markii dambe ay ku toogteen qaar ka mid ah dadkii ay qabteen oo shan ruux ahaa.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in askarta Itoobiyaanku ay xasuuqeen dad rayid ah oo qabqabteen iyagoon wax maxkamad ah geynin, waxayna intaasi ku dareen inay doorbidayaan in ciidamada Itoobiya laga qaado magaalada B/weyne, lana keeno ciidamo kale oo ka tirsan kuwa AMISOM, gaar ahaan in la soo kordhiyo ciidamada Jabuuti ee haatan ku sugan magaaladaasi.

Sidoo kale odayaasha Beledweyne oo iyaguna ka hadlay dhacdada ayaa si kulul u cambaareeyay xasuuqa Itoobiya ka geysteen Beledweyne, waxayna maamulka gobolka Hiiraan iyo dowladda KMG ka dalbadeen inay jawaab ka keenaan saraakiisha Itoobiya ee ciidamadooda dadka laayey.

garable.com
muxudin diini fiidow

Odayaasha dhaqanka oo kasoo horjeestay qodobo kamid ah Dastuurka


Odayaasha dhaqanka ee ku shiraya Magaalada Muqdisho ayaa kasoo horjeestay qodobo dhowr ah oo ku jira Dastuurka cusub ee la doonayo inuu dalka yeesho.


Ilaa 10-qodob oo ku jira dastuurka ayeey sheegeen odayaasha dhaqanka inay yihiin kuwa aan u qalmin Diinta iyo Qaranimada umadda Soomaaliyeed islamarkaana ay wanaagsan tahay in gabi ahaanba meesha laga saaro.

Caaqil Maxamed Aadan Cali Cabdulaahi oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee ku shiraya Muqdisho ayaa sheegay isaga oo ka hadlayay kullan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka in odayaasha dhaqanka ay si aad ah uga soo horjeedaan qodobka todobaad faqradiisa saddexaad oo ku saabsan xuduudaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in xuduudaha Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah islamarkaana ay aqoonsan yihiin xuduudihii jiray 1960,isaga oo tilmaamay in odayaasha ay isku afgarteen in si deg deg ah Dastuurka looga saaro qodobkaasi.

21-Bishan ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo shirweyne lagu ansixinayo dastuurka,waxaana weli taagan muran ka jira qodobada qaar oo ku jira dastuurka islamarkaana odayaasha dhaqanka ay si ,aad ah uga biyo diidsan yihiin.

garable.com
muxudin diini fiidow

Boqor Buurmadoow oo lasii daayay


Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargaysa ee maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in lasii daayay Boqor Buurmadoow oo dhawaan halsano oo xarig ah Maxkamada Maamulka Soomaaliland ay ku xukuntay.


Siideynta Boqor Cismaan Buurmadoow ayaa ka dambeysay kadib markii uu cafis u fidiyay Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Boqor Buurmadoow oo saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in lasii daayo islamarkaana uu u mahadcelinayo cid waliba oo kaalin ka qaadatay in laga sii daayo xabsiga.

Boqor Cismaan Buurmadoow ayaa dhawaan maxkamadda maamulka Soomaaliland waxa ay ku xukuntay muddo halsano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay aflagaado Madaxweyne inuu sameeyay

garable.com
muxudin diini fiidow

Zamzam Maxamed iyo Maxamed Xasan oo London Gaaray iyagoo matalaya Soomaaliya.


Kooxda Soomaaliya uga qeybgalaysa Cayaaraha Olombikada Adduunka ee 27-ka Bishaan ka furmaya Magaalada london ayaa gaaray saaka Magaalada London ee dalka Engiriiska.
Soomaaliya waxa cayaaraha Olombiga uga qeybgalaya laba cayaartooy oo kaliya kuwaasi oo kala ah Maxamed Xasan Maxamed iyo Zamzam Maxamed Faarax.

Maxamed Xasan waxa uu ordi doonaa tartanka 1500m iyo 5000m, halka Zamzam Maxamed ay iyana ordi doonto orodka 800m iyo 1500m.

Inkastoo cayaartooyda Soomaaliyeed ee olombiga aanay soo gelin is reebreeb haddana sida uu qabo sharciga olombikada adduunka waxaa loo oggol yahay in ay laba cayaartooy soo dirsan karaan.

Waxaa iyaguna soo gaaray London cayaartooy hore oo wax ka hoggaaminaya Sport-iga iyo weliba madaxda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo xiriirrada.

Halyeyga billadda dahabka ee 1500m, Cabdi Bile Cabdi iyo Cumar Cabdulqaadir Baarajab oo ahaa cayaartooy caan ku ah Soomaaliya, isla markaana laf dhabar u ahaa kooxda Qaranka ee Kubadda koleyga ayaa ka mid ah cayaartooydii hore ee dhiirri gelinta u sameynaya ciyaaryahanada Soomaaliya matalaya iyo maamulka kooxda.

Madaxda London soo gaartay waxaa ka mid ah, Sii hayaha Guddoomiyaha Olombigga, Durraan Axmed Faarax, iyo Xoghayaha Olombikada, Cabdullaahi Axmed Tarambi iyo weliba Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubbadda Koleyga, Cabdicasiis Goodax Barre

garable.com
muxudin diini fiidow

Ciidamada Dowlada KMG oo Howgalo xeeladeesan ay sameeyeen si lama filaan ah kusoo qabtay Dagaalyahano Shabaab katirsan

Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad Sugida ayaa Shalay galab ilaa xalay waxa ay xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho kasameeyeen Howlgalo gaadmo ah aan horey loo sii shaacin.

Halka ay Howlgalada kasameeyeen Ciidamada Dowlada ayaa ah Xaafada Suuqa Xoolaha oo mudooyinkan la sheegeen in ay kusoo badanayeen Dagaalyahano katirsan Shabaab falal amaan darana ay ka fulinayeen
Ciidamada Nabad Sugida gaar ahaaa kuwa Afka u Xiran ee Alpha Group loo yaqaan ayaa gudaha u galay xaafado si gaar ah dadka ugu tuhmeen in ay Shabaab joogaan halkaas oo lagu soo qabtay Dhoor nin oo la sheegay in ay Shabaab yihiin iyo hub.

Sragaal katirsan Hay’ada Nabad Sugida ayaa sheegay in Howlgalkaasi lagu soo qabtay 20-Nin oo loo badinayo in ay Shabaab yihiin iyo hub u badnaa Bistoolado kuwaa uu sheegay in ay ahaayeen raga Magaalada Dilalka ka geesta.



Ciidamada Nabad Sugida ayaa mudoopyinkii dambe ku hoolanaa sugida amaankaMagaalada Muqdisho iyagoona gacan kusoo dhigay tiro badan oo Shabaab ah oo la sheegay in ay kujiraan Saraakiil.

garable.com
muxudin diini fiidow

Saturday, 7 July 2012

Dowladda KMG Soomaaliya oo ku eedeysay Kenya inay si sharci-darro ah shidaal uga baarayso Xeebaha Soomaaliya

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeeysay Kenya inay si sharci-daro ah baaritaano shidaal uga sameynayso xeebaha ku yaalla dhinaca Konfureed fog ee Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo batroolka Dowladda KMG Soomaaliya, Cabdullaahi Dool oo la hadlayay wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay in Kenya ay shirkado kula heshiisay in baaritaano shidaal laga sameeyo xeebaha Koofureed ee Soomaaliya taasoo uu ku tilmaamya sharci-darro.

"Dowladda Soomaaliya waxay qorsheynaysaa in cabasho ku saabsan arrintan lana xiriirta sharciyada badaha caalamka ay u gudbin doonto Qaramada Midoobay," ayuu yiri Cabdullaahi Dool.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Kenya toddobaadkii hore heshiis la gashay toddoba shirkadood oo kuwa shidaalka baara ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin ENI oo Taliyaani ah shirkadda TOTAL oo Faransiis ah.

Dowladda Kenya ayaa iska diidday eedeynta kaga timid dowladda Soomaaliya ee ku saabsan inay shidaal ka qodanayso badaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in dhulka laga baarayo shidaalka uu yahay mid ay iyadu leedahay.

Murankan cusub ayaa imaanaya iyadoo dowladda Kenya iyo Soomaaliya ay sannadkii 2009 kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo ku saabsan xuduudaha badda kaasoo uu ka dhashay muran sababay in baarlamaanka Soomaaliya uu heshiiskaas oo dhan diido.

Afhayeenno u hadlay shirkadaha la xusay ayaa sheegay in heshiiska ay galeen, iyadoo aan la ogeyn halka uu murankan ku dhammaan doono, waxaana Kenya kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka AMISOM.

garable.com

Friday, 6 July 2012

Ciidamo ka socda Wadanka Siiraaliyoon oo maanta soo gaaraya Muqdisho

Ciidamo ka socda Wadanka Siiraaliyoon ayaa maanta lagu wadaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo tiro ahaan la sheegay inay gaarayaan 30 Askari oo boolis ah islamarkaana horudhac ah ayaa maanta soo gaaraya Magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyey Saacid Maxamed Amiin oo ah Afhayeenka Ciidamada Booliska AMISOM.

Saacid waxa uu sheegay in Ciidamadan ka socda wadanka Siiraaliyoon ay maanta soo gaarayan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho islamarkaana ay ku biirayaan 69 Naygeeriyaan ah oo horay ugu sugan Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada Booliska AMISOM Saacid Maxamed ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay ka howlgalayaan Degmooyinka Hodan, Xamarweyne, Madiina iyo labo goobood oo kale.

"Cutubka horay u yimid wuxuu ka socdaa Nayjeeriya, waxay gaarayaan 69 waxayna yimaadeen bil ka hor, sidoo kale waxaan cutub kale ka filaynaa Siiraaliyoon, waxayna imaanayaan Jimcaha tiradoodana waa 30 Askari, hadda Ciidamada waxay joogaan shan goobood oo kala ah Hodon, Xamarweyne, Madiina, iyo labo goobood oo kale, markasta oo Milatariga sii dhaqaaqaanna Ciidamadeenana waxay sii wadayaan ka garab shaqeynta Police-ka Soomaaliyeed, taasina waa sababta keenta Kordhinta Police-ka AMISOM, marka hore waxaan ku bilaabaynaa labo boqol iyo lixdan iyo kow waajibkooda waa inay taageeraan, tababaraan, Kormeeraan islamarkaana ay talooyin siiyaan Ciidamada Police-ka Soomaaliyeed." ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Booliska AMISOM Saacid Maxamed Amiin

garable.com
muxudin diini fiidow

Wednesday, 4 July 2012

Dowladda Soomaaliya Oo saxeexday Heshiiskii Kasoo Hor Jeday askaraynta Caruurta.

Dowladda Soomaaliya Oo saxeexday Heshiiskii Kasoo Hor Jeday askaraynta Caruurta.


Dawlada KMG ee Soomaaliya ayaa saxeexday heshiis lagu hakinayo caruurta yar yare ee aan qaan gaarka aheyn.

Hishiiskaa oo uu dawlada KMG u saxiixay wasiirka gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise waxaa uu dhigayaa in guud ahaanba Soomaaliya laga joojiyo caruurta loo adeegsado dagaalada ee la askareeyo iyo in ciidamada laga saaro caruurta yar yar.

Hishiiskaan oo ka dhacay magaalada Roma oo uu ka dhacay shirka kooxda xiriirka caalamiga ah ayaa waxaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa wakiilka Q,M u xil saartay arrimaha Soomaaaliya danjire Augustine Mahiga o hishiiska wax ka saxiixay.

“Hishiiskaan waxaa uu qeyb ka yahay dadaalada lagu xoojinayo dawlada Soomaaliya iyo dhawrista xaquuqda caruurta ee dagaalada loo adeegsado” ayuu yiri Augustine Mahiga.

garable.com
muxudin diini fiidow

Diyaarado dagaal oo Marka lagu arkay

Marka(GMN)-Goob joogiyaal ku sugan Magaaladda Marka ee xaruunta gobbolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi maanta oo arbaca ah lagu arkayo diyaarado kuwa dagaalka ah.

Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in diyaaradaha ay arkeen in ay gaarayaan ilaa 7-kuwaas oo joog hoose ku duuliya.

Saldhigayadda Shabaab ayaa si aad ah la sheegay in diyaaradaha ay ugu soo dhawanayaan.

Dadka qaar ayaa isaga baxay magaaladda Marka halkaasi oo ay ku soo laab laabanayaan diyaaradaha jooga hoose ku duulaya.

Dhawr gantaal ayaa Shabaab waxa ay ku rideen diyaaradaha lagu arkay magaaladda Marka inkastoo aysan jirin Khasaare ay geysteen.

Magaaladda Marka ayaa dhawaan waxa gaaray ciimadii ugu badnaa ee ka cararay qaybo ka mid ah degmadda Afgooye halkaasi oo ay la wareegeen ciidamadda Dowladda Soomaaliya

garable.com
muxudin diini fiidow

Prof, Cabdi Ismaaciil Samater oo si kulul u weeraray Habdhaqanka Madaxda Sare ee Dowlada KMG

Prof, Cabdi Ismaaciil Samater oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ka dhiga Jaamac ku taala Dalka Mareykanka aadna u falanqeeya Siyaasada Dalka ayaa ka hadlay siyaasada dalka uu hada marayo iyo sidoo kale habdhaqanka Madaxda ugu sareysa ee Dowlada KMG

Prof, Cabdi Ismaaciil ayaana Madaxda sare ee Dowlada KMG ku eedeeyay in ay yihiin kuwa dantooda kaliya eegta kana jiiftay danta umada Soomaaliyeed isagoona xusay in ay sameeyaan oo kaliya waxa uu maankooda siiyo ama ay rabaan hasa ahaatee dan umadeyd marnaba ka shaqeyn.
waxa uu intaa ku daray Aqoonyahankan Soomaaliyeed in horay loogu daalay in qalad sax laga dhigo taasina ay dhibaato u horseedeyso shacabka Soomaaliyeed tilaabada ay hada dowlada wadana ay tahay mid aan la aqbali karin waxana uu xusay Samater in shacabka sida ay rabaan loo sameeyo hadii taasi ay dhici weysana uu wadanka halis ku jiro.

Prof; Cabdi Ismaaciil Samater ayaa ku baaqay in Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku shirsan loo madaxbanaaneeyo aaya katalinta umada Soomaaliyeed laguna aamino masiirka umadda.

Hadalka Aqoonyahankan Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya xili Doorasho la filayo in dhaawan dalka uu ka dhaco iyadoo sidoo kale uu jiro wax isdaba marin xoogan oo ku aadan Ansixinta Dastuurka iyo soo xulista Baarlamaanka Cusub ee la filayo.

garable.com

Tarsan oo si aan horey loo arag uga soo horjeestay Dastuurka Cusub (Aqriso waxa uu ku mucaaraday)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku baaqay in laga hortago dastuurka cusub ee qabyo qoraalka ah oo uu sheegay iney ku jiraan qodobo badan oo wax u dhimaya masiirka ummada Somaliyed qaar kalena laga tegayTarsan ayaa sheegay in dastuurka cusub ee la qorsheynayo ansixintiisa aysan ku xusneyn magaalada Muqdisho iney tahay caasimadii dalka uuna arintaas shaki gelinayo, sidaas awgeedna ay tahay iney in lagu baraarugo lagana hortago.
Muqdisho waa caasimadii dalka, waa muraayadii Qaranka waa hooyadii magaalooyinka dad yar oo kooban ma bedeli karaan awoodna uma laha mana aqbaleyno dastuur xaqiraya oo aan qoreynin iney tahay caasimada, dastuurka la soo bandhigayna ma qorayo arintaas waa inaan diidnaa kana hor tagnaa” ayuu yiri Tarsan oo ka hadlayey munaasabad shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur Tarsan ayaa uga digay odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho iney ansixinta dastuurka u soo xulaan dad aan wax garad aheyn.

“Odayaasha waxaan leeyahay ka fiirsada dadka aad u soo xuleysaan ansixinta dastuurka, waan ognahay dad lacag iidin kala daba ordaya oo idin leh hebel ii qor, hadaad keentaan nin aan magaciida qori karin masiirka iyo qaranimada umadda aan wax ka garaneynin beri ceebta ka timaada idinkaa qaadi doona taariikhduna meel xun baad ka geleysaan” ayuu yiri Tarsan.

garable.com
muxudin diini fiidow

Tuesday, 3 July 2012

Shir qaatay halsaac iyo bar oo dhex maray Wazarada Is kashiga Caalamiga dalka Masar iyo hay,ada samafalka masarida iyo somalida magaceda la yirahdo EG

Kulan saacada badan qaatay Ayaa ka dhacay xafiska jamciyada samafalka somalida ee dalka masar shir dhex maray wazarada iskaashiga calamiga oo ay waziirad ka tahay
Miss: Faiza Abu Najaa waaxdeeda qiimeenta mashaariicda iyo xalinta dhaqaalaha hay,adaha dowliga iyo maxaliga intaba .Waxaa shirka uga qayb galay waxda qiimayta mashaariicda xubnaha kala ah .

1. miss : Hiba saalix oo ah madaxa koowaad ee waaxda qiimeenta iyo baaritaanada
2. miss : Radiina Cumar oo Ah ku xigeenka kowad
3. miss : Riim abuu Zahrah oo ah ku xigenka labaad

waxaa dhanka jamciyada somalida ka qayb galay
Dr. Ahmed Yusuf Hasan ( Saber ) oo ah Xog hayaha guud ee jamciyada ahna ku simaha madaxa jamciyada
waxaa iyana shirka dib ka timid Miss. Ayni Abukar Gacal Oo ah madaxa arimaha bulshada ee jamciyada
Shirka ayaa waxaa lagu falanqeeyay howlaha eey jamciyadu qabatay ka soo bilow sanadii 2004 - ilaa 2012 waxaa si faah faahsan u sharaxay Dr. ahmed oo in badan u sheegay waaxda qiimeenta sida howluhu u soo socon jireen iyo halka maanta ay wax marinayso jamciyada .

Wafdigi ka socday wazarada is kaashiga caalamiga ayaa waxay ku amaaneen jamciyada somalida sida dadaalka dheer oo ay howsha u wadaan una dar dar galinayaan mashaariicdooda waxay sidoo kale u mahad celiyeen Dr ahmed yusuf sida sharafta leh oo uu ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa iyo sharaxaada waafiga ah uu ka siiyay shaqada jamciyadu qabato .

Dhan ka kale Dr ahmed ayaa wuxuu u mahad celiyay wafdiga ka socday wazaarada u sheegayna inay ku faraxsan yihiin booqashada ay ugu yimaadeen .

Jamciyada ayaa waxaa sidoo kale baryahan looga bartay inay si wayn wax ugu qabanayaan dadkooda somaliyeed.

garable.com
muxudin diini fiidow

Sunday, 1 July 2012

Madaxweynaha dowlada KMG Somalia oo booqasho ku tegay degmada Balcad ee gobolka Shabellaha dhexe

Jaraaidka caanka ah ee El Mundo oo ka soo baxo dalka Spain ayaa waxa uu qiray in kulanka Fiinaalka ah ee Spain Vs Italy oo caawa dhici doono uu noqon doono mid Jilbaha la iska murxiyo . Jaraaidkaan ayaa shaaciyay in xulka Qaranka Spain ay isku balan sadeen sidii Darawalka Talyaaniga Andrea Pirlo Korantada looga damin lahaa ka dibna Mario Balotelli looga Xanaajin lahaaJaraaidkaan ayaa waxa uu leeyahay Talyaaniga oo la yasayay dib ayay ka soo kacsadeen koobka EURO 2012 waxaana adkaan doonto oo dhib fara badan loo mari doonaa sidii Gool looga dhalin lahaa xulka Azzurri (Italia). si uu Rooso u qaato Qaranka Spain ee Furia Roja iyo Macalin Vicente del Bosque hadii ay soo bandhigaan Ciyaar la mid ah midii ay la dheeleen Croatia iyo xulka Portugal waxaa dhici doonta koobka EURO 2012 in uu si toos ah ugu gacan galo dalka Talyaaniga ayuu yiri EL Mundo oo guubaabinayay xulka dalkiisa ee Furia Roja (Spain)Jaraaidka ayaa sidoo kale waxaa uu qoray in loo baahan yahay sidii qal qal loo gelin lahaa Goolhayaha halista ah ee xulka Squadra Azzurri Gianluigi Buffon kaas oo lagu sheegay inuusan aheeyn Goolhaye oo kaliyah balse uu yahay shaqsiga Talyaaniga gadaal ama dhanka Difaaca ka dhisaya maadaama uu daqiiqad kaste u sheego cidii ay xiran lahaayeen iyo Ciyaaryahankii uu ka shakiyo wuxuuna Buffon madaxa ka qabsaday Difaaca kooxda Juventus oo ay is Ciyaar barteen sida Brazagli,Bonucci, Chiellini iyo dhanka qadka dhexe oo uu qaladaadkiisa u sheego Ciyaaryahan Claudio Marchisio (Yaab)Jaraaidka ayaa sheegay in Goolhaye Gianluigi Buffon loo deen doono 3 ciyaaryahan sidii ay Qalqal u galin lahaayeen waxaana Xiddigahaas lagu sheegay David Silva,Andre Iniesta iyo Cesc Fabregas. Dhanka Mario Balotelli ayaa lagu wadaa inay si weeyn uga xanaajiyaan Difaacyada halista ah ee lagu kala magacaabo Sergio Ramos iyo Gerard Pique.
Darawalka Talyaaniga Andrea Pirlo waxaa lagu wadaa in la dul saaro Xabi Alonso iyo Xavi Hernandez oo ka dili doona Kubadaha uu la bartay inuu u qeeybiyo Xiddigaha Squadra Azzurri.Qiyaanada ay isla damacsan yihiin xulalka Italy Vs Spain ma ahan wax la yareesan karo balse waxaa la xaqiijiyay hadii la fiiriyo dhanka Qiyaanada in Talyaanigu kaga dheereeyo Spain Taariikh ahaan waxaana laga yaabaa in Spain ay ka faaideeysato xanaaqa faraha badan ee Mario Balotelli oo aan meel fog jirin.
Dhanka kale Shirkad Ispaanish ah ayaa Taageerayaasha xulka Qaranka Spain u qeeybisay Funaanad ama Maaliyad lagu sheegay isku bixis taas oo ay ku wada qoran yihiin inta badan magacyada xulka Spain Spain ee Furia Roja .

garable.com
muxudin diini fiidow

Xeer Ilaaliyihii Maxkamada gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo xalay lagu toogtay woqooyiga Gaalkacyo

Kooxo bastoolado ku hubeysan oo xalay ku toogtay woqooyiga Magaalada Gaalkacyo xeer Ilaaliyihii maxkamada gobolka Mudug ee maamulka Puntand Bashiir Cali Gaaf, iyadoo kooxahaasna ay goobta ka baxsadeen markii ay dilka geysteen.Goob joogayaal ayaa sheegay in xeer Ilaaliyaha ay rasaas ku furay kooxahaas hubeysan wax yar ka dib markii uu ka soo baxay masaajid ku yaala woqooyiga magaaladaas xili uu ku sii jeeday hoygiisa oo ku yaala meel aan ka fogeyn masaajidka, iyadoo masuulkaasna uu isla goobtii ku qurbaxay.Daqiiqado ka dib ayaa waxaa goobtii uu dilkaas ka dhacay soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo halkaas ka bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey dilkaas inkastoo aysan ku guuleysan iney soo qabtaanCiidamada Booliska maamulka Puntland ayaa illaa saaka wada howlgalada ay ka sameynayaan xaafadaha ku yaala woqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyagoo soo qabqabtay dad fara badan oo lagu tuhunsan yahay iney dilkaas ku lug lahaayeen, kuwaasoo baaritaano lagu hayo sida saraakiisha amaanka Puntland ay sheegeen.
Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxay caan ku tahay dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah masuuliyinta iyo ciidamada maamulka Puntland ee magaaladas ka howlgala, waxaana weeraro sidan oo kale ah ay ka dhacaan magaalada Boosaaso, iyadoo masuuliyinta Puntland ay horey ugu eedeeyeen iney ka dambeeyaan weerarkan xoogaga Al-Shabaab ee ka dagaalama koonfurta Somalia.

garable.com
muxudin diini fiidow

Sir Culus: Jaaliyadda Majeerteen ee East Africa oo 5-milyan oo Dollar faraha ka saartay Ra'isul Wasaare Gaas iyo Heshiisyo 8-qodob ah oo uu la galay


Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa ka
guddoomay lacag gaareysa 5-milyanoo Dollar Jaaliyadda Majeerteen ee East
Africa, kadib shir 2 maalmood ah oo la qaaatay Jaaliyada oo uu
horkacayay Qunsulka safaaradda Soomaalida ee Uganda Muuse Xareed oo ay isku
qabiilyihiin.
Gaas ayaa jaaliyadda ka codsaday inay u iibiyaan 130 xildhibaan codkaas, si uu u noqdao Madaxweynaha Soomaaliya bisha August ee soo socota, waxaana booqashadii uu dalka Uganda ku joogay Ra'isul Wasaare Gaas oo aheyd mid aan heer dowladeed aheyn maadaama aanu la socon hal wasiir oo ka tirsan xukuumadda uu la kulmay cambaareyn dhinaca Dowladda Uganda.
Beesha Majeerteen ayaa wacad ku martay inay ku gacan
siineyo arrin kasta oo uu Madaxweyne ku noqon karo, waxaana shirkan oo
ka dhacay Hotel Shirton ee Kampala xubnihii ka soo qeb galay ka mid ahaa
Muuse Macallin Yuusuf oo haddii Gaas la doorto noqon doona safiirka
Soomaaliya ee Uganda, Sheekh Cabdiweli Dheere oo ah iimaam qabiiledka
Uganda, ahna wakiilka xawaaladda Amal ee Uganda, iyo dhammaan
gacansadatada Majeeteen ee Uganda, wakiilo ka socday gacansata
magaalooyinka Mombasa, Nairobi iyo South Sudan.
Gaas ayaa u sheegay in
haddii loo iibiyo codadka ugu yaraan 130 Xildhibaan uu noqon doona
Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna beeshisa u sheegay in xildhibaan kasta
uu siinayo 30,000 oo Doollar, oo haddii loo qeybiyo 130- xildhibaan ay
noqoneyso 3900,000 (Sadex Milyan iyo sagaal boqol oo kun oo Dollar)
halka milyanka kale uu ku bixin doono ololaha doorashada ee casuumaadaha
xildhibaanadda, odayaasha dhaqanka, saxaafadda, safarradda, isgaarsiinta
iyo farsamooyinka kale.

Ra'isul Wasaare Gaas ayaa beeshiisa u sheegay
in haddii maamul goboleedka Somaliland uu ogolaado dowladda wadaag ay
meesha ka baxeyso kaalinta muuqata ee beeshooda, sidaa daraadeed ay
muhiim tahay in geed dheer iyo mid gaaban loo fuulo jagada
madaxweynenimada.

Gaas ayaa sheegay in heshiiskan uu u saxiixi doono
ganacsatada Majeerteen haddii uu madaxweyne noqdo:
1. In Muuse Macallin oo hadda ah qunsulka Uganda uu noqon doono Safiirka Uganda.
2. In safiirka Soomaaliya ee Uganda Sayid Axmed Sheekh Aadan oo howshan wax ka og lagu abaal mariyo wasiir ka tirsan xukuumada soo socota.
3 Inshirkadda Amala ee xawaaladda lagu wareejin doono akoonada shaqaalaha
dowladda, isla markaana Dahabshiil laga maarmi doono.
4. In Rugta ganacsiga Soomaaliya loo dhiibi doono shaqsiga ay iyagu soo doortaan.

5. in Dekedda Boosaso ay noqon doonto mida kaliya ee laga dhoofiyo
xoolaha Soomaaliya.
6. In gacansiga Shidaadalka, baabuurta iyo
qalabkooda cid aan iyaga aheyn aysan keeni doonin Soomaaliya.
7. In Ganasatada shisheeye ee Soomaaliya maal gashana ay muhiimadda 1-aad siin
doonaan dhulka Majeerteenka.
8. iyo in danaha beeshoodu ay noqon doonto
mid lama taabtaan ah.

Sirtan ayaa laga helay nin ka mid ah raggii
shirkaas goobjooga ka ahaa oo warbixintiisa telefoon ku siinayay nin
kale oo howshan wax ka ogaa, hase ahaatee u maleynayay inaan la maqleyn
waxyaabaha uu ku hadlayo

garable.com
muxudin diini fiidow

Guddomiyaha Guddiga siyaasadda ee Baarlamaanka Puntland oo eedayn kulul u jeediyay C/raxmaan Faroole, kuna baaqay

Guddoomiyaha guddida Siyaasada ee Baarlamaaka Puntland Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan ayaa hadal uu shalay ka jeediyay kalfadhiga 28-aad ee Baarlamaanka Puntland waxa uu dhaliilo ugu jeediyay Madxweynaha maamulkaasi C/raxmaan Faroole oo uu ku eedeeyay inuu ka gaabiyey siyaasadda gudaha oo ah mid mug-weyn.
“Waxay aheyd inay ku dhisnaato dhinac kasta masalaxada guud ee bulshada midnimadeeda, horumarkeeda iyo daryeelkeeda kuwaas oo noqday qaar burburay iyo qaar quus iyo niyad jabab dheliyey, waxay bulshada Puntland ku hungowday in ay hesho Siyaasad ku baarujiyeysa walaalnimadeeda iyo wax wada qabsigeeda isla markaasna u dumaysa isku kalsoonaanteeda umadnimo, maamulka Faroole waxa uu kala dhantaalay waa jibaadkii bulshada, waxna wuu ka qaban waayey, wuxuuna siyaasad xun dhexdhigay hogaan dhaqameedkii oo labo u kala jabay” ayuu yiri  Guddoomiyaha guddida Siyaasada ee Baarlamaaka Puntland.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan waxa uu dhaliilay siyaasadda dowladda KMG oo uu sheegay in Puntland iyo dowladda KMG marka ay isqabtaan inay heshiisyo u tagaan dalka Itoobiya iyo dalal kale, taas oo uu ku tilmaamay siyaasad guran oo aan miradhal aheyn, wuxuuna yiri “Waxaa magacii iyo miisaankii Puntland shiiqiyey heshiisyada ay dowladda KMG la gasho Puntland oo aan marka hore go’aan loo dhanyahay laga qaadan, taas waxaa laga dhaxlay is qabqabsi joogto ah iyo siyaasadeenii oo hooska labadiisa gelin noqotay, waxaa si indho la’aan ah afka looga galay kulankii Ingiriisku caalamka London ugu qabtay oo dulucdiisu ahayd in Somaliland mowqifkeeda aduunka hor dhigto halka Soomaaliya iyo Somaliland la isku barbar dhiga”.
Sidoo kale xildhibaanku waxa uu ku dhaliilay maamulka Faroole inuu heshiisyo iskala galo shirkado iyo dowlado kale iyadoo aan Baarlamaanka ka warqabin, sidoo kalena waxaa kulamo joogto ah lala yeeshaa wafuuda ka timamada caalamka iyadoo aan Baarlamaanka waxba laga socodsiin waxyaabaha laga-wadahadlay, wuxuuna ku dhaliilay Xukuumadda Faroole inay wax ka qabanweyday hay’adaha ajnabiga ah ee Puntland yimaada, kuwaas oo gobolo kale ka soo qorta dadka u shaqeeya, iyadoo ay Puntland joogaan dad aqoon leh, isla markaasna ka bixi kara howsha.

garable.com
muxudin diini fiidow

Madaxweyne Sheekh Shariif:- Somaliland raalligelin ayaan u geynay wixii dhacayna waxaa mas’uul ka ahaa

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay u geeyeen ralligelin maadaama ay tabanayaan tacaddi horay loogu geystay, ayna ku heshiiyeen in wadahadalladu ay sii socdaan.
Sheekh Shariif ayaa hadalkan jeediyay ka dib kulan uu Muqdisho kula yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo muujiyey inuu rajo weyn ka qabo inay wadahadallada noqdaan kuwo mira-dhala, wuxuuna yiri “Walaalkaa haddii uu wax kaa tabto waxaa haboon inaad tiraado raalli ahow, Somaliland waxaan u geynnay raalli, wixii dhacayna ka raalli ahaada, waxaana ogolnahay in laga wadahadlo, laakiin nidaam jiray oo dhibaatadiisu cid walba gaartay ayaa mas’uul ka ahaa arrintaas”.
Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in Koonfurta Soomaaliya ay ka dhaceen dhibaatooyin fara badan, isagoo xusay in kulankii dhacay la iskula gaaray in la isi saamaxno, maadaama walaalo la yahay Soomaalina la yahay lana wadafariisto.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka inay dedejiyaan xulidda ergooyinka ansixin lahaa dastuurka, isagoo xusay inay ka go’an tahay in xilliga KMG ah lasoo gabagabeeyo 20-ka Ogoosto sanadkan, wuxuuna yiri “Howlo badan oo dowladda aad u qaban lahaydeen ama aad iskiin u qabsan lahaydeen ayaa jira, waa inaad soo dedejisaan ergada ansixinta dastuurka iyo Xildhibaanada cusub si xilliga KMG ah loosoo afjaro

gabarle.com
muxudin diini fiidow

Saturday, 30 June 2012

midowga Africa oo go,aansaday in ciidamo booliis ah la geeyo Muqdisho



Addis-abab(wabarimedia.com Ururka Midowga Afrika iyo dawlada Uganda ayaa heshiis ku gaaray oo kala saxiixday heshiis ah in dawlada Uganda ay gayso magaalada Muqdisho 140 askari,iyadoo howgalka ciidamadan booliiska ahi ay qayb ka noqonayaa howlgalka AMISOM ee hoostaga Midowga Afrika.
Golaha nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa bishii Jannaayo ee sannadkan isku raacay in howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya lagu kordhiyo ciidammo booliis ah oo qayb ka qaata sugidda nabadgalyada, iyadoo go'aankan ay ku raaceen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii February ee isla sannadkan.
Waxaa iyana sidoo kale la wadaa tallaabooyin uu Midowga Afrika ku doonayo inuu heshiis kula galo xukuumadda Nigeria sidii ay 140-askari oo booliis ah u geyn lahayd magaalada Muqdisho.
Iminka ayaa  Muqdisho waxaa ku sugan 60-askari oo booliis ah kuwaas oo iyana ka socda ururka Midowga Afrika, waxayna kaalin muhiim ah ka qaadanayaan dadaalka lagu dhisayo awoodda ciidammada booliiska Soomaaliya, iyagoo siiyo talooyin iyo tababar lana socda habka ay u shaqeynayaan.
Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada booliiska ah ee ka socda dalaka Uganda iyo Nigeria loogu talogalay inay qayb ka qaataan xasilinta caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo ah meesha ciidanka Midowga Afrika uu ka howlgalo, kaddibna lagu fidin doono gobollada kale ee Soomaaliya.
Ciidamada booliis ah ee ka socda dalalka Afrikca la geynayo Muqdisho ayaa ku soo beegmayaa xilli ay ciidamada AMISOM horumarro ka sameynayaan howgallada ay u joogaan Muqdisho.
Munaasabadda heshiiska lagu kala saxiixanayay oo ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil booliis oo ka socda hay'adda dawlada iyo kuwa Africa
garable. com
muxudin diini fiidow

Madaxweyne Caalin “ aniga waan caafimaad qabaa, hadana waxaan ku soo laabtay Nairobi, waxaana ka soo Qeybgalay shirkii Dubai, waana Been abuur in Wadnaha la iga Qalay

Madaxwewynaha Maamulka Galmudug axmed Maxamed Caalin oo saacadaihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi, kadib markii uu ka soo laabtay magaalada Dubai, oo uu uga soo Qeybgalay kulankii dhexmaray Madaxweyne shariif iyo axmed siilaanyo, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Warar ay Qorayeen WarbaahintaMadaxweyne Caalin oo uu Wehliyo Maxamed Ducaale kaahiye ahna laTaliyaha dhinaca siyaasada ee Madaxweyne Caalin, ayaa Bogan u sheegay in aysan jirin Wararka soo baxayay saacadihii la soo dhaafay.
Madaxweyne Caalin ayaa sheegay in uu caafimaad qabo, ayna Been abuur tahay wararka sheegaya in Qaliin Wadnaha ah lagu sameeyay.
“ aniga waxaan hada ku soo laabtay Nairobi, waxaana hada joogaa halkaan waana waxba kama jiraan in la iga qalay wadnaha, waxaana ka Qeybgalay shirkii ka dhacay Dubai daraad”ayuu yiri Caalin.
Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha Maamulka Galmudug in saxaafada looga baahanyahay in ay hubsadaan inta aysan Wararka Qorin.

garable.com
muxudin diini fiidow